||ALLAH DUCOOYINKEENA HANOO AQBALO - ILA AQRISO QISADAN KOOBAN - - TopicsExpress



          

||ALLAH DUCOOYINKEENA HANOO AQBALO - ILA AQRISO QISADAN KOOBAN - WAX KA YAR 1 DAQIIQO AYAY KUGU QADANAYSAA AQRINTEDA|| Sheekh Maxamed Xassaan ayaa wuxuu yiri:- Waxaan Damcay in aan Muxaadaro ka jeediyo Kacbada Agteeda, intaan Hadalka Bilaabinba Nin i yiri:- Sheekh Illaah baa kuugu Dhaariyaye Muxaadarada ha Bilaabin ilaa aad Sheekadeyda Maqasho, waxaan ku Dhahay ku soo Dhawoow, oo kaalay Hadal, Garabkeyga ayuu soo Fadhiistay, waa Nin Caadi ah, oo Taajirna ah, kadib wuxuu yiri:- waxaa igu dhacay Shalalka Kaliyaha, oo Lugaheyga ma Dhaqaajin karo, kumana socon karo, waxaan Dhakhtar u aaday London, Faransiiska iyo Ameerikaba, laakiin wax Dawo kama Helin, oo Cudurkeyga wax wey ka Qaban waayeen, Maalin Maalmaha ka mid ah Anigoo Gurigeyga Fadhiya ayaan waxaan arkay Dad Dhawaafaya Beytka Allaah, Caruurteyda ayaa waxaan ku iri waxaan Rabaa inaan soo Booqdo Beytka Illaah, kolkaaseey waxey igu yiraahdeen:- Aabo ma socon kartide maxaan Sameeynaa, waxaan iri ii soo Kireeya Diyaarad Khaas ii ah, wey soo Kireeyeen, kadib Kacbada ayey i Geliyeen, waxaan iri:- Xajaral Aswadka ii Dhaweeya, wey ii Dhaweeyeen, ka dib Duco Dheer ayaan Bilaabay, waxaan Saacad ku Celcelinayey Boqorow Allahayow Maanta Halkaan ma Rabo inaan ka Tago Labo Sheey Mooyee, Anigoo Lugaheyga ku socda ama Anigoo Qabriga Galo, Arrinkaas ayaan ku Celceliyay muddo Saacad ah, ilaa Madaxa i Xanuunay, markaasaa Hurdo Yar i Qabatay, Anigoo halkaas Jiifa ayaan waxaan ku Riyooday iyadoo la i leeyahay Kac oo Lugahaaga ku Istaag, ee Soco, Kac oo Lugahaaga ku Istaag ee Soco, kadib Waan soo Baraarugay, waan Istaagay oo Lugaheyga ayaan ku Istaagay, waana socday, kadib markaan wax Yar socday ayaan Xasuustay Cudurkeygii, markaasaan iri Boqorow ma Hoojisid Cid ku Magan Gashay. F.G:- Walaalayaal waxaan Halkaas ka Fahmeynaa inuu Ilaaheey u Aqbalay Ducadiisa, Haddaba waxsaa wanaagsan in Baryada Eebe la Baiyo, waxa jirto Xilli ay Sammaddu Furan tahay, oo Ducada la Aqbalo, Ducada Aqbalideeda makala laha Maalin iyo Saacad, Waqti uun ayaa laga Aqbalaa Qofka, sidaasi darteed, Yaan laga Daalin Baryada Eebbe. ||Source - Řuwáýdá Hẳssẳn Offïćïäł Pägë|| || Abdirahman Samadoon||
Posted on: Mon, 22 Jul 2013 16:17:02 +0000

Trending Topics



">
Part 30 Let me go back and explain this to you. As I have said
Scriptures for Walking in an Open Heaven: “7 Minutes of
Brokis news 2014 : Mona by Lucie Koldova Building on the
Deb just brought the body count to 88,580 by icing [CCS] The
(peguei em um blog) "25 COISAS QUE VOCÊ NÃO SABE SOBRE A
Ο ΟΗΕ χτίστηκε σε οικόπεδο που

Recently Viewed Topics




© 2015