Ciidamada amanka dalka Uganda ayaa ka digay in ay dhici karan - TopicsExpress



          

Ciidamada amanka dalka Uganda ayaa ka digay in ay dhici karan weraro lamida kuwii Kenya Suuq kuyala ka dhacay oo ay fuliyaan xarakada Al-shabab ee Somalia. Dignintay aya timi malin ka hor markii Safaaradda Mareykanka ee Kampala ay soo saartay digniin la xirirta dhanka amniga oo lagu qaado suuqyada magalada Kampala ee xarunta dalka Uganda iyada oo anan sheegin goorta iyo halka ay ka dhacayaan weraradan lakin waxa ay ka digtay suurtagalnimada warar lagu qaado gobaha ganacsiga Uganda gar ahan xarunta Kampala. Wa in si gara isha loogu haya dhaqdhaqaqyada iyo in si kali kali ah loola socdaa dadka la tuhmayo waxa ay qabanaayan ayuu ku shegay Policeka Uganda. 2010kii werar ay ku dhinteen 76ruux aya lagu qaaday Kampala goob ay dad kala duwan ku dawanayeen finelka ciyaarta Koobka aduunka ee lagu qabtay koonfur Africa. Ururka Al –shabab ee ka dagalama Somalia aya shegtay weararkii uu dhiiga badan ku daatay ee ka dhacay suuqa West gate mall ee Nairobi 21kii bishii hore . Uganda waxa ay ka mid tahay wadamada ciidamada qeybta ka ah midowga Africa ku yaboohay Somalia si ay ula dagalaman kooxaha ka soo horjeeda dawladda Federaalka ah ee Somalia. Dignintay aya imanesa iayada oo muwadin asal ahan Somali ah heystana dhalashada Dalka Norway la aminsanyahay inuu ku jiray werarkii Westgate e ay 4 malmood ku dagalamayeen kooxo qabsaday suuqa iyo ciidamada gaarka ah ee Kenya. Xasan Cabdi Dhuxulow oo 23jir ah aya la rumeysanyahay inuu ku luglaha qorsheynta iyo fulinta werarkii Westgate waxana isaga iyo qoyskiisa ay ka qaxeen Somalai sanadkii 1999kii. Laakin xubno ka tirsana qoyskiisa aya diiday inuu ahaa ninka ka soo muuqday Camerooyinka amanka ee qarsoodiga ah. Muuqaal ay ku amanayan dagal yahano ajaanib ah oo ka bar bar dagalanta Al-shabab ayey ku bahiyen internetka kuwas oo ay ku shegen in qaarkood ay yihiin Dad Ingriis ah. Nin xiran jaakadda ciidamada islamarkana wajiga ku xirtay Masgara madow oo si nadiif ah ugu hadlayay luqadda Ingriiska aya waxa uu shegay in dagalyanada an Somalida ahayn ay ka kala yimaadeen wadamada Ereteria ,Ethiopia Lebnaan ,Hindiya, Pakistan iiyo wadamo kale ay kamid yihiin shababka ka dagalama Somalia. mustaqbalradio/2013/10/18/uganda-oo-ka-digtay-weeraro-lamid-ah-kuwii-nairobi-oo-kampala-ka-dhaca/
Posted on: Fri, 18 Oct 2013 16:59:40 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015