Balanqaadyo ay samaysay wasaaradda warfaafinta, boostada iyo - TopicsExpress



          

Balanqaadyo ay samaysay wasaaradda warfaafinta, boostada iyo isgaarsiinta iyo gaadiidka ayaa maanta qayb kamid ah looga dhabeeyay xaflad ka dhacday Muqdisho oo ay qalinka ku kala duugteen shirkadda dayuuradaha dalka Ugandha iyo wasiirka warfaafinta Cabdullahi Cilmooge Xirsi. Diyaaradda Uganda Airweys ayaa duulimaadyadeeda si toos ah u bilawday, ayadoo isku xiraysa magaalada Kampala iyo Muqdisho, todobaadkiina sadex jeer u kala gooshaysa labada dal. Arintan ayay Soomaalidu soo dhawaysay ayadoo sahli doonta isu socodka Soomaalida qurbaha iyo kuwa gudaha. Diyaaraddu waxay noqonaysaa Non stop, ayadoon meelna ku sii hakanayn marka ay kaa qaado Kampala, marka aad Xamar ka soo raacdana toos kuu keenaysa Kampala, halka ay tahay inaad Wajeer ku hakato marka aad Nairobi soo aadayso. Wasiirka warfaafinta, boostada iyo isgaarsiinta iyo gaadiidka, Cabdullahi Cilmooge Xirsi ayaa mudadii uu xilka haayay hirgaliyay, dibna u soo dhiciyay waxyaalo badan oo dibadda uga laalnaa qaranka Soomaaliyeed, waxayna dad badan oo Soomaaliyeed oo daafaha caalamka ku sugan u hayaan qadarin gooni ah, ayadoo dadka qaarkood aadba ka maqlayso inuu Cilmooge yahay wasiirka kaliya ee wax la taaban karo u qabtay qaranka burburay
Posted on: Mon, 08 Jul 2013 22:29:12 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015