AAWAY CIIDANKII DOWLADDA FEDERAALKA SOOMAALIYEED? Alpha Group, - TopicsExpress



          

AAWAY CIIDANKII DOWLADDA FEDERAALKA SOOMAALIYEED? Alpha Group, waa ciidan Soomaliyeed oo loo tababaray sida comaandooska oo kale,(special unit forces) waa cutub aad u tababaran oo loo diyaarshay inay fuliyaan qorsho ciidan oo qatar ah, ayagoo adeegsanaaya, DIL/ ama Qabo gaswadayaasha nabadda Umadda Soomaliyeed. Cutubka ciidankaan waxaa loo tababaray habka casriga ee lagula dagaalamo argagaxsadda, waa ciidan ka kooban dhalinyaro dadooda ilaa 30, waxay leeyihiin guno u gaar ah, daawo iyo raashin wanaagsan. waxayna u dagaalamaan sidii ciidankii Iraq nabada gaarsiiyay. Waxay ciidankaas tababaro ku qaateen dibadda Soomaaliya, waxayna ka madax-banaan yihiin Ciidanka Xooga dalka Soomaliyeed, ayagoo leh hogaan aan hoos tagin Dowladda Federaalka Soomaaliya. Waa ciidanka kaliya ee caawiya Dowladda Soomaaliya, marka ay mushkilado la soo deristo, sida dagaalkii ay ku qaadeen al-shabaab Maxkamadda Badbaadda, Guriga Madaxtooyadda iyo xaruntii UN markii la weerarareen alshabaab. Waxay kaloo leeyihiin sir doon u gaar ah oo ka madaxbanaan Hayadda Nabad Sugidda dalka. Waxay maanta markale difaaceen oo ayku guuleeysteen inay badbaadiyaan Golaha Shacbiga Siimaliyeed ( Barlamaankii Qaranka) Hadaba waxaa is meeydiin mudan aaway ciidanka Xooga dalka Soomaliyeed oo loo tababaraayay mudo 5 sano ah dowladda Soomaliya? Tani waxay ka marqaati kaceeysaa in dowladda Federaalka ah, ciidankeedu uu yahay ciidan beeleedyo, aan u shaqeyn Dowladda Soomaliya, hogaanka ciidankana ay yihiin kuwa aan garaneeynin sida loo dhiso ciidan, oo aysan awood u lahayn hab maamul ciidan. Waxaan aaminsanahay inay dowladaan ku guul dareeysatay amanka dalka, taas awgeed waa inuu isbadal siyaasadeed uu dalkeena ku dhaco, si loo helo hogaan karti u leh hanashadda amaanka guud ee Dalka..
Posted on: Sun, 25 May 2014 03:15:56 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015