22385 Salman Khan oo markale dib u hantiyay jaceyl - TopicsExpress



          

22385 Salman Khan oo markale dib u hantiyay jaceyl cusub. 2010-09-11 22:46:06 Salman Khan oo gacanta uga dhegan Zarine Khan gacalisaadia cusub Jilaaga bollywoodka Salman Khan ayaa buuxiyay booskii ay baneysay gacalisadiisii hore Katrina Kaif oo ay kala hareen laba todobaad kahor asigoo xariir ugub ah lasameeyay Atariishada Zarine Khan. Salman Khan Aishwarya iyo Vivek oo isku yimid ugu dambeyn Salman Khan oo doqon ugu yeeray Vivek Oberoi: Salman Khan iyo Katrina Kaif way kala hareen Akshay iyo Katrina oo Tees Maar Khan Duco doonay si uu u guuleysto. Salman iyo jaceylkiiisa cusub Zarine Khan ayaa hore u wada jilay� filmkii Veer , waxeyna ka muuqdeen iyagoo isku lamaaneysan xaflad uu u dhigay Jilaaga Aamir khan� iyadoo lagu tilmaamay in ay ka muuqatay lamaane uu u bilaabay xiisaha Jaceylka. Jilaaga culus ee Salaman Khan iyo Zarene Khan ayaa mar qura isla soo galay xaflada iyagoo gacmaha is heysta xili habeen bar ah taasoo saameyn ku yeelatay saxaafada iyo dhamaan dadweynihii ka soo qeybgalay xaflada waxa uuna u muuqday Salman mid aan wax cabsiya kaqabin lasocoshada jaceylkiisa cusub. Zarine Khan iyo Salman ayaa hora u ahaa saaxiibo isku dhaw iskuna shubta sheekooyinka hayeeshee waxey hada isku bedeleen lamaane jaceyl cusubi uu dhaxyaalo iyagoo haatan ku sugan Dalka Sri Lanka si ay uga qeybgalaan xaflad lagu qeybinaayo abaalmarino. Salman Khan iyo saaxiibtiis Zarine Khan Zarina khan oo ay ka muuqatay faraxad ayaa sheekada ku soo afjartay hada waxaan ahay qeyb kamida Salman Khan isagana waxuu u muuqda ruux ku qanacsan gacalisadiisa Cusub maadaama uu Isbuucii hore ku gacan seyray gabadhii quruxda badneyn ee Katrina Kaif iyadoo Salman uu hore uga haray atriishooyin kale sida Aishwarya Rai, waxaana la sheegaa inuu Salman Khan nasiib u leeyahay gacan ku dhigista gabdhaha ugu qurxoon Bollywood ka laakiin uusan soo afjarin iyagoo ka carara maadaama aysan ka heleyn waxa ay ka doonayaan oo ah in la gaaro gebagabo ama dhameystir. Zarine Khan oo kasoo jeedda Pashtun ayaa ah 25 jir waxeyna kusoo gashay Bollywood xayeysiinta dharka waxeyna aheyd qof dadaal badan waxaana la sheegaa inay meelo badan uga egtahay Katrina Kaif.
Posted on: Sun, 27 Oct 2013 21:14:57 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015