1. markay dani meeday tidhi 2. maxaan talo meel ka deyey 3. - TopicsExpress



          

1. markay dani meeday tidhi 2. maxaan talo meel ka deyey 3. markaay dani maaha tidhi 4. weydiiyey qof meel ka deyey 5. markay dani maaha tidhi 6. ku laabtay halkaan ka deyey 7. markay dani maaha tidhi 8. ka sii deyey meel la deyey 9. Maxay doqoniiino tidhi 10. ruuxaan jirin raad ku doon 11. intaan isku duubay been 12. ka buuxsaday labada dacal 13 maxay runi daadi tidhi 14. maxaaan arrin dawlis dheer 15. ma diidoo la soo qoqoray 16. ku daabacan baal madow 17. ku daawaday meel madow 18. wax aan duluc sii ridnayn 19. indhuhu ku daraandareen 20. Maxaan dogob beer is idhi 21. daruuro u soo sasabay 22. daryeelka ku maal is idhi 23. biyuhu uga sii dareen 24. Wax aan degdeg jeer ku liqay 25. maxay shishe ii damqeen 26. kashayda dalooshadeen 27. muxuu hadba shay dellegan 28. dareensigu soo tuf yidhi 29. Ummuuraha duur xulka ah 30. duunkayga maxaan qodqoday 31. weydiiyey su’aal da’weyn 32. dibnuhu iga aamuseen 33. Dal xiiska maxaan bilqaday 34. maxaan farax deeddankii 35. maxaan sida daad jirfaday 36. maxaan hadba daaf qulqulay 37. maxaan hadba deex susumay 38. maxaan deli jeer ka dhacay 39. maxay jarar soo dedelan 40. doolaaladu fuul i tidhi 41. dushooda markaan u baxay 42. ha soo degin laygu yidhi 43. Maxaan dihin weel la galay 44. ku dayga maxaan ummuur 45. daboolka ka qaad is idhi 46. cabsidu iska daa i tidhi 47. indhuhu dib u soo noqdeen 48. Maxaan dhilay doog lingaxan 49. hal daahan maxaan furfuray 50. inaan dib u sii xidhxidho 51. garaadku ku daalay yidhi 52. Maxaan dardaraa habeen 53. anoo daba jooga raad 54. dedaalku i soo xidhxidhay 55. dakaanka anoo jiljilan 56. muxuu dayax soo mirkacay 57. degaan kale ii furfuray 58. dayaan igu soo gilgilay 59. Maxaan qoday doox sal weyn 60. maxaan helay deeq mug weyn 61. wax uu dad jeclaan lahaa 62. u waayey wax soo daldala 63. Wakhtigu boqol doocsanaa 64. dersuu kugu beerayaa 65. durduur kugu siinayaa 66. dardaaran adoo qabuu 67. dagaal kugu beerayaa 68. dil buu kugu oogayaa 69. markaad deldelaad gashuu 70. haddana kugu diidayaa 71. dorraato wuxuu ka yidhi 72. intuu ku diruu haddana 73. dabbaal kugu sheegayaa 74. Rugaha dunidaa busho ah 75. indhaha deyayaa xujo ah 76. docaa laga eegayaaa 77. deymaa lagu eegayaa 78 danaa laga eegayaa 79. u daana cid baa taqaan 80. ka daana cid baa taqaan 81. ta doora Rabbaa yaqaan 82. ka dooro adaa yaqaan 83. dildilo rogan baad tihiin 84. sidaad isu doorisaan 85. ayaad isu doorataan 86 markay dihatay dhul tahay 87 markay dihatay dhir tahay 88 markay duhur tiigsi tahay 89. ayay dalandool caddahay 90. duf bay ku sarbeeban tahay 91. dabay ku aleelan tahay 92. lafiba diirkeed qodnayd 93. Dal iyo magac bay lahayd 94. dad iyo mudan bay lahayd 95. duunyiyo mahad bay lahayd 96. diin iyo dhaqan bay lahayd 97. duug iyo dhaxal bay lahayd 98. dan iyo tacab lahayd 99. dedaal xejiyey lahayd 100. xadhkiyo dabar bay lahayd 101. aqoon durugtay lahayd 102. xil daacada bay lahayd 103. duleed jiratay lahayd 104 duggaal hanatay lahayd 105 daw iyo marin bay lahayd 106. dareer taxan bay lahayd 107. dardaaran cad bay lahayd 108. dabool adag bay lahayd 109. digtooni horey lahayd 110. dabaylo hadday ruxaan 111. durbaan weriyey lahayd 112. awaal deyis bay lahayd 113. dawiyo kabashay lahayd 114. xidhiidh degsan bay lahayd 115. dagaag sharafay lahayd 116. duciyo nabad bay lahayd 117. caqiibo danbay lahayd 118. han iyo dugsashay lahayd 119. deeq iyo hirashay lahayd 120. duddiyo gacal bay lahayd 121. dareen xidid bay lahayd 122. xormiyo deris bay lahayd 123.dul iyo magan bay lahayd 124. xishood dedan bay lahayd 125.dux iyo soddoh bay lahayd 126. dumaashi dhan bay lahayd 127. dad kala guran bay lahayd 128. rag iyo dumar bay lahayd 129. nin door taliyey lahayd 130. marwiyo degel bay lahayd 131. duq iyo garashay lahayd 132. haween darbban bay lahayd 133. barbaar diran bay lahayd 134. habliyo dardaray lahayd 135. halyey diriray lahayd 136. darmaan boqran bay lahayd 137. duud iyo oday bay lahayd 138. da’ weyn iyo da’ dhexay lahayd 139. da’aad yaryar bay lahayd 140. is daadihin bay lahayd 141. deryaale cad bay lahayd 142. dalaandaliyey lahayd 143. horweyn dalmaray lahayd 144. irmaan dararey lahayd 145. hal iyo dalawey lahayd 146. wan dool culus bay lahayd 147. sal iyo daab bay lahayd 148. dallaayad saray lahayd 149. shishiiyo duluc bay lahayd 150. wixii dumey bay lahayd 151. Iskuuladu waa dayeyn 152. dammiinnimaday dhigaan 153. dartay uma soo lug go’in 154. duruustu falkay tiqiin 155. daktoor cadoway sideen 156. digrii nacabey sideen 157. xaq bay garba duubayeen 158. Diintay gibil saarayeen 159. waxay dedayeen amuur 160. dhibteedu dib iigu tiil 161. waxay docfaruurayeen 162. dedaal abid soo taxnaa 163. Xafiisyadu waa dullayn 164. dulmay ka horseed yihiin 165. dikteetarraday dhalaan 166. direyska wedkay tolaan 167. dardaaran shishay qabeen 168. dalkay shil u loogayeen 169. dadkay u shidhaynayeen 170. dardaar werin meel u tiil 171. nin bay u danaynayeen 172. dugaagnimaday dhalaan 173. indhaha dannigay dhalaan 174. intii daran bay dhalaan 175. xadhkaha doqonkay tidcaan 176. naftay damac raaciyaan 177. wax bay daba qaadayaan 178. qofkii biyo diid yaqaan 179. darleefyey ninkay baraan 180. sagaashan dabeecadood 181. hadday kol ku soo degaan 182. diihaal iyo saar gumeed 183. ma aamino deeq ka weyn 184. inay laba duul dhintaan 185. Dukaamadu waa nuxuus 186. sun iyo dacar bay hayaan 187. daraandariyey hayaan 188. dareen xagatay hayaan 189. dalaaqda Tusmay hayaan 190. waxay demesh soo rogeen 191. waxay diric raarayaan 192. durraaxad u heesayaan 193. waxa lagu doonayaa 194. wax aanan u daafad hayn 195. waxaan diro lay carree 196. wax soo degay lay cusbee 197. ka dooro intaan lahaa 198. ka sii dar intaan lahaa 199. ku sii dil ayuu lahaa 200. ninkii digashada badnaa 201. Daaruhu tayo waa ka gaal 202. dulmay taran leeyihiin 203. bar duunyo ah waa ka caydh 204. waxay ku dul nool yihiin 205. nin daaqsada xoolo nool 206. dubbaha fakhrigay tumaan 207. waxay derbi jiifiyeen 208. barbaarkiyo doobka nool 209. carwada dibjirkay dhalaan 210. hadday kugu soo durkaan 211. ducaa laga hoos galaa 212. maxay damal weyn shiteen 213. maxay qudhac deebiyeen 214. waxay dab sudheen dhirtii 215. dhulkay midab dooriyeen 216. bal eeg degelkii hufnaa 217. bir iyo waxa daasad yaal 218. bal eega dalkii xalaa 219. waxay lafo daadiyeen 220. Shil baa dunidii ka dhacay 221. daacuun halisaa ku fiday 222. duufaan simay baa la tegay 223. doofaarrada aan gudnayn 224. diinlaawaha gaalku dhalay 225. maxay dulin faafiyeen 226. maxay samo duudsiyeen 227. maxay godob daaqsadeen 228. maxay denbi xoogsadeen 229. maxay dabar soo xardheen 230. maxay dabin soo shaqleen 231. danbeed maran soo asleen 232. Waxay dumiyeen aqoon 233. ilaa dura soo taxnayd 234. waxay damiyeen ilays 235. u daaran qof meel lahaa 236. waxay kala daadiyeen 237. daryeel isu dheelli tiran 238. naf daahira bay legdeen 239. docdeeda xun dhiiriyeen 240. dan bay canlabeebiyeen 241. dawgeedu xidhiidhsanaa 242. waxay iga soo duween 243. jidkaan isku daawan jiray 244. waxay dibad yaaliyeen 245. nin tiisa u door ahaa 246. in loo dawaray rabeen 247. da’diisa nimaan baryeen 248. waxay ka dhigeen dadkii 249. af iyo labadiisa daan 250. duugii ubadkay cuneen 251. wixii jiray bay dubteen 252. dusuud madhan bay dhigeen 253. halkii beri doobi yiil 254. waxay danbas tuumiyeen 255. rugtii digo loo yiqiin 256. duxdii noloshay tireen 257. waxay debciyeen naftii 258. waxay dacwadheen hankii 259. waxay isku soo dareen 260. dadkii kala caagganaa 261. intii gabadh diib lahayd 262. daf iyo kaman baa la tegay 263. dhulkii darrimaha lahaa 264. deegaantiyo baadku yiil 265. dabaylo cas baa ka kacay 266. dorraatiyo guulihii 267. dallaallimadii dhisnayd 268. wixii dalag meersanaa 269. daaduun qaxay baa ka dhacay 270. wixii duluglaa ka nool 271. dibnuhu dhubbad qaadayeen 272. Dagaalku sal buu lahaa 273. daad soo jabay baan intaas 274. gacmaha ku dabbaal lahaa 275. anigu dirir maan hanbayn 276. doodayduna may hinnayn 277. hub baa lagu diidanaa 278. waxay igu soo dabreen 279. halkay ila doonayeen 280. aniyo debad baanu nahay 281. cidlaan dildillaamayaa 282. daleel madhan baan tubnahay 283. sas iyo dala’asaan qabaa 284. dareen dhidar baan gashaday 285. dugaag falan baan qorrahay 286. daaraantuna way fogtahay 287. duullaankuna waa sidii 288. Haddaad liqday daacadii 289. adaa damacow yaqaan 290. sidaad uga dayn baxdee 292. ku sii dar tu kaa daran 293. Cilmigan dib u heego dhaca 294. cilmigan dul ka xaadiska ah 295. cilmigan sam dawdarka ah 296. caqligu ka daboolanyahay 297. bukaankiyo daafka qaba 298. gumaysigu diin u yahay 299. Ilaah lagu diidan yahay 300. Islaam la dagaalka ah 301. Danaysigu weel u yahay 302. dirsoocu u aabe yahay 303. daandaansigu guul u yahay 304. dabkiyo wada hawsarka ah 305. dilkiyo wada dhiig cabka ah 306. duullaankiyo boobka jecel 307. cilmigan dalandoolka badan 308. Damiirku ka meydka yahay 309. khaansiirkiyo duufka cuna 310. dillaalkiyo tuugga dhala 311. daydaygiyo jeelka qaba 312. wanaaggu ka dayro yahay 313. xumaantu u doorantahay 314. dadkiyo simay xoolihii 315. raggiyo dumarkii furfuray 316. intuu dumarkii is baday 317. raggii dumar qaar ka dhigay 318. af-duubkiyo qoolka taxan 319. Run baa lagu daahayaa 320. Dijaal korayaa qaarsoon 321. Dalaal iyo been madow 322. ninkii run ku doonayow 323. abuurtu dumaal miyaa 324. ma duur iska beermay baa 325. ma baadi dibbootey baa 326. dabaylo xagaa miyaa 327. ma doonni hallawsan baa 328. dusheedu ma goob jin baa 329. durbbaan iyo jaas miyaa 330. dawliil iyo quus miyaa 331. ma buur lagu daalayaa 332. ma boog damaqdaa wadnaha 333. ma doonis calool bugtaa 334. nin tiisu u diirantahay 335. ma suu u dullaynayaa 336. ma shay laga daawadaa 337. garaadka nin daymo dhow 338. ma Daarwin siduu yidhaa 339. daayeer nin ka soo farcamay 340. ma suu u dareemayaa 341. miyaanay dastuur lahayn 342. kitaab iyo diin lahayn 343. miyaan laga sii danbayn 344. sidii daraygii miyaa 345. midhii daraygii miyaa 346. duudduub ku liq yaa ku yidhi 347. Nin diidey inaad run tahay 348. ku dooday inaanad jirin 349. Rabbow dunidaada bilan 350. dunteeda ma sheegi karo 351. Daayeerka waxaa ka yimi 352. waxaan dad habboon ahayn 353. innagu dir kalaynu nahay 354. duudkii Nebigaynu nahay 355. deeqdii Rabbi baynu nahay 356. xil iyo derejaynu nahay 357. dar loo buriyaynu nahay 358. ka sii daray baynu nahay 359. Ilaah ka durkaynu nahay 360. Islaam dilan baynu nahay 361. dugaag u dhacaynu nahay 362. ka daatay muskaynu nahay 363. Ibleys didsadaynu nahay 364. doofaarada aan gudnayn 365. u doortay runtaynu nahay 366. xaqay garbba duubayaan 367. ku diirsanayaynu nahay 368. diin laawaha gaalku dhalay 369. ku dayday ayaynu nahay 370. dayeysan ayaynu nahay 371. Sidee duni loogu lumay 372. maxaa dad ku soo lug go’ay 373. maxaa ku hungoobey duul 374. diihaal kula soo dhex dhacay 375. maxay duluc guud martaa 376. maxay dersi yeedhisaa 377. maxay nin u deexataa 378. Iadnaan ugu duur xushaa 379. hadhow xagal daacisaa 380. maxaa degdeg wiil ku yimi 381. dusheeda ku foos burburay 382. jid uu nin ku daaqay ciin 383. maxay dabadiis dhigtaa 384. nin aan ka danbbayn karayn 385. maxay doqon loogataa 386. maxay laqan dooxataa 387. maxay danab liicisaa 388. maxay dabar liilisaa 389. maxay dildillaacisaa 390. ammuur kuu dabool lahayd 391. maxay digdig soo xidhaa 392. maxay sado daadisaa 393. maxay amar duulisaa 394. maxay dardar loodisaa 395. maxay diric quusisaa 396. maxay kibir daalisaa 397. maxay damac beenisaa 398. maxay nin dabbaal yaqaan 399. dalluun ku waraabisaa 400. maxay daldaloolisaa 401. deeqdeeda hadhuub lahaa 402. maxay lur u sii dirtaa 403. ku sii dar ninkii yaqaan 404. maxay dab ku sii shiddaa 405. ninkaanay daweyn karayn 406. Adduunyadu waa daryeel 407. daryeelka wixii ku nool 408. dad bay magantiisa tahay 409. dardaaran cad baa ka yaal 410. daymiyo garashay rabtaa 411. hog loo dayo bay rabtaa 412. Runteeda qofkii duwaa 413. xaquu kaga dayro yahay 414. dawgeeda haddaan la marin 415. daliil rabbi looga dhigin 416. deynkeeda waxaad guddaa 417. mar aanad u daafad hayn 418. ninkii dabinkeeda gala 419. dib bay u xusuusisaa 420. digniino horoo badnaa 421. Abuurtu dahaysanaa 422. sir iyo duluc raaranaa 423. daabkeedu aroorsanaa 424. degaandeg ballaadhanaa 425. dawgeedu aloosanaa 426. rugaanrugo durugsanaa 427. muggeedu daruuranaa 428. dijaallada soo if baxay 429. weelkay darayaan yaraa 430. damiinka waxaa ka dhigay 431. amuurahan daalka badan 432. siday u dul cararayaan 433. kashii demman bay legdaan 434. siday wax u duufsadaan 435 daliil uma si hayaan 436. Hubkooda dayaanka dheer 437. markay darandoorriyaan 438. cid bay ku dullaynayaan 439. cabsay dad ku beerayaan 440. korkeena inay degaan 441. dusheenna ka soo hadlaan 442. waxay ugu duur xulaan 443. kasheenna inay darbaan 444. hankeenna inay dilaan 445. jidkeenna inay duwaan 446 dawaafka is dhaafayaa 447 duullaanka cirkee socdaa 448. dedaal iyo maaha guul 449. daryeel kuma baadhayaan 450. wanaag kuma doonayaan 451. inay cilmi daalacshaan 452. aqoonta ku sii durkaan 453. wixii dedan qaawiyaan 454. dantoodu ka sii gun dheer 455. rugaa dirir saaranyahay 456. waxay u docaynayaan 457. dayaxa u hadhaynayaan 458. dagaar u cagaynayaan 459. inay run ku duudsiyaan 460. xaqiiqada daahsudhaan 461. adduunyada dooriyaan 462. iyagu u daliil noqdaan 463. Nin diidey Inaad Run tahay 464. ku dooday inaanad jirin 465. Rabbow dunidaada bilan 466. ammaan kuma daaqi karo 467. Haddaan Runi diiddanayn 468. haweeney dumaal ku timi 469. waxay derejeyn lahayd 470. inay gabadh doonnan 471. diddii hungurow diddii 472. kal daaf hagayaay diddii 473. dhegaade danow diddii 474. dareenka bukow diddii 475. adduunyadu maaha dool 476. dijaallada soo if baxay 477. haddaanay war deeqa hayn 478. sidaan u dayaaba waa 479. docdaan u kacaaba waa 480. dushaydiyo hoostu waa 481. Daliil iyo waa Yiqiin 482. Dallaallimadeeda guud 483. siday u dalaysantahay 484. siday u degmaysantahay 485. siday u duggaashantahay 486. siday u dalleensantahay 487. siday u dammiin caddahay 488. siday u dareersantahay 489. sidaanay u daadsanayn 490. da’deeda la yaabka weyn 491. siday uga duug la’dahay 492. siday dalandool u tahay 493. siday u dekeysantahay 494. siday u taqaan didmada 495. siday u dareen la’dahay 496. siday u daryeelantahay 497. siday u darbbaysantahay 498. siday u daraandaraan 499. siday uga dayriyaan 500. siday laba duul u tahay 501. siday laba deeq u tahay 502. siday degel degel u tahay 503. siday degel qudha u tahay 504. hal doorba hal doorka kale 505 siduu ula daawa yahay 506 amuurahan laysku dabay 507. dawaarahan laysa sudhay 508. sidii deleb loo dhigdgigay 509. wadaagahan laysu diray 510. lammaanahan laysku daray 511. hadday is daboolayaan 512. ilaah dejiyaan maqnayn 513. Cadceedu dorraad ma dhalan 514. kulkeeda dawaa ku shuban 515. if keeda Run baa ku duxan 516. dayuxu marin buu hayaa 517. xil loo diray buu hayaa 518. daw buu ku aroorsanyahay 519. dilluu ku hoggaansanyahay 520. dooggiyo dhirtu maaha baad 521. caleen iyo ma aha daaq 522. kasii duluc dheer intaas 523. waxaa ku dareersan nuur 524. Run bay ku dalaysantahay 525. Wadduur culus baa ku taal 526. daymaan lagu faaqidayn 527. dareen akhriyaan la hayn 528. indhaha damac baa hor yaal 529. waxaan Dahab meel ka gelin 530. waxaan magac doollar sidan 531. diinnaar iyo lacag ahayn 532. yaqiin kama sii dayaan 533. damiirku hadduu qallalo 534. hadduu dufan raadis yahay 535. daliilka hortiisa yaal 536. waxaa kaga beegan daah 537. dadkuna badi waa sidaas 538. dakano gacal bay qabaan 539. dagaal ramataynoqdeen 540. dabrrayn iyo weerar bay 541. Runtii kaga duuban tahay 542. Xaqiiqada daahir ka ah 543. dulmay kaga hoos jiraan 544. abuurta ma daawadaan 545. denbay kala boobayaan 546. dushooda ma eegayaan 547. dux bay kaga fooraraan 548. si bay u dar jiidhayaan 549. dunuunuc bukay liqeen 550. dalqay wax ku eegayaan 551. dil bay u hamuumayaan 552. dibnay la haliilayaan 553. dedaal ma haleelayaan 554. daryeel ma hanbbaynayaan 555. dardaaran ma dhuuxayaan 556. digniin ma dhabaynayaan 557. dharaar kama doodayaan 558. halkay ku dambbaynayaan 559. dayow kama toosayaan 560. Wax diiddo markay jirtaa 561. wax doonkuna meel mar yahay 562. naftana dabar baa xaslada 563. dibsooduna waa ammaan 564. digtooni haddaan la hayn 565. dagnaaniba way jirtaa 566. dannaani miyuu xunyahay 567. markaan danan loo maqlayn 568. xilkii dadnimay rabaan 569. xuquuq dadnimay rabaan 570. naf daallina bay rabaan 571. inaan dulmigeedu qaban 572. dawgii noloshay rabaan 573. inay shar ku daydayaan 574. xumaan qof ku daalayaa 575. wanaag damaciis hayaa 576. dammiinka halkii ahayd 577. siday uga soo durkeen 578. miyay dib u soo noqdeen 579. siday u duleed baxeen 580. ayay u dabayshadeen 581. waxay dumiyeen Runtii 582. waxay u dumeen Runtii 583. markay dumiyeen Runtii 584. nin daacad hoggeeda qoday 585. miyuu ka danbaynayaa 586. intuu bahalaha dugsado 587. intuu Dubur hawd ka xulo 588. ayuu qofku doonayaa 589. dugaaggu inaanu cunin 590. Naftiisa qofkii dulmiyey 591. deyrkaaga Rabbow ka baxay 592. muxuu halis daaqayaa 593. Addoonku Rabbow ma dayo 594. deeqdaada intuu hantiyo 595. duntii maqan buu tebaa 596. wax uu degdeg kaaga filay 597. haddaanay ku soo dul quban 598. cadhuu la dakaamayaa 599. dibnuhu baryaday karaan 600. daryeel kama mahad ceshaan 601. jiilaal la darbbaysanyahay 602. diihaal iyo gaajo kulul 603. haddii beri roob ka da’o 604. qof doogey markaas illow 605. siduu u ducayn yiqiin 606. xusuusba ka sii durduri 607. Nin duunyadu mool ku tahay 608. dadkiisuna maansha yahay 609. ayaa misna kuugu duda 610. waxaanu u daafad hayn 611. qofkaad shar u diiddan tahay 612. u doortay si kahyr ku jiro 613. ayaa misna kuugu duda 614. waxaad uga daacad tahay 615. Sifaadkaa deyr ma xidho 616. dareenku ma gaadhi karo 617. garaadku ma duubi karo 618. dibnuhu ma macnayn karaan 619. qof doonay inuu dhex galo 620. ku daaley ma dhaafi karo 621. Dunjiga khalqigaagu yahay 622. haddii gelin laysu dumo 623. raggiyo dumar laysu guro 624. jinkiyo insi laysku daro 625. hadday ku dedaal galaan 626. intay dardartoodu tahay 627. hadday orod dooddiyaan 628. hadday fadal deeddamaan 629. muggood daranddoorriyaan 630. haddii badda loo dardaro 631. dawaad milan looga dhigo 632. dureemada loo qorqoro 633. waxay ku danbaynayaan 634. inay dib u soo gurtaan 635. Astaamaha dawladnimo 636. markay derejiyo Run tahay 637. Adaan cidi kaaga dayan 638. In daalacan Baad taqaan 639. intii dedan Baad ogtahay 640. horraysana Waad digtaa 641. dambaysana Waad sugtaa 642. intii daran baad kartaa 643. in doora rabbaad u tahay 644. dulleynna Adaa ku filan 645. daryeella Adaa ku faxan 646. Sidaad damacdaaba fudud 647. dardaar werintaada guud 648. Adaa naxariis ku daray 649. dannina boqor baad ka tahay 650. dayrona Hodan Baad ka Tahay 651. denbina Dhaafaad u Tahay 652. dulqaadna Allaad u Tahay 653. baryana Deeqlaad u Tahay 654. Adaan talo kaa degdegin 655. dorraato wax kuu ekaa 656. Adaan dib u qoomamayn 657. Adoo isla doonay laba 658. Adaan midi kaa durkayn 659. Adaan waxba kaa dibjirin 660. Adaan damac fuushanayn 661. Adaan waxba daba orddayn 662. Aday dani kuu dhantahay 663. Adaan xagal daac lahayn, 664. wixii hadhay baa dellegan 665. daalaa dhacu waw astaan 666. waxaa doqonniino badan 667. intuu dadba kow ka yahay 668. waxaan dalab waayi karin 669. intuu durey hoog ku yahay 670. hadduu dib qallooc yaryahay 671. naftuu damqayaan is bixin 672. sidii dudurkaan socdaa 673. sibaan u durdurinayaa 674. hortayduna waa derderan 675. hareeruhu waa deldelan 676. gaadashuna waa damdaman 677. aboor iyo waa dundumo 678. Dhadhaaba xidh baan tognahay 679. darmaan falan baan sudhnahay 680. dameero jin baan intaa 681. dib uun ugu guurayaa 682. shax baan degayaa hog hogan 683. hog baan ka ilduufayaa 684. wadaamo dugeed ayaan 685. darroor ka gufaynayaa 686. qabyaan ku dul meerayaa 687. iyadu daldalool ku nool 688. markaan gudin daab u helo 689. ayuu dumayaa habeen 690. dab baan dab cunsiinayaa 691. dab baan ku bakhtiinayaa 692. ummuur dedan baan haddana 693. dabool kale saarayaa 694. bar baan kula doodayaa 695. Bad aan bado daalin karin 696. naf baan isla doonayaa 697. is diiddo dhexdeeda taal 698. duunkayga baqaa ku jira 699. dareen cabsiyaygu badan 700. hadduu dacaw meel ka ciyo 701. didmaan isla boodayaa 702. malyuun dakhar baan qabaa 703. doogtooda ma ciidmi karo 704. waxaan ahay ruux u dagan 705. cadaawiyo duullan baas 706. kal dooxani way habtaa 707. dardaaran haddii la faro 708. digniintu hadday caddahay 709. dammiinku ma dhuuxi karo 710. dorraad ma xasuusan karo 711. waxaan dibindaabyo falay 712. shalay kama daacad noqon 713. dantayda wixii ahaa 714. haddeerra si dawgu yahay 715. dib baan ka illaawayaa 716. dad baan ahayoo Rabbow 717. kolley denbi way ag yaal 718. hawiyo damac baa i sida 719. hiyiga falan baa i dira 720. dareenka xun baa i shidan 721. ta ii daran baan jeclahay 722. kas baan ahay daymo dhow 723. kal baan ahay doonis badan 724. inaan dumey maan ogayn 725. inaan degey maan arkayn 726. dermaan Run ku goobayaa 727. dabaylo ibleys wataan 728. sidii qori daad la tegey 729. wed baan dul sabbaynayaa 730. intii dabin ii xidhxidhan 731. intii belo ii dahsoon 732. intii dalag loogu dhaco 733. dalluumaha ii qarsoon 734. Rabbow debecaaga saar 735. Miisaanku doc buu jiraa 736. docdii halistuu jiruu !!! 737. intaan dawan laysu tumin 738. dayaanku intuu negyahay 739. intay belo deyrantahay 740. intay weli duur xul tahay 741. duulduulka ku kooban tahay 742. hadday tahay maalin daran 743. ka sii daran baa jirtee 744. intay weli doobir tahay 745. dib iyo noqoshaan rabaa 746. dan iyo nolol baan rabaa 747. dawiyo nabad baan rabaa 748. xill daahira baan rabaa 749. naftayda inaan u diro 750. wax uu dugsadaan rabaa 751. hankayga inaan ku dayo 752. dagaal xaq ah baan rabaa 753. deeqdaada Inaan ku helo 754. damiir xalan baan rabaa 755. deynkaaga inaan ku gudo 756. Rabbow ifka nooga door 757. dedaalkana noo rumee 758. Rabbow danbbe noo ogow 759. wixii tegey duudsi yeel 760. Rabbow dunidaada weyn 761. dabaylo fayow ku xeer 762. intii dulin baas dhex taal 763. Rabbow digo xaadh ku fiiq 764. Rabbow magac dawladeed 765. intaan dugsan layn yiqiin 766. rabow dumi waa hungee 767. distuurrada baadilka ah 768. intaan xaqa daafacayn 769. ka reeb dambas waab dhex yaal 770. Rabbow dalka kaanu nahay 771. intii degel muumin yaal 772. wanaag ku dallaallimee 773. Islaamka kusoo dabbaal 774. waxay ku dulloobayaan 775. Dijaallada soo if baxay 776. qof deymo leh haw shidhayn 777. Haweenkuna waa duggaal 778. deeqdaada badh bay yihiin 779. waxaa lagu daaqayaa 780. siday u dul leeyihiin 781. shar daalacan baa jiree 782. iyagu dedan bay dhasheen 783. dunuubta ninkay badhxaan 784. Rabbow ducadayda sii 785. samaa dumar noogu dhiib 786. raggana dummaddooda saar 787. waxay dumiyeen Rabbow 788. haddaanay xumaanta deyn 789. Rabbow dalandoolka dhow 790. shil noo dihin maalintaas 791. Rabbow naga sii dabool 792. hortaadana noo dalee 793. degaankana nooga yeel 794. daryeelku halkuu Run yahay 795. haddaanay dir sooc lahayn 796. falkaagu u daw bannayn 797. cibaadadu waa ku daal 798. Badbaado qof doonayow 799. kashaada dareen ku beer 800. dareenka samaa ku beer 801. indhaha dib u soo muslimi 802. Illaahay dartiis ku eeg 803. daliilka hortaada yaal DABA HUWAN@ Hadraawi Literature
Posted on: Sat, 28 Sep 2013 08:23:57 +0000

Trending Topics



30px;">
Kiwi the Shelter Kitty! sings da praises of splendid Mediumhair
AP9036/2013 Deputy Director/Regional Programme Leader - Free State
Disney Winnie the Pooh 100 Acre Themed 16 Piece Birthday Cake
ALS Challenge Completed!!! I was challenged by Alexander Pickard
Hunger games for Exotic animals step right up get your ticket.

Recently Viewed Topics




© 2015