Baaq nabadeed: Gudoomiyaha Gudiga Siyaasada, Nabadaynta iyo Maamul - TopicsExpress



          

Baaq nabadeed: Gudoomiyaha Gudiga Siyaasada, Nabadaynta iyo Maamul Wanaaga Beesha Ali Mohamed (Ali Dheere) ee Mareexaan Sade Abdiwahab Shiikh Mohamed Haji Yususuf Anagoo kaxun dagaaaladii kadhacay magaalada Kismaayo waxaan ka tacsiyaynaynaa dhamaan dadkii soomaaliyeed ee ku dhintay dagaaladaas, waxaana Illaahay uga baryaynaa inuu Janadii ka waraabiyo, samir iyo iimaana ka siiyo eheladooda, inta dhaawaca ahna caafimaad baan Alle uga baryaynaa. Waxaan ku baaqaynaa in dagaalada la joojiyo oo dadka walaalaha ah hadana isku deegaanka ah ay ka shaqeeyaan nabada iyo xasiloonida. Anagu waxaan aaminsanayhay inaan dagaal iyo dhiig danboo daata cidina dan ugu jirin sidaa darteed waa in laga shaqeeyaa nabad kuwada noolaanshaha islamarkaana laga fogaado waxkasta oo dadka ehelka ah uhorseedi kara dagaal sokeeye. Dadka Jubaland dagan waa dad walaalo ah oo isku dan ah waxayna u baahanyihiin inay Maamul ay u dhanyihiin samaystaan si ay u kala badbaadaan, danahoodana ugaaraan sidaa darteed waxaa muhiim ah wixii ismaandhaaf siyaasadeed iyo kala aragti duwanaasha ah in lagu xaliyo wadahal. Waxaan ugu baaqaynaa waxgaradka, siyaasiyiinta iyo dhamaan hogaanka dhaqanka beelaha deegaanka Jubaland inay sii xoojiyaan dadaalka ay ugu jiraan joojinta colaadaha. Waxaan rabnaa inaan xusno anagoo soo koobi karin qaar ka mid ah hogaanka dhaqanka beesha sade oo uu ugu horeeyo Ugaaska guud ee beesha Sade Ugaas Maxamed Ugaas Xaashi Ugaas Xirsi, Suldaan Maxamed Bashiir Yarow,Suldaan Khaliif Xaaji Xasan, Nabadoon Cabdiraxmaan Maadeey, Garaad Aadan Garaad Ali Garaad Caato, Nabadoon Idiris Abdi Aadan, Nabadoon ahmad Abdi Koosaar, Nabadoon shide Ibraahim Dhuumaal, Suldaan Shaale Cibaad Bulxan, Garaad Mohamed Shiikh Mohamud shiikh Abdulahi, Shiikh Xasan Iftiin iyo dhamaan nabadoona iyo salaadiidiinta kale ee beesha Sade, Beelaha Daarood iyo dhamaan beelaha Soomaaliyeed ee reer Jubaland waxaan ugu baaqaynaa inaad sii wadaan dadaalkiina Nabadaynta kuna dadaashaan inuusan dhicin dagaal danboo macno daro ah. Sidoo kale waxaan ugu baaqaynaa masuuliyiinta dawlada federalka Soamlia inay kashaqeeyaan dib u heshiisiinta guud ee Somalia idinkoo fursad u siinaya deegaan walba dadkiisa ku dhaqan inay si gaar ah u xalistaan wixii dhibaatooyin ah ee ka dhaxeeya si ayagu udhistaan Maamul ay raali kawadayihiin. [email protected]
Posted on: Tue, 02 Jul 2013 19:36:30 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015