12 July 2013 Waagacusub-Agaasimahii Madaxtooyadda Somalia Kamaal - TopicsExpress



          

12 July 2013 Waagacusub-Agaasimahii Madaxtooyadda Somalia Kamaal Dahir Guutaale ayaa markii ugu horeeysay ku biiray Mucaaradka Madaxweyne Garguurte kadib markii shaqada laga eryay oo xilkiisii loo magacaabay wiil ay dhashay Madaxweynaha walaashiis. Kamaal Dahir Guutaale oo ku shaaheeynaya Hotelka Grand regency ee Magaaladda Nairobi wuxuu sheegay in xilkiisii loo magacaabay wiil ay dhashay Nurto Sheekh Mohamud Culusow hasse yeeshee intaas kuma ekeeysan ee wuxuu bixiyay sirtii qarsooneed iyo dabeecada uu ku arkay Hassan Garguurte mudadii uu la shaqeeynayay. Kamaal Dahir wuxuu sheegay in safarkii ugu dambeeyay ee London ku tegay Madaxweynaha uu Visayaal u qaaday lix qof oo qoyskiisa ah ,uuna ka mid yahay wiilkiisa Mohamed Hassan Sheekh Mohamud . �Markii aan ka soo laabanay safarkii London waxaa noo timid Safaaradda Ingiriiska waxay nagu dhaheen aaween lixda qof ee idinka soo hartay ,waxaan u gudbiyay Madaxweyne Hassan ,wuxuu igu dhahay ka bax arrimahaas ,waxaan ka wada hadalnay David Cameroon� ayuu yiri Kamaal Dahir. Wiilka uu dhalay Madaxweyne Garguurte ee Mohamed Hassan Sheekh waxaa markii ugu horeeysay lagu arkay {xafladii 1 Luulyo ee London} ka dhacday,waxaana la xaqiijiyay inuu UK iskaga dhiibay qaxootinimo laakiin lama oga inuu magaciisa isku dhiibay iyo inuu magac kale isticmaalay. Mohamed Hassan Garguurte oo bartay Caafimaadka wuxuu ka shaqeen jiray rug ku taal Muqdisho oo lagu magacaabo Garguurte Specialist Clinic,sida ku qoran barta uu Facebook ku leeyahay hasse yeeshee dhamaan isaga iyo Caruurta Madaxweynaha Somalia waxay Jaamacad ka dhigan jireen Dalka Ukraine. Kamaal Dahir Guutaale wuxuu tibaaxay in Madaxweyne Hassan yahay nin qabyaalad badan oo maskixiyana aad u fudud. � Wuxuu xilal u magacaabay labaatan qof oo beesha Waceeysle u dhalatay ,waxaa ka mida Gudoomiyaha Somaliland Airline,xiriiriyaha Jaaliyada,Taliyaha Ciidamadda Madaxtooyadda iyo shaqsiyaad caana oo liiskooda aan hayo,waxaa intaas dheer inuu aad iskaga ilaaliyo beesha Habargidir qof u dhashay oo waxgala� ayuu yiri Kamaal Dahir. Agaasimaha xilka laga qaaday wuxuu tilmaamay inuu habeenkii Madaxweynaha dhex wareego Ciidanka ilaalada Madaxtooyadda ,isagoo askari kasta weydiinaya qabiilkiisa,hadii uu sheegto inuu yahay Abgaal ,wuxuu sii weydiiyaa yaad ka tahay,"hadii uu Waceeysle sheegan waayana wuxuu subaxdii amraa in askarigaas loo wareejiyo xarumaha kale ee Dowladda� Mar uu Kamaal Dahir ka hadlayay dabeecada Madaxweyne Garguurte wuxuu ku sifeeyay nin been badan oo aan fulin balanqaadyadiisa. �Intii aan la shaqeeynayay Madaxweyne Hassan waxaa iigu yaab badnaa dhaqankiisa ,inuu lacagta ku shubo kartoon yaal miiska hoostiisa kadibna dadka la shaqeeya markeey u yimaadaan lacagta u cantoobsho,isagoo ku dhahaya iima imaan kartid lix bil,taas waxaan kala jeedaa qof wuxuu siinayaa waxaan heyn xaqiisa ama ka yar ama ka badan� ayuu yiri Agaasime Kamaal Dahir Gacameey. Kamaal waxaa la rumeeysan yahay inuu sir badan ka bixiyay xafiiska Madaxweyne Garguurte ,uuna la shaqeeyo Sirdoonka Eretria. Waxaa warbixintaan isku duway, Mohamed A.Mohamed oo jooga Nairobi,Abdisalan A. Yusuf oo London jooga,waxaana tifaftiray Dahir A. Alasow oo Netherland jooga.
Posted on: Sat, 13 Jul 2013 22:55:27 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015