Anisa soo bandhigidii guurka qarsoodiga ahaa way diiday, Mubaaraka - TopicsExpress



          

Anisa soo bandhigidii guurka qarsoodiga ahaa way diiday, Mubaaraka si kasta uu iskuugu taxluujiyo ku qancida Anisa way u meel mari wayday, Anisa ayaa tiri labadeena waa dadka is raba oo is jecel balsa qof kasta meel ayuu ka soo jeedaa waalid iyo qaraabo ayuu leeyahay, suurta gal ma ilahan hooyadeyda oo intaan isoo ekeesiisay isoo korisay in aan wax ka qarsado, mida kale oo aan guurka qarsoodiga ah ku diidayo waa sumcad daro, waayo sharafteeda ayaa ah in la maqlo guurkeyga, nin rag ah ayaa tahay hadii aad rabto meel cidlo ah ayaad iiga dhaqaaqee arinkaan guurka ah waxaan sameen doonaa adigane ku laabo faamilkaaga kana soo dhaadhici guurka anigana hooyadeyda ayaan kala hadli doonaa sidii ay u ogalaan laheed, Mubaarak isaga oo niyad jabsan madaxa wareersan ayuu goobtii iskaaga dhaqaayay mana uusan mac salaameen. Mubaarak xiriirka wuxuu ka jartay Anisa iyo hooyadeed (habaryartiisa), awal wuxuu ahaa nin guriga dhex jooga habeen iyo maalin, wax kasta oo ay u baahdaan Anisa iyo hooyadeed wuu udooni jiray, laakiin markaan wuu ku cidleeyay nolosha, Anisa waxaa soo gaaray hadal ah in Mubaarak uu ulaaban rabyo maalmaha soo socdo Norway, arinkaas laabashada ah Anisa waxay ku noqotay murugo, Anisa fikir iyo walaac aan kala har laheen ayaa ku soo kordhay markii danbe waxay la kulantay hooyadeed, waxayna ka soo dhaadhicisay in Mubaarak lagu daro, isagane uu ehelkiisa ka dhaadhicin doona, inkastoo Anisa hooyadeed arinkaan aad ugu qanacsaneen oo ay hooyadu dooneeso in marka hore Mubaarak reerkiisa ka helo ogalaasho laakiin way ay yeeshay. Mubaarak oo garoonka ka sii duulaya kana shalaayay joogistiisii Nairobi ayaa waxaa soo wacday Anisa waxayna ku tiri aniga iyo hooyo ayaan guriga kuugu sugeeno inaga soo gaar, wuxuu ku yiri wax yar kadib waxaan ku laabanayaa Norway, hada waxaan dhex joogaa gudaha Airport ka, waxay ku diri hadii aad awoodo iska baaji bixitaanka, arin aad ku faraxdo ayaan kuu sheegayaa, Mubaarak waa nin xoogaa careesan wuxuu ku yiri markii aan tago Norway ayaan ku waydiin doonaa arinka farxada balsa hada farxad aan ku soo laabto oo aan tikid keyga u kansalo ma jirto, Anisa hooyadeed ayee teleefoonka u dhiibtay waxay ku tiri hooyo Mubaarak wuu iga tagayaa, isku day in uu soo laabto, markii ay hooyada ku tiri Mubaraak waan ku siiyay gabadheyda adiga ayee kuu joogtaa markii intaas hooyada tiri mobile ka Mubaarak wuu ka damay battery la aan, hooyada waxay u fahamtay in uu ku damiyay, Anisa indhaheeda waxaa soo fuulay oohin ama ilin. Mubaarak wuu laba labeeyay wuxuu yiri ma arinkaan ayaad ulaabataa ama waad iska duushaa, wuxuu go’aan saday in arinta Anisa uu waqti badan galiyay, tikid aad u qasaarido waxaa kaaga wayn iyada oo aad hesho ama arinka uu noqdo mid la taaban karo, gabar garoonka dhex joogtay iyadane duuleesay ayuu ka codsaday in ay wacdo teleefoonka Anisa, wuxuu ku yiri macaanto waxaan go’aan saday in aan soo laabto laakiin mid ii xaqiiji in aad i farxad galin doonto, balan weeye ayaa tiri in aan ku farxad galiyo. Intii uu Mubaarak jidka ku soo jiray, Anisa waxaa soo wacday gabadhii uu ku yiri abaayo waxaad ii wacdaa Anisa ee garoonka isku arkeen, gabadhii ayaa Anisa ku tiri abaayo wiilka hada ku soo wacayay waa wiil aad u qurxoon waqtiga oo aad iigu yar ma iga saacidi kartaa halka uu Norway ka daganyahay, ama ma isiin kartaa teleefoon laga helo ama e-mail laga helo, Anisa waxay tiri haa waan ku siin karaa waxayna siisay e-mail qaldan gabadhii waxayna ku tiri waa reer Oslo, gabadhii ayaa ku tiri anigane sidoo kale reer Oslo ayaan ahay thanks saacidaada abaayo. Guriga markii uu soo gaaray Anisa hooyadeed ayuu la kulmay, waxay ku tiri gabadha waan ku siiyay laakiin arin ayaa jirto gabadha aabe iyo xigaal ayee leedahay, adiga ayee ku jirtaa sida aad arinkaad u xalin laheed, tan kale waxaad ogaataa reerka Anisa (aabaheed) waayahaan iskuma fiicneen, hadii aan gabadha baxsho waxa la ileeyahay iyada ayaa siisay ninka ay rabto, wada tashi ma aysan nala sameen, qof wayn waan ahay waana ku qasbanahay in aan meelo badan wax ka fiiriyo, diidma igama ahan laakiin waxaan rabaa in uu noqdo guurkiina mid meel kasta looga soo duceeyay, hadii aad go’aan satay in aad gabadheyda guur qarsoodi ah la gasho aniga makaa hortaagni, dag dag yuusan ku qaadin habaryar, hadii aad calaf Anisa ku leedahay gaal iyo muslim cid kuu diidi karto malahan, niyad jabka iska daa, waxa aan kula rabo waa wanaag habaryar. Mubaarak hadalka habaryartiisa ayaa la qumanaaday, wuxuu yiri waa sax, guur raali laga wada yahay ayaa laga helaa ubad baari ah, laakiin habaryar waxaad ogaataa in aan Aanisa jeclahay, la’aanteedana noloshayda ay qabyo tahay, Anisa waxaan u aaminsanahay in ay ii tahay dhameestiraha nolosheyda, hadii uu calaf iigu darsan yahay waan is calfan doonaa, marka maalmahaan anigane waxaan ku laaban doonaa faamilkeyga waxay isoo dhahaan ayaan arkayaa. Gabadhii saacidi jirtay isaga markii uu dhaawaca ahaa Mubaarak uu cod la aanta ahaa markii ay maqashay in Mubaarak loo diiday Anisa waxay soo wacday Mubaarak oo wali jooga Kenya waxayna ku tiri v Daafaha dunida ubaadi goobtay calafkee v Dani waxay keento lagama deeriyo v Hadii la isku raaci waayay abshirtii aad damacday v Koleey nin darbiga soo taabtay waa tahaye v Anigaa naftayda kuu bandhigayo guur diyaar kuula ah v Ehel ii kaa diidaayo malahan qof lagu farxaan ahay v Sacabada iyo alalasaha gabadhii lala maagacanaa baan ahay v Hadii uu xaalka kuu socon waayay bal aniga isoo eeg Mubaarak hooyadii ayaa aad u xanuusatay waxayna dagantahay dalka Sweden, Mubaarak hooyadiisa waxaa loo sheegay in wiilkeeda uu jecelyahay naag ma dhasho ah minka xabad kaga dhacday, xanuunkii markii uu aad utanbatay waxay tiri inta aan dhiman hadii uu Mubaarak iga soo gaari karo ha yimaado Sweden, gabadhii Saacidi jirtay Mubaarak waaxay la kulantay Mubaarak hooyadiisa, waxayna ka soo dhaadhicisay in ay tahay gabadha ku haboon nolosha Mubaarak, Markii uu soo gaaray Mubaarak Sweden uu ku booqday hooyadiisa hospitalka, waxay ku tiri jiradaan i heeso wali ima soo marin, waxayna iigula muuqataa midi aan u dhiman lahaa, marka duco iyo waxaan rabaa dardaaran in aan kaaga tago, dardaaranka waa in aad noqoto nin wanaagsan salaadaha dukada xumaanta ka dheeraada, ehelka xiriiriya, markasta uu dukado ii soo duceeyo, mida ducada ayaa ah in aad guursato Yaasmiin oo ah gabadha Mubaaraka saacidi jirtay markii uu cod la aanta ahaa, waxayna ku tiri hadii aan dhinto gadaasheyda aad guursato Anisa ducadeyda way ku gees martay, waxaan kuu rajeynaa in aad ka soo baxdo booska aan kuu tilmaamay. Mubaarak wuu ku qancin waayay hooyadiis in ay Anisa tahay qof wanaagsan, in ay dhaleeso iyo in kale waxaa la ogaan karaa ayuu yiri markii aan guursado, cabsida iska daaya hooyo, ee hooyo waxaan kaa codsan lahaa in aad Anisa iigu duceeso, walaalihiisa oo hooyada hareer fadhiyay waxay ku dhaheen hooyo ninkaan wuu sixranyahay hadalkiisa ha qiimeen, naag hadii uu rabo waan u guurineenaa, tan kale hooyo wiilkeenu waa doqon, naag uu qabin ayuu caafimaadkeeda ka walwalaa ayuu biilaa, lacagtiisa Kenya ayuu iskaaga soo dhameeyay. Mubaarak hooyadiis waa ay geeriyootahay Allah una xariistee, mana uusan ka dhaadhicin in ay Anisa tahay qof wanaagsan, hadii uu guursado ducada waalidka iska indho tiri waxay leedahay ciqaabteeda. Geerida ku tumid Mubaarak hooyadiis waxay noqotay mid dad badan ay u wada tacsiyeeyaan, gabadhii Mubaarak uu kula kulmayay gudaha gooranka waxay aragtay tacsi qof loo diriyo iyadoo ku aragtay mid kamid ah website yada, waxayna aragtay dadka tacsida u dirayo waxayna ka garatay wiil, kadib wiilkii ayee wacday waxay ku tiri wiilka tacsida aad u direeseen soo ma ahan wiil joogi jiray Kenya, isaga weeyaan ayaa lagu soo yiri kadib waxay heshay teleefoonkiisa iyo e-mail kiisa saxda, talow gabadhaan iyadane maxay damacsantahay? Mubaarak wuxuu utagay wadaad wuxuuna u sheegay in hooyadiis markii ay dhimaneesay ay ugu duceesay gabar, tii uu asiga rabayne loo diiday marka wuxuu waydiistay diinta islaamka maxay ka qabtaa hadii aan balanta hooyadeey hareer maro? Wadaadkii ayaa yiri……….. la soco qeybta 24aad. Wadaadka ma dhihi doonaa waad jabin kartaa balanta? Ma dhihi doonaa hooyadaa taladeeda raac? Anisa hadii ay maqasho ninka aad is guursan rabtaan hooyadiisa gabar kale ayee ugu duceesay maxaa sameen doontaa? Ma ogalaan laheed nin hooyadiisa kuu diiday adiga ahaa? Gabadha cusub ee Mubaarak raadineeso iyadane maxay damacsantahay? Sidoo kale Ridhwaan wuxuu baran doonaa guriga Anisa maxaa dhex mari doono? Makuula muuqataa sheekada in Anisa iyo Ridhwaan ee yihiin kuwa ugu danbeeyo ee is calfan doono? Waxaas oo dhan waxaad ga bogon doonaa qeybta 24aad adiga isha ku haayo inshaAllah. waxaana idin soo kubiye anigoo ah raul wll
Posted on: Thu, 18 Jul 2013 02:17:55 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015