DEG DEG:Kenya oo kasoo horjeesatay in dekada iyo garoonka Kismaayo - TopicsExpress



          

DEG DEG:Kenya oo kasoo horjeesatay in dekada iyo garoonka Kismaayo ku wareejiso Dowlada Somalia Dowlada Kenya oo kasoo horjeesatay go’aankii Kampala ee ahaa in dekada iyo garoonka Kismaayo ku wareejiso Dowlada Federaalka Somalia. Kenya waxay soo jeedisay in sida ku qeexan maamulka dakada iyo garoonka ay ka wada xaajoodaan dowlada federaalka iyo hogaanka maamul goboleedyada xubnaha ka ah dowlada federaalka s Agaasimaha wasaarada Difaaca Monicah Juma iyo agaasimaga Wasaarada Arimaha Dibada Karanja Kibicho oo maanta shir jaraaid ku qabtay Nairobi ayaa sheegay in go’aankani Kenya gaaday uu yahay ka hortag laga hortagay cadaalada dari iyo isu dheeli tirnaan ka dhacda deegaanada dalka somalia. Labadan masuul ayaa ka digay in go’aankii Kampala la dhaqan geliyo iyagoo sheegay in arintaas ay carqalad ku tahay nabada islamar ahaanataana ay horseedayso amaanka oo faraha ka baxa. Labadan waxay sidoo kale sheegeen in go’aankii kasoo baxay Kampala uu durbadiiba saameyn xun yeeshay uuna gudaha wadanka iyo banaankaba ka dhaliyay xiisad aad usaraysa.
Posted on: Wed, 07 Aug 2013 03:05:59 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015