AQYAAREEY SHEEKO CAJIIBA ILA AQRISTA WAANA WADA XIKMAD - TopicsExpress



          

AQYAAREEY SHEEKO CAJIIBA ILA AQRISTA WAANA WADA XIKMAD MIIRAN Shinbir ayaa jiri jirtay magaceeda la yidhaa LADDAN, waxa ay ku fikirtay in ay iska jarto labadeeda baadd marka ay barri subaxa arsaaqda ALLAH u foofto, markii waagii baryay ayay ku soo dagtay meel barwaaqo ah oo wax walba yaalaan waxay waajahday hadhuudh iyo gallay badan oo meel iska taal, ka bacdi intii ayna cunin arsaaqdii ALLAH siiyay ayay is tidhi malaha waxaa fiican in aad iska jarto labadan baadd si ayna kuula wadaagin nimcadaa aad heshay wayna iska jartay labadii baad wayna dharagtay. Caqli xumadeeda waxay is tidhi iska duul waadiga dhargaye cajiib! Maxaa dhacay ka bacdi, way rafatay kaalay adba duul, taas waxaa ka sii daran sida ay u eekaatay shinbirtii waxaad sawirtaa shinbir iska jartay labadii baadd sida ay u eekaanayso, wax kale ayay u eekaatay. Mashaqadii u darnayd ayaa soo wajahday shinbirtii wayba iska sii noolaan lahayd, waxay aragtay bisad iyada ku soo wajahan waliba gaadmo ku soo jirta oo shafka dhulka ku haysa ALLAHA sahlo maxay samayn kartaa way rafatay si tartiib ah ayaa la agyimid gacan kaliya ayaa lagu qabtay ka bacdi waa lagu qureecday ilayn subax ayaynu joognee
Posted on: Sat, 06 Jul 2013 13:49:49 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015