ABWAAN SINGUB MAXUU DHAAMAA VOA, VOA-yeey naga fariiso, adaa - TopicsExpress



          

ABWAAN SINGUB MAXUU DHAAMAA VOA, VOA-yeey naga fariiso, adaa laba faras qof qura, fuuloo orod eri ku yiri, fadeexadda washinton dhextaala, faalana kama soo qortaan. BBC-yeey naga fariiso, fitnaad noqotaye naga fariiso, anaga umbaad nagu fuurantahay, gumeysiga faracaweyn ingiriiska ma faaqidaan, faalana kama soo qortaan. Ereyadan waxaa taxay, Abwaan Singub, oo hadda Xamar ku sugan, sida ay tabiyeen qaar ka mid ah warbaahinta ku hadasha afka DFS. Ujeedada aan u sooqaatay, ma aha inaan ka helay, ama xikmad badani ku jirto. Waxaan la yaabay, sida abwaanku ugu dhow yahay, dhinacyada uu eeda u xambaariyay, sida BBC iyo VOA. Beenta, borobagaandada, iyo fitanta ay fidinayaan BBC iyo VOA, waxaay ku bedeshaan Mishaar ama lacag, (Qabyaaladana kama marna), Abwaankuna sidoo kale, waxaa la siiyay ama loo balan qaaday, aduun iyo lacag. Hadaan si kale u dhigno, Abwaaaka marka uu dacaayadeynayo Idaacadaha, asaga waxuu taagan yahay "masrax" aflabadiisuu dhawaqayaa, waxuu baafinayaa, xayeysiinayaa, faleembo ku xirayaa, dhiig ku shubayaa, cidda markaas adeegsatay. Hadii ay run tahay in Abwaanku xaadiray, Xamar, si uu u xayeysiiyo, kooxda mayalka adag ee DAM JADIID, VOA iyo BBC waxba ma dhaamo.
Posted on: Mon, 19 Aug 2013 16:24:58 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015