DADKA NAFTOODA GOOYA,OO NETHERLAND KU BADAN,IYO BUUG LOO SOO - TopicsExpress



          

DADKA NAFTOODA GOOYA,OO NETHERLAND KU BADAN,IYO BUUG LOO SOO SAAREY. Waxaa sannadkasta waxaa isku isku daya Nederland in ay naftooda ka taqalusaan dad gaarayo illaa 500.000 Ruux. NNN:01.10.2013:Aan ku bilaabee,Qofka muslimka ahi,waxa uu kaga du...wanyahay,dadka bilaa diinta ah,iyokuwa haysta diimaha baadilka ah,waa farxadda iyo degenaanshaha uu ilaahay ugu deeqay ummadda ahMuslimka Waxaa dhibaato ah,adigoo ah ruux muslim ah.inaad tiraahdo,waan welwelayaa,stress baa ihaya,iwm.adoo ilaahay la leh xidhiidh,taasoo aan suurto gal ahayn,in ruux ilaahay xidhiidh la leh,uu yiraahdo,waan isku buuqsanahay.iwm,taas macnaheedu waxaa weeye uun:Inaanad ilaahay xidhiidh wanaagsan la lahayn,maadaaba uu quraanku yahay,daawo. Aan ku soo noqonee:waxaa sannadkasta waxaa isku isku daya Nederland in ay naftooda ka taqalusaan dad gaarayo illaa 500.000 qofood, waxaase sannadkii hore 2012 is dilay dad gaarayo 1800 qofood Nederland ka dib markii ay la soo daristay dhibaatooyin kaliftay in ay naftooda haligan isna dilaan. Waxaa kordhay isdilka dadka 30 % taasoo u dhiganta in ay isdileen oo ay naftooda ka taqaluseen 1800 qofood Nederland taasoo abuurtay in Jan Mokkenstorm oo ah nin ku xeeldheer cilmi nafsiga uu qoray buug cinwaankiisa yahay [Suicidal Survival ] Buugaan oo loogu talagalay in uu ka kalmeeyo dadka in ay isdilaan rabo in ay fursad u heli karaan in wixii dhibaato ah ee jira la xalin karo waxwalbana ay xal leeyihiin marka laga reebo naf baxday oo aan la soo celin karin. Jan Mokkenstorm Qoraha buuga. Buugga waxaa kaloo loogu talagalay ehelada arko qof iyaga ka tirsan oo ay ka cabsi qabaan in uu naftiiso haligo rabo in uu ka kaalmeeyo qaabkii ay u wajihi lahaayeen.ref:jjsn:Editted and produced by: Mohamed Haji Essa(Maygaag) NNN:National News Network:Netherland
Posted on: Tue, 01 Oct 2013 09:59:19 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015