Allow ammaantoo dhan adigaa leh, alloow waxaad fidiso cidi ma - TopicsExpress



          

Allow ammaantoo dhan adigaa leh, alloow waxaad fidiso cidi ma celin karto, waxaad celisona cidi ma fidin karto, ciddii add dhumisana lama hanuunin karo, ciddii add hanuunisana lama dhumin karo, waxaad diiddana cidi ma bixin karto, waxaad bixisana cidi ma diidi karto waxaad dheeraysana cidi ma dhowayn karto, waxaad dhowaysana cidi ma dheerayn karto.allow barakadaada noo fidi iyo naxariistaada iyo fadligaaga iyo irsaqaagab. Alloow waxaan ku weydiisaneynaa barwaaqo lagu nagaado , oo aan wareegin aanna idlaanin, allow waxaan ku weydiisaneynaa caawinadaada maalintii la cayroobo iyo ammaankaaga malintii lacabsado, alloow waxaan ka magan galnay sharka waxaad na siiso iyo sharka waxaad noo diido, alloow iimaanka na jeclaysii oo quluubtayna ku qurxi oo na nacsii gaalnimada iyo faasiqnimada iyo caasiyoobidda oo kuwa hanuunsan nagu dar,alloow muslimnimo nagu sug oo na noole annago muslim ah, o naga daba gee saalixiintii annago aan dufoobin oo an nala fidnayn, alloow gaalada dil rusushaada beeniyey oo jidkaaga hor taagan, dushana uga tuur dulligaaga iyo cadaabtaada.amiin
Posted on: Fri, 06 Sep 2013 18:39:50 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015