Bayern Munich ayaa cashar lama ilaawaan ah ugu dhigtay Etihad - TopicsExpress



          

Bayern Munich ayaa cashar lama ilaawaan ah ugu dhigtay Etihad Stadium kooxda Manchester City oo ay ku dubteen 3-1, iyagoo inta badan ciyaarta maamulayay marka laga reebo dhamaadkii ciyaarta oo City ay fursadaheedii ciyaarta abuurtay xilli Robbery (Robben iyo Ribery) ay shabaqa soo taabteen. Tababare Manuel Pellegrini ayaa weerarkiisa ku soo wada bilowday Aguero iyo Dzeko, halka tababaraha Bayern Gaurdiola uu isna dhanka afka hore geystay Thomas Muller iyadoo Mario Mandzukic uu ku bilowday kursiga keydka. Bayern Munich ayaana ciyaarta iska heysatay qeybtii hore, iyadoo soo bandhigay kubado cajiib ah islamarkaana abuuray fursado badan. Kooxda Jarmalka ee difaacaneysa Champions League ayayna ku qaadatay kaliya shan daqiiqo inay hogaanka u qabtaan ciyaarta. Ribery ayaa kubad dheex oo loo soo dhigay ku helay meel 30 yard u jirta goolka, waxaana uu kubad xoogan la beegsaday goolka, laakiin goolhaye Joe Hart ayaa awoodi waayay inuu celiyo iyadoo kubada ay deris la noqotay shabaqa. Waxaana qeybtii hore lagu kala nastay 1-0 oo ay hogaanka ku heysay kooxda martida aheyd ee Bayern Munich. City ayaana bilowgii qeybta labaad u muuqatay inay isku dayayaan inay kubada la qeybsadaan Bayern Munich, laakiin waxa uu waaga ku baryay 10 daqiiqo markii ay socotay qeybtii labaad ee ciyaarta markaas Bayern ay hogaanka sii dheereysatay. Dante ayaa kubad dheer dhanka midig u soo dhigay Muller, kaasoo si sahlan uga baxsaday Gael Clichy islamarkaana kubada la kortagay Joe Hart, waxa uu kubada ka hor wareegsaday goolhayaha reer England ka hor inta uusan shabaqa faaruq kubada cusjinin. Goolkaas ayaana Thomas Muller uu u ahaa goolkiisii afaraad ee shantii kulan ee ugu danbeysay ee Champions League. Shan daqiiqo ka dib Bayern Munich ayaa mar kale shabaqa soo taabatay, markaana waxaa gool qatar ah u dhaliyay Arjen Robben kaasoo kubada la maray Nastasic iyadoo goolhaye Joe Hart uu isna awoodi waayay inuu celiyo, taasoo ciyaarta ka dhigtay 3-0 oo ay Bayern Munich hogaanka ku heysay. Arjen Robben ayaana noqday ciyaaryahankii ugu horeysay ee Bayern Munich ee shabaqa soo taabta shan kulan oo isku xigta koobka Champions League. Daqiiqadii 74aad Thomas Muller ayaa u dhawaaday inuu dhaliyo goolkii afaraad ee Bayern laakiin waxaa ka soo beenisay birta, iyadoo daqiiqadii ku xigtay ay Man City heshay fursad qaali ah laakiin darbo halis aheyd uu tuuray Milner waxaa si fantastik ah u badbaadiyay Manuel Neuer. Man City ayaana gool soo ceshatay daqiiqadii 78aad markii kubad uu u dhigay Silva ciyaaryahan Negredo ay keentay in xiddiga reer Spain uu shabaqa u dhex dhigo si qurux badan, waxaana uu ciyaarta ka dhigay 3-1. Bayern Munich ayaa daqiiqadii 86aad ku soo hartay 10 ciyaaryahan markii casaan toos ah laga siiyay Boateng kaasoo afka hore ee xerada ganaaxa qalad kula galay Yaya Toure. Laadkii xorta ahaa ee City loo dhigay waxaa u tuuray Silva kaasoo kubada birta ku dhuftay. Waxaana ay ciyaarta ku soo dhamaatay 3-1 oo ay guusha ku raacday Bayern Munich kuwaasoo Group D ku hogaaminaya lix dhibcood, halka City ay leedahay seddex dhibcood. Dhanka kale kooxda CSKA Moscow ayaa gaartay guusheedii ugu horeysay ee xilli ciyaareedkan Champions League ka dib markii ay 3-2 ku suuldaareen kooxda reer Czech ee Viktoria Plzen. CSKA Moscow ayaana haatan ku jirta kaalinta 3aad iyagoo leh seddex dhibcood ka dib labo kulan oo ay ciyaareen, halka Plzen ay u hooseyso Group D islmarkaana aan wax dhibic ah helin labadii kulan ee ay ciyaareen ilaa iyo haatan. Share this: Facebook1 Twitter1 Google +1 Pinterest Tumblr Wararka Kale Ee La Xiriira: Hordhaca Champions League Group D: Maxaa Kala Heysta Caawa Manchester City Iyo Bayern Munich? Group F: Ozil Oo Shabaqa Soo Taabtay Xilli Arsenal Ay Dardartay Napoli & Dortmund Oo Ka Farxalatay Marseille. Hordhaca UCL Group F: Maxaa Kala Heysta Caawa Arsenal Iyo Napoli? Dortmund-se Maka Aarsan Doontaa Marseille. GROUP F: Arsenal Oo Ka Talaabsatay Marseille Xilli Napoli Ay Dardartay 10 Ciyaaryahan Oo Dortmund Ah. GROUP A: Rooney Oo Dhaliyay Goolkiisii 200aad Ee Utd Xilli Manchester Ay Dardartay Leverkusen. Aragti Ka Dhiibo Qoraalkaan Fadlan Ereyada Aflagaadada Ama Xumaanta Ah Ka Saar Fekradaada. Haddii Kale Fekradaada Waa La Masixi. Magaca * Email * Kooxda Aad Taageerto Halkaan Ku Qor Aragtidaada: You may use these HTML tags and attributes: 21 Responses to Group D: Bayern Munich Oo Cashar U Dhigtay Man City Xilli Robbery Ay Shabaqa Soo Taabteen. Abdishukri hassanReply 03-October-2013 at 1:06 am Congratulations to city cawa wey dadashe hadii awan laxirin 12, Lakin ALLIANZ ARENA AYABA KADARNAN donto viva man utd and real madrid 0 0 Qiimee Aragtidan RibberyReply 03-October-2013 at 12:57 am Kkkkkkkkkkkkkkkk aawey ciyaalkii fclacag mantay waad qaylinayseen hada bal hadla kuma dhacdaan hhhhhhhhhhhhh walee bayern waa awooda yurub fc carabtd soo bar baraa meeshan champion baa la yiraahdaa via Robbery+muller+nuer+lahm+bashtianka 0 0 Qiimee Aragtidan omar osmanReply 03-October-2013 at 12:26 am kkkkkkkkkkkkk bayar awood kuma gaartaaan ee iska barya koley ninkii kaa xoogbadan oo eyna jirin cid kaa celineydo waa leyska baryaahe kkkkkk viva bayer munich 0 0 Qiimee Aragtidan omar osmanReply 03-October-2013 at 12:22 am kkkkkkkkkkkkk bayar awood kuma gaartaaan ee iska barya koley ninkii kaa xoogbadan oo eyna jirin cid kaa celineydo waa leyska baryaahe kkkkkk viva bayar munchin 0 0 Qiimee Aragtidan sidiiq man cityReply 03-October-2013 at 12:17 am man city waxa haysta cawridii man u 1 1 Qiimee Aragtidan Magaceygu waa hadanad yareReply 03-October-2013 at 12:12 am Ader inteyn kabaxaa ayaa ka dhacdey mancster city aderow chanbiyon waxbo kama taqaniin ee iska joga viva liverbool kkkkkkk mancster city i am sorry kkk 0 0 Qiimee Aragtidan zabaleta company nastasic kolarov best defendes in the worldReply 03-October-2013 at 12:08 am Tagerayasha man city dhib Malahan wanalaga badiyay wana la,iska badiya marka wadada gusha wankuso laban donaa lineupka ayu isbadal xuun kusameyay pellgrini wayo wuxu kursiga keydka galiyay ama kaso tagay (kolarov, zabaleta, d, silva nagredo. Marka hadana dhiib malahan 0 0 Qiimee Aragtidan shabeelnimada hartReply 03-October-2013 at 12:07 am Im unhappy waa sax kooxdii si fiican udheeshay ayaa badisay guys to be honest odaygaan pelgerini dulqaadkuu iga dhamaynaayaa!!!! why ayuu pinch ugu hayey raggii ciyaarta wax ka badali sida silva iyo milnerlahaa ma asagaa dhalay? mawuxuu keeaayaa maree xeero iyo fandhaal kaladhaceen ayuu keenaaya i dont even how to sleep tonight i feel sorry 4 my self 0 0 Qiimee Aragtidan MascuudOzilReply 03-October-2013 at 12:06 am Asbuucaan qof hadli karo ma jiro waliba ciyaalka taageera Rugby, Wmn United iyo Money City. SABAB TOO AH 6-Point ayaan kaga horeeyaa UCL 15-Point Waxaaan ku hogaaminayaaa PL So, Ciyaalow Asbuucan Car Hadla Viva Gunners Ozil+Wilshare+Ramsey ARTETA+Rociskt+Failmimi Walcot+Cazorla+Giroud 0 0 Qiimee Aragtidan C/salaan impala n.8Reply 03-October-2013 at 12:05 am Waw man cty we dadaalen hadi 7 – 0 loga badin shaqo wanagsan kkkk 3-1 man cty we dadaashay 0 0 Qiimee Aragtidan Dozen Star-CHELSEA FCReply 03-October-2013 at 12:03 am cebeya tacaaal lama Arga lama maqal kuwan oo kale Tagare city Suual adag ayaa idan hortala ogada taaaaas 0 0 Qiimee Aragtidan mohamedReply 03-October-2013 at 12:03 am i hate robben! I hate ribery! Labadan intey isla jiraan cid kareyneyso majirto Tankale mcfc manager milner silva negredo in u kuso bilawo ayey ahayd! Joe hart Zero! 0 0 Qiimee Aragtidan Dozen Star-CHELSEA FCReply 03-October-2013 at 12:03 am cewya tacaaal lama Arga lama maqal kuwan oo kale Tagare city Suual adag ayaa idan hortala ogada taaaaas 0 0 Qiimee Aragtidan boqorka kubada cagta cr7 and bale wilka qaliga ka cabsoReply 03-October-2013 at 12:00 am ciyalkinan xareda kharashki nadiga lageliyay away masas aya idindanbaysay xasuso barce 7goal k k iyo 2 0 isugyn 9 k k k wn arkidona 2goal cr7 gulwacan boqortoyo 0 0 Qiimee Aragtidan qabiirka m city markawiReply 03-October-2013 at 12:00 am pellegrini lain aupka wuu ku dheelay clachi no god laakin kan danbe 0 0 Qiimee Aragtidan !REAL MADRID>.Reply 02-October-2013 at 11:58 pm hhhhhhhhhhhhhhhhhhhhhhhhhhhhhhhhhhhh hhhhhhhhhhhhhhhhhhhhhhhhhh hhhhhhhh man city koox miyaa 0 0 Qiimee Aragtidan xudeyfa sylReply 02-October-2013 at 11:57 pm Hhhh lkn layaab iguma ahaan natijdan maxa yeely wan filaayey sidan iyo si kadan. Inay dhici donto waayo bayern and man city dhanksta waxa sareysa fc bayern lkn. Waxn layaabanhy mclimkan man city waxaa uu keyd ugu haayo milner iyo sababta uu cawa ugu so bilaabi waayey silva. Viva brca juvnta and livrpol 0 0 Qiimee Aragtidan ahmed hassanReply 02-October-2013 at 11:56 pm painfull !! Joe hart wa kadhamatay runti wa khaladki sadexad o u subiyo sanadkan cardiff aston villa cawana munich 0 0 Qiimee Aragtidan Abdirahman(jookar)Reply 02-October-2013 at 11:53 pm Hhhh ciyaaal baadiye isa soo adkeeeya viva arsenal & ozil 0 1 Qiimee Aragtidan özilReply 02-October-2013 at 11:53 pm kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk 0 0 Qiimee Aragtidan saaqReply 02-October-2013 at 11:52 pm Saan maa u dambeysay mar kasta inay idiin tumaan Arsenal aad wax ka sheegeysaaan aaway lacagihii aad qarashgareyseen 0 0 Qiimee Aragtidan Wararka Ugu Sareeya Maanta Halkaan Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay Ee Ciyaaraha Laacib.net: laacib.net/2013/10/02/group-d-bayern-munich-oo-cashar-u-dhigtay-man-city-xilli-robbery-ay-shabaqa-soo-taabteen/ | Laacib.net
Posted on: Wed, 02 Oct 2013 22:31:31 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015