Adduunka inaad saacado taagnaato adiga oo danahaaga sugaya dhib - TopicsExpress



          

Adduunka inaad saacado taagnaato adiga oo danahaaga sugaya dhib ayey kugu tahay, waxana laga yaabaa markaad aragto fayl dheer oo kaa horreeya inaad dhibsato inaad safka gasho adiga oo dhibsanaya wakhfiga aad taagnaaneyso, marka kuugu horreysa ee aad dhulka salka la heshana waxaad dareentaa inaad aad taagnaantii ugu daashay. Halkaas aad taagantahay waxay u badantahay inay meel hadh leh tahay meelaha qaarna waxaaba yaalla kuraas lagu fadhiisto, haddana waxaad dareemeysaa nasasho la, aan sugitaanka kula dheer dartiis. Dadka markii la soo saaro aakhiro waxay u istaagi doonaa ilaahay ألا يظن أولئك أنهم مبعوثون ليوم عظيم يوم يقوم الناس لرب العالمين goobta la istaagayo waa dhul aan meel la hadhsado laheyn, qorraxdana waa la soo dhoweynayaa ilaa la keeno in u dhiganta mayl ( wxaaa dhici karta inuu yahay maylka dhulka lagu cabbiro iyo inuu yahay usha yar ee indhokuusha ku dhex jirta ) qof walba dhididkiisu wuxuu u gaadhi doonaa meel u dhiganta camalkiisii, ilaa uu dadka qaar dhagaha iyo afka u gaadho. Wakhtiga la taagnaanayo waa wakhti aad u dheer, waa konton kun oo sano تعرج الملائكة والروح إليه في يوم مقداره خمسن ألف سنة dadka qaar ilaahay baa siin doona meel ay hadhsadaan sida xaddiiska ku soo aroortay , dadka mu, miniinta ahna ilaahay baa istaaggaas dheer u sahlaya sida xaddiiska ku timid, dadku halkaas way qaawanyihin wayna kaba la, yihiin wax la cuno ama la cabbana ma laha, dadka sunnadii nabiga صلى الله عليه وسلم laasimay waxaa laga waraabin doonaa darka ( xawdka) nabiga صلى الله عليه وسلم ilaahay waxaan ka baryeynaa inaanu inagu darin dadka darka nabiga صلى الله عليه وسلم laga celin doono. Aamiin
Posted on: Fri, 20 Sep 2013 05:11:29 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015