Anigoo Ixtiraamaya Xilka aad qaranka u haysaan iyo Muhiimada ay - TopicsExpress



          

Anigoo Ixtiraamaya Xilka aad qaranka u haysaan iyo Muhiimada ay qaranka u leedahay is xog- waraysiga iyo La xisaabtanka Hay’adaha kala duwan ee dalka marka loo baahdo ayaan jecelahay in aan warbixin kooban idinka siiyo Xukuumadii Ummadu Dooratay iyo Halka ay Majaraha Maamulka Marinayaan” Waxay ahayd 04/09/2013, kadib markaan kulan xog iyo xaal waran ah aan ku siiyey Mudanayaasha Aqalka Sharci Dajinta ee Somaliland halka uu dalku guud ahaan marayo. Ugu horayn waan ku faraxsanahay in aan maanta oo kale hor tago Mudanayaal milgo iyo maamus badan mudan oo waajib ka mida waajibaadka dastuuriga ah fulinaya, in aan hor tago isla markaana ka warbixiyo xukuumada talada dalka haysa ee aan ka midka ahay wasiiradeedu halka ay majaraha maamul ee Dalka marinayaan. Waxaan warbixin kooban ka siiyey xaalada xoolo dhaqatada iyo Roobabka dhawaanahay ka da’ay dhulkeena -Sida aad la socotaan maadama nolosheenu ku xidhan tahay xoolaha nool , waxaa mudooyinkii u dambeeyey ay heleen roob lagu diirsaday oo Nimcad Halka Alle inooga timid ah, walaw deegamadu ku kala badnayeen, balse sida aynu ognahay roobabkaasi waxay gaysteen woxooga khasaare ah maadama wakhtigii roobka la filayey uu dib uuga dhacay isla markaana uu ku soo beegmay xili aan dalag iyo degaalba diyaar loo ahayn hadana Alxamdulillah dadkeenu way ku diirsadeen wayna ku nabad iyo caano qabaan. Amaanka iyo Nabad Galyada - Xukuumaddu iyadoo ka duulaysa baahida uu dalku nabadgelyada u qabo waxay kordhisay tirada iyo tayada ciidamada kala duwan ee ka shaqeeya nabadgelyada, afar dufcadood oo ciidanka booliska ah ayaa laga soo saaray xeryaha kala duwan ee tabobarada, kuwaas oo ay ka mid yihiin ciidamada sida gaarka ah u tabobaran ee SPU-da loo yaqaano, kuwa RRU-da loo yaqaano iyo kuwa STU-da loo yaqaano . Ciidamadaa waxa loogu talo galay in ay xuduudaha dalka oo dhan gaadhi karaan, waana tiro yar oo la tayeeyay. Ciidankani waxay ka qayb qaadan karaan wixii degdeg ah ee qarankan ku yimaada gude iyo dibadba. waxaa kor loo qaaday Ciidmada badda iyagoo lagu qalabeeyey Doonyo ay ku hawgalaan kuwo cusub iyo kuwo la tayac tirayba. - Dhankaa sare oo dhan waa tayada iyo kor u qaadida muuqata balse sidoo kale si kor loogu qaado Niyadooda waxaa Ciidanka qaranka iyagoon marba abaalkooga la gudin karin loo qabtay in Darajo loo sameeyo Toban kun “10,000” oo Askari oo min Alifle Ilaa General ah isla markaana Guno-dooda loo kordhiyo iyagoo lagu siinayo hadba darajada u sito isla markaana ay ku mushaar qaadan doonaan Sanadkan Insha Allah, kuwa Dable-yaasha ahna loo kordhin doono een wax darajo ah sidan. - Sannadkii 2012 waxa dalka ka dhacay in ku dhaw (Sideed iyo toban kun iyo sagaal boqol sideetan iyo sagaal dambi, halka sannadkan 2013 oo lagu jiro bishiisii sagaalaad ay dalka guud ahaan ka dhaceen (Toban kun ilaa laba iyo toban kun inta u dhaxaysa).” ayuu yidhi wasiirku. Sidoo kele waxa uu wasiirku sheegay in uu hoos u dhac aad u wayni ku yimi dilalkii labadii sanno ee u dambeeyay “Dilalku hoos bay u dhaceen, waxay ahaayeen sannadkii hore (todobaatan iyo todoba, laakiin sannadkan afartan dil ma gaadhaan -Goobaha Nabad galyada, sida Saldhigyada ama Rugaha dalka laga hirgaliyey anoo ku qiyaas qaadanayaa Goboladii horay u jiray maadama aan joogo Xaruntii Sharci Dajinta oo ayna wali Si Dhamaystiran aydaan u ansixin goboladii la magaacabay ee dambe waxay yihiin sidan: M/jeex – Saldhig: 21 Rug: 20 , Togdheer – Saldhig :26 Rug: 15 , Awdal – Saldhig: 11 Rug: 7 Saaxil - Saldhig: 9 Rug: 3 , Sool – Saldhig : 5 Rug :5 , Sanaag – Saldhig : 14 Rug: 5 Guud ahaan Tirada Saldhigyada: 76 Tirada Rugaha: 55 marka lagu daro 32 control waxay noqonayaan 82 Rugood intaas oo dhan ayey ka hawl galaan Ciidamada Nabad galyadu si loo sugo amniga iyo nabad galyada dalka Miiisaniyada iyo Dhaqaalaha Marka la qiimaynayo Kor u kaca dhaqaale ee umadeed waxaa laga dheehdaa Miisaaniydooda, hadaba anagoo ka duulayna qorshihii shanta sano ee xukuumada “5 year Plan” waxay xukuumadu la wareegtay xukunka dalka waxaad dareemaysa korodhka dhaqaale ee dhacay iyagoo ka soo qaaday 46 Milyan maantana Miisaniiyada dalku marayso 125 Milyan taasoo sidoo kale ay laban laabatantay wax soo saarka Dawladaha hoose, Xakamaynta Musuqmaasuqa Si loo xakameeyo isla markaana meesha looga saaro lunsiga hanitda qaranka, waxaa si dhamaystiran u hawl galay hanti-dhawraha qaranka, isagoo mudo yar shaqeeyay hadana qabtay shaqo badan iyadoo laga dheehan karo tirada ama cases ka uu wax ka qabtay gobolada kala duwan ee dalka iyagoo dhamaan maray hay’adaha iyo laamaha kala duwan ee Dawlada, sida aan ognahay dhaqaalaaha waxaa saamayn badan ku leh lacagta, hadaba si wax looga qabto lacagaha kala duwan ee dalka dhex socon jiray waxaan wax badan ka qabanay isla markaana ka badalnay lacagtii Giimbaartii Gobolka Togdheer hadana uu Gudoomihiyii bank-u ku maqan yahay gobolka Sanaag si gobolkaasna looga badalo woxoogaga lacagtii Giimbaarta ahayd ee ku dhiman looga saaro, si dhamaystirana ay uuga hawl gali lahayd lacagta Somaliland oo qorshaheegii iyo lacagtii ku filnayd loo daabacay. Biyaha Sida aan la socono Biyuhu waa Noloasha sida uu Alleba Quraankiisaba ku sheegay, hadaba si looga haqab beelo biyaha xukuumada talada dalka maanta haysa si wayn ayey uuga hawl gashay in biyo ku filan ay helaan guud ahaan gobolada Somaliland walaw wax inoo dhiman yihiin hadana dadaalo badan ayaa socda oo waxaa ceelal kala duwan laga qoday Dhamaan gobolada dalka aan ku horeeyo Caasimada oo tirada dadka uugu badan ee reer Somaliland ku nool yihiin: Waxaa Pipe ka Geed Deeble ee Hargeisa biyaha keena la wada qorshe lagu badalayo maadama uu daciif yahay uu keeno oo kaliya 9000m3 waxaana lagu badali doonaa pipe keena 24,000m3 balse sida khubaradu sheegeen halka uu ceelkaasi ku yaalo ayaa lagu qiyaasay in maalintii ay ku haboon tahay oo kaliya in laga soo qaado 14,000m3 waxaanan filaynaa hadii ugu yaraan la gaadhsiiyo 16,000m3 ay noqon doonto laban-laab intii awal Biyo soo gaadhi jirtay Caasimada. Waxaa kaloo qorshaheeda la wada in magaalada meelaha ayna pipe lines ku wali gaadhi la gaadhsiiyo dhaqaalaheegeeni waa loo raadiyey. Sidoo kale waxaa la wada in ceelal cusub laga ag qodo goobtaas . Sidoo kale waxaa mashruuca ka mida qalab caawiya in biyaha ay soo riixaan, sidoo kale waxaa la qorsheeyey in Xaraf project la sameeyo kaasi oo 95% hada dhamaystirmay si uu u gaadhsiiyo adeega biyaha dadka degan AYAX 1,2,3,4 oo ah bulshada uugu nugul marka la eegayo dadka degan caasimada oo IDPS ah, intaas uun laguma dayn ee waxaa socda Mashruucii Xumbo Wayne oo ka koobnaa 13 Ceel in mudo badan lagu hawlanaa sidii biyahaas loo keeni laha caasimada, wuxuuna Madaxweynaha qaranku Safaradiisii badnaa ee uu gaala-bixinayey Dalalka Carabta gaar ahaan Dalka Imaaradka Carabta uu waydiisanayey in ay ka caawiyaan soo in ay soo gaadhsiiyaan Biyahaas runtiina way ka aqbaleen qiimayntii u horaysayna way inoogu yimadeen waxaanan Insha Allah Rajaynaynaa in ay dhakhso u bilaabaan hadaba ceelasha la qoday waxaa barbar socda hab kale oo ceelashii waadanta afka laga daboolayo loona yaqaano “MINI SYSTEM” isla markaana lagu rakibayo Pump Biyaha soo tuura kaasi oo wax badan ka taray baahida biyaha , hadaba aan warbixin kooban idinka siiyo inta ceel iyo mini system ee la hirgaliyey M/jeex - Ceel: 14 Minisystem: 9 Togdheer- Ceel :12 Minisystem: 17 Saaxil - Ceel: 7 Minisystem: 17 Sool - Ceel: 4 Minisystem: 12 Sanaag - Ceel: 6 Minisystem: 13 Guud ahaan tirada ceelasha ee la qoday waa 51 Ceel, Mashruuca Geed deeble waxaa lagu qiyaasay 28 Milyan Xukuumaduna waxay u hawl gashay sidii ay caawimo uuga heli lahayd Hay’addaha ay ka mid yihiin EU du, sidoo kale xukuumadu waxay gacanta ku haysaa sidii ay balaadhan uugu samayn lahayd ceelasha dhamaan gobolada dalka, hadaba xukuumad waxay gacan wayn ka gaysatay qodida ceelal wax bada ka tara baahida biyaha iyadoo mudadaa kooban ee xukuumadani joogto la qoday 51 ceel halka mudadii 20 sano ka badnayd ee xukuumadihii kala duwanaa xilka soo hayeen la qoday oo kaliya 89 Ceel. Hadaba marka la isku geeyo guud ahaan ceelasha dalka ka qodan waxay noqonayaan 140 Ceel. Waxbarashada Guud ahaan waxbarashada wax badan ayaa laga qabtay, tirada korodhka ardayda ayaa gaadhay 43% taaaso ah korodhka labadii sano ee hore iyadoo wali aan la soo saarin korodhka sanadkan, kor u kaca intaas leeg ayaa lagu sifayn karaa kadib markii arday badan oon tahli karin jirin waxbrasho ay fursad waxbarasho heleen. Waxaa kor loo qaaday lana kordhiyey tirada macaliimiinnta oo la gaadhsiiyey 3230 macalin si nidaamka lacag la’aanta ah ee waxbarashada loo ilaasho korna loogu qaado. Sidoo kale si kor loogu qaado Waxbarashada Sare ee dalka, Madaxweynuhu wuxuu sameeyey gudi loo yaqaano Gudida Tacliinta sare waxayna sameeyeen Siyaasada qiimaynta jaamacadaha si loo qiimeeyo loona kala reebo, sidoo kale in qiimayn fiican oo lagu kala saaro loo sameeyo ardayda iyo kolba Kuliyada ay galayaan. Tirada ardayda ee waxbarasho dibeda ah lo helay ayaa ah sidan: Turkey: 84 Arday Sudan: 108 Yemen: 45 Malayisa: 23 Kenya: 15 Ethiopia: 130 Uganda: 15 Libiya: 29 Guud ahaan Ardayda ee reer Somaliland ee waxbarasho dibeda loogu diray waxay dhan yihiin 449 Arday, sidoo kale deeqaha waxbarasho ee ardayda kaalimaha hore ka gashay waxbarashada isla markaana jaamacadaha dalka gudihiisa wax ku barta waxay dhan yihiin 448 Arday Tirada Dugsigayada hoose dhexe ee dawladu soo kordhisay waxay dhan yihiin 166 Dugsi M/jeex: 64Dugsi Togdheer: 46 Dugsi Awdal: 21 Dugsi Saaxil:13Dugsi Sool: 8 Dugsi Sanaag: 14 Dugsi Caafimaadka Caafimaadka oo ah halbowle waxaa laga qabtay wax wayn oo ay ka mid yihiin hirgalinta iyo kor u qaadida Cusbitaalada ku yaala gobolada dalka aan ku bilaabo Awdal waxaa ka hawl gala 3 Cusbitaal oo kala ah Cusbtiaalka guud iyo mid ka shaqeeya xanuunka TB da iyo sidoo kale Cusbitaal guud oo ka hawl gala Salal . Marooji Jeex: 5 Cusbitaal Saaxil : 2Cusbitaal Togdheer:3 “Waxaa xusid mudan in Hay’adii MSF si deg deg ah uuga baxday hawlihii ay ka haysay dhakhtarkaas iyagoo inooga baxay wax aynaan inagu gaysan , ka dawlad ahaana aan ka hawlgalnay in aan waxbadan ka daboolno baahida ku soo banaanatay” Sool : 3 Cusbitaal Sanaag: 4 Cusbitaal Tirada Guud ee Cusbitaalada: 20 Markaan cusbitaal leeyahay waa xarunta uugu muhiimsan ee caafimaad loogu adeego bulshada, markaan eegno dhanka Xarumaha caafimaadka ee kale sida MCH yada waxaa ka hawl gala Gobolada dalka sidan: Awdal :22 M/Jeex:23 Togdheer:16 Saaxil: 11 Sool:10 Sanaag:12 Tirada Guud: 104 Marka aan eegno qaybta ama xarunta uugu yar ee gargaar caafimaad bixiya oo loo yaqaano primary health unit ama Health Post waxay yihiin sidan Awdal:36 M/Jeex: 31 Togdheer: 34 Saaxil:15 Sool:30 Sanaag: 27 Tirada Guud: 173 Hadaba sadexdaa goobood ee Caafimaad dadka soo gaadhi kari waaya waxaa loogu talo galay in ay soo qaadan Gadiidka loo yaqaano Umbulunce-ka hadaba tirada Gadiidkaas ayaa ah sida: Awdal : 4 M/Jeex:7 Togdheer: 4 Saaxil: 4 Sool:2 Sanaag: 4 Tirada Guud: 24 Guud ahaan tirada gaadiidka ee xukuumadan hada talada haysa ka hor ka hawl gali jiray dalku waxay ahayeen 9 Umbulunce hadana waxay marayaan 24 Cadaalada Maadama Cadaaladu tahay laf dhabar muhiim u ah qaranamida dalka waxaa lagama maarmaan ah in ugu horayn kor loo qaado aqoonta garsoorayaasha iyo xaakimada iyo sidoo kale in kor loo qaado sharaftooda iyo dhaqaalahooga si ay habsami ugu gutaan wajibkooga, hadaba xukuumadu waxay ka hawl gashay in ay kor u qaado isla markaana ay siiso dhaqaale intii awoodu Saamaxayso taasoo tusaale ahaan Maxkmada sare markii hore la qaadan jiray sadex Milyan hadana la gaadhsiiyey ilaa Todoba Milyan iyo Shan boqol ilaa Sideed Milyan Sidoo kale tirada maxkamadaha ee xukuumadu xilka kula wareegtay waxay ahayeen ilaa 97 hadana waxay guud ahaan gaadhayaan ilaa 154, sidoo kale si aqoontooda kor loogu qaado waxay xukuumada wax bartay 2dii dufacdood ee uugu horeeyey ee ka soo baxa jaamacadaha sharciga oo dhanaa 80 arday waxa kale oo xukuumada bilowday isla markaana dardar galisay maxkamadaha Wareega ama Mobile Courts , waxyaabaha kale ee lagu dar dar galinayo cadalada waxaa kamida oo hada gacanta lagu hayaa in la abuuro system la yidhaa case review oo dib uu eegis lagu sameeyo Kiis kasta oo la qaado, si looga daba tagi karo isla markaana loo hubin karo. Si hanaanka iyo haybada dawladnimada kor loogu qaado waxay xukuumadu ka hawl gashay sidii muuqaalka wasaaradaha iyo hay’adaha kala duwan dhisme iyo daayactir loogu samayn lahaa oo Ishaa Macalina wasaradaha bilicda iyo dhismaha lagu kordhiyey waxaa kamida: Madaxtooyada Qaranka, W/Arrimaha Gudaha W/ Arrimaha Dibeda oo labadaba gacantaa lagu hayo dhamaadna ku dhaw Wasaaradaha Kaluumaysiga, Gaashaandhiga iyo sidoo kale W/Shaqada iyo Arrimaha Bulshadu way dhamaystirmeen oo waa lagu shaqeeyaa wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha way dhamaystirantay balse wali lama galin waxaa sidoo kale dhamaystirmay wasaaaradaha Xanaanada Xoolaha iyo Deegaanka sidoo kale wasaaarada Duulista hawaduna waxay ku dhaw dahay gabo gabo waxaad sidoo kale ka war qabtaan Madaarada dalka sida Hargiesa iyo Berbera horumarinta lagu sameeyey oo Madaarkii Hargeisa waa la furay waana lagu shaqeeya halka Madaarka Berbera-na gabo gabo ku dhaw yahay. Dooraashooyinka Waxaa la wada mashruucii civil Registration-ka oo ay Wasaaradda Arrimaha guduhu gacanta ku hayso sidoo kale sida la qorshaynayo waxaa lagu wada in Photo Registration ku ka dambeeyo civil registration ka hada socda, inagoo mar walba eegayna kolkba qaabka aynu ku heli karno dhaqaale, dhanka doorashada Guurtida waxa socda sharciyadii lagu dooran lahaa oo idinka ka Wakiilo ahaan qayb baad ka tihiin oo wali ma dhamaystirmin la idinka sugayo diyaarintiisa, halka doorashadii wakiilada la filayo maadama dooraashada Madaxtooyadu tahay 2015 waxaa la dhamaystiri doonaa dhamaystirka Xeerka, waxaanan ka wakiilo ahaan idinka codsanaynaa in aad nagu caawisaan oo aynu ka wada shaqayno in Doorashadu wakhtigeegi qabsoonto sidii Madaxweynuhu hortiina ka balan qaaday, Tahriibka Si wax looga qabto tahriibta oo ah dhiig bax iyo aafo qaran Wuxuu Madaxweynaha Qaranku u saaray Gudi Saddex boqol oo tahriibeyaal ah ayaa la soo qabtay oo dalka dib loogu soo celiyay, lix iyo toban tahriibiye oo ah kuwa dadkeena tahriibiya ayaa xukunno kala duwan lagu xukumay. War cusub oo xalay nasoo gaadhayna waxa naloo sheegaayay in labadii ugu waawaynaa oo xukuumadda ay iska kaashadeen wadamada jaarka lagu qabtay. Arrimaha Dibeda Arimaha dibeda wax waynbaa laga qabtay, waxaad la socotaan in Aduunku cimaamaday Dawlad ka jirta Koonfurta si taas looga hor tagana dadaalo badan ayaa laga galay si ayna u wax yeelayn qaranimadeena iyo dawladnimadeena ku dhisan rabitaanka shacabkeena, si hadaba arimahaas wax looga qabto dawladu waxay diyaarisay qorshe yaal ay kaga hortagayso arrimahaas, waxaad la socotaan in Madaxweynuhu safaro ku gaalaa bixiyey dawladaha waawayn ee ay ka mid yihiin Dalalka USA, UK iyo Dalal badan oo carabta ah, sidoo kale si meesha looga saaro maxaad Somaliya uula hadli waydeena waxaynu la galnay wada hadalo iyo heshiisyo ay ka soo baxeen qodobo aad wada ogtihiin,inagoo kulamo badan la galnay hadii shir lala galo ama qaadacaad la qaadaco macno leedahayna intaba waynu samaynay si xujuada caalamka inooga dhaco, Wada Hadalada Somaliland iyo Somalia marxlado kala duwan ayuu soo maray hadana mudo kooban kadib ayaa loo balansan yahay, ujeedada uugu wayn ee Xukuumadu ka leedahay wada hadaladu waa in aynu xaqiijno Qaranimadeena iyo gooni isu-taageena, dhamaan wada hadaladii la galayna waxaynu ku galnay inagoo ah laba dawladood oo siman waxaana guulaha uugu wayn ee durba la taaban karo ka mid ah in aynu deeqaha caalamka halkii awal hay’ado la soo marin jiray aynu u helno ka dalwad ahaan inagoo isticmaalaynaa Hay’adaha waawayn ee ay kamid yihiin World Bank iyo IMF si dhaqaalaha dalka kor loogu qaado, waa talaabo iyo guul aan horay u qaadnay oo Xukuumamdani ku suntan tahay kuna aadan siyaasadeena arrimaha dibeda, talaabooyinka guusha ah ee uugu horeeyana ay ka mid tahay in markii u horaysay Somaliland loo ogoladaay in Sanduuq Caawimo oo sanadkan dhammaa "11Milyan" loogu shubo oo aanan loo soo marin gacan kale. “Somaliland Trust Fund” looguna talo galay in lagu horumriyo Mashaariicda ay kamidka yihiin Xoolaha"3.1 Million , Kaluumaysiga "1Million" walaw ay hada ka cudur daarteen, Wadooyinka "2 Million" Deegaanka1.6Million " Biyaha "1.5 Million" Biyaha Caasimada "1.7" Milyan sidoo kale si aynu isku filnaasho uga gaadhno wax soo saarka Xukuumadu waxay dajisay Siyaasada Food and Water Security si aynu uuga deeqtoono in aynu wax la soo degno meel fiicana inoo maraya Guud ahaan warbxintaas kooban ayaan maanta si guud mar ah u siiyey Mudanayaasha Aqalka Sharci dajinta ee Somaliland,,, Shacabkana waxaan rajaynaya in ay wax badan ka fahmeen hanaanka xukuumadii ay doorteen ay wax u wado.. Wabilaahi Tawfiiq,
Posted on: Thu, 05 Sep 2013 12:18:16 +0000

Trending Topics



class="sttext" style="margin-left:0px; min-height:30px;"> The loopholes that you must block -Eph6:10-18 The devil can’t
This week CHARAN VANDNA NEWS IN UP attracted me to write.I was in

Recently Viewed Topics




© 2015