Baarlamaanka Kenya xildhibaannada ugu badan ee isku xisbi ka soo - TopicsExpress



          

Baarlamaanka Kenya xildhibaannada ugu badan ee isku xisbi ka soo jeeda waxaa hoggaamiye u ah, Mudane Adan Barre Ducaale. Khudbad uu ka akhriyay Gaarisa, ayaan qeyb yar ka soo qaaday. Mudanuhu wuxuu yiri: “Walaalahannaga Soomaaliya mid aan u sheegeynaa anaka. Madaxweyne Shiikh Xasanna waan u sheegnay. Ciidammada Kenya oo joogaan Jubbada ma soo baxaayiin. Meel ay u socdaan ma laha. Dowladdaan meesha ku dhisan oo hadda laga sameeyayna Jinni iyo Jaan ha ahaato Dowladda [Jubba] annagu waa aqoonsan nahay. Ee waxaa waaye nin kastaa dowlada goboleed ow hagaajiyay. Dowladda Ethiopia, waxay Somaliland iyo Puntland u noqotay sarsar. Annaka waxaan rabnaa sarsar. Sarsar aan Soomaaliya ka rabnaa. Markii dowladda Kenya eey xoreynaysay Kismaayo, nimanka hadda qeylinaayiin inteey jireen? Su’aashaasaan weydiinnay. Maxay mar hore u xoreysan waayeen? Runta u sheega dadka. Ciidammada Kenya meeley u socdaan meeshaan malaha. Ciidammo kale oo waxaa jira Uganda iyo Burundi yaa joogaan Xamar sow maaha? Kuwaa lama sheegee, kuwa naga maxaa loo sheegi? Ebidkeey ani arrimaha Soomaaliya kama hadlin. Laakiin maanta in aan ka hadlo ayaan rabay ani. Sababta oo ah beryahaan dambe waan ku dhex jiray Ilaaheey ogyahay”. Maxaa kaaga baxay? Aflagaaddo wey reebban tahay. danwaanews/wp-content/uploads/2013/06/Halkan-RIIX-Si-aad-u-dhagaysato-codka-Hon-Aden-Bare-ducaale.mp3
Posted on: Sun, 09 Jun 2013 22:26:26 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015