1- Wadanka Koobaad ee ugu horeeya dhanka Speedka ama Xawaaraha - TopicsExpress



          

1- Wadanka Koobaad ee ugu horeeya dhanka Speedka ama Xawaaraha Internetka waxaa noqday Dalka Hong Kong, waxaana Xawaarihiisa lagu sheegay mid Ilbiriqsigiiba gaaraya 63.6 Megabyte (MG). 2- Japan waa Dalka Labaad ee Dunida ugu horeeya dhanka Speedka Internetka, waxaana uu Speedkiisu gaarayaa 50.0 Ilbiriqsigiiba. 3- Dalka Romania ayaa isagu Speedkiisa wuxuu gaarayaa 47.9 MG halkii Ilbiriqsiba, waana Dalka 3-aad ee Caalamka ugu horeeya. 4- Kuuriyada Koofureed wuxuu leeyahay Dhaqse Internet oo Ilbiriqsigiiba gaaraya 44.8 MG, waana Dalka Afaarad ee Dunida ugu horeeya dhankaas. 5- Dalka la yiraa Latfiya ayaa Kaalinta Shanaad galay oo la yimid 42.2 MG Ilbiriqsigiiba. 6- Wadanka Singapor ayaa Dalalka ugu Speedka horeeya Dunida ka galay Kaalinta 6-aad, isagoo wata 41.1 MG Ilbiriqsigiiba. 7- Kaalinta Todobaad waxaa ku jira Dalka Switzerland oo heeysta Speed dhan 40.3 MG Ilbiriqsigiiba. 8- Dalka Bulgaria ayaa Kaalinta Sideedaad soo galay oo Dhaqsaha ama Speed-ka Internetka uu gaarayo 38.2 Megabyte Ilbiriqsigiiba. 9- Holand waa Wadanka Sagaalaad ee ugu badan Speedka Internetka Dunida, wuxuuna heystaa 38.2 MG Ilbiriqsigiiba. 10- Biljamka oo Speedka Internetkiisu uu Ilbiriqsigiiba dhanyahay 38.0 MG ayaa noqday Dalka Tobanaad xaga Caalamka. 11- Dalka Ameerika ayaa ah kan 11-aad ee ugu horeeya Xawaaraha Internetka, wuxuuna ku faanayaa Xawaare gaaraya 36.6 MG Ilbiriqsigiiba. 12- Ingariiska ayaa heeysta 36.3 MG Ilbiriqsigiiba oo Dhaqsaha ama Speedka Internetkiisa ah, waana Dalka 12-aad marka Caalamka la eego. 13-Dalka Hungry ayaa Kaalinta 13-aad ku jira oo Speed-kiisu uu gaarayaa 35.9 MG Ilbiriqsigiiba. 14- Dhulka Falastiiniyiinta wuxuu noqday Dalka 14-aad ee Speed-ka Internetka ugu sareeya Caalamka, isagoo heysta 35.9 MG Ilbiriqsigiiba. 15- Dalka Check ayaa galay Kaalinta 15-aad ee xaga Speedka Internetka, waxaana uu leeyahay 35.5 MG Ilbiriqsigiiba. 16- Wadanka Sweden ayaa isagana Dhaqsaha Internetkiisu wuxuu gaarayaa 34.9 MG Ilbiriqsigiiba, sidaas ayuuna Dalka 16-aad ku noqday xaga Speedka ama Dhaqsaha. 17- Dalka Portugal ama Burtuqiiska waa kan 17-aad ee ugu horeeya dhanka Speedka Internetka Dunida, wuxuuna Dhaqsaha Internetkiisu Ilbiriqsigiiba gaarayaa 34.5 MG. 18- Canada wuxuu Speedkiisu dhanyahay 34.2 MG Ilbiriqsigiiba, waana Dalka 18-aad. 19- Wadanka Poland waa Dalka 19-aad ee ugu horeeya Xawaaraha Internetka, wuxuuna heeystaa 32.2 MG Ilbiriqsi kastaba. 20- Spain oo Speedkiisu uu gaarayo 31.3 MG Ilbiriqsigiiba ayaa sidaas ku noqday Dalka
Posted on: Sun, 28 Jul 2013 00:48:53 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015