“WAR- DHAMMAADAY”. Puntland Waxay hadalhaysaa Tagtadii, - TopicsExpress



          

“WAR- DHAMMAADAY”. Puntland Waxay hadalhaysaa Tagtadii, Waxay ka Tussaalle qaadatay Raggii federaalka Awrta u rartay- Raggii Tallada soo hayn jirey, Waxay Tartan kula jirtaa Doraad iyo shallay. Timaadada looma toog hayo,lama hadal hayo- Lagama Tashan. Waxaa Hogaamiye Wanaagsan laga dhex- Arkaa- Aayaha iyo Mustaqbalka aynu rabno in loo Tillaabsado, ISBADEL NOOCEE AH AYEYNU HORSEEDNAA-. Marka aynu dib-u Jaleecno Doraad iyo Shallay- Waxaa sii Shaqeynaya- Halhayska “ YAA IGA WANAAGSAN”? iyo “ANIGAA WAX KUU OG”- iwm. “Ujeeddooyinka aan la isla Fahmin si Wadar ah looma Gaari karo”. Marka aad ku Fashilanto in aad iga dhaadhiciso, Waxa ay tahay in aan Noqdo, Ama aad Waa kasta oo ay Cadceedu soo baxdo Aragti iyo qorshe Cusub ay maskaxdaada ka Curtaan, “Isbedelka aan laga Tashan” iyadoo aysan Baahida Sabab u ah. Waa Waxyaabaha dhaliya kalsooni darida. Laguma Fashilmo inta badan, Qorshe macquul ah, Waa lagu Fashilmaa, Qorshe aan macquul ahayn. Sidaa awgeed Ma shaqeeyso "ANIGA AYAA WAX IDIIN OG". Waxaad Wali iga sii Rabtaa in aad igu reer dhaqato aniga oo dhibaateysan- Waa kugu Gardaro. Haddii aan Eebe kuu Darneyn, oo uusan ballo kula maagin.
Posted on: Wed, 04 Sep 2013 21:38:16 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015