DIB U HESHIISIIN DHAB AH (Xalinta khilaafaadka Soomaalida) In - TopicsExpress



          

DIB U HESHIISIIN DHAB AH (Xalinta khilaafaadka Soomaalida) In dalka Soomaaliya guud ahaan si nabad ah oo ku saleysan dib u heshiisiin dhab ah iyo wada hadalo daacad laga yahay si degdeg ah iney u fuliso Dowladda Federaalka Soomaaliyeed, iyadoo la kaashaneysa Culumada iyo Waxgaradka Soomaaliyeed. Si loo helo dib u heshiisiin dhab ah iyo is dhex galka Bulsho & Qarannimo taama ah iyo Amni. Waxaan ku talin lahaa in dib u heshiisiinta dalka laga bilaabo heer Tuulo, Degmo, Gobol ilaa heer Qaran. In sidan loo raacao: 1.Kowda in la is cafiyo si guud & si gaarba. 2- Xabad joojin iyo hub iska dhigis. 3- Ergooyin qaran oo matalaya Ummadda Soomaaliyeed qeybaheeda oo dhan oo sax ah in dib loo sameeyo. HABKA HUB ISKA DHIGIDA 1-In la dhiso ciidamo qaran qeybahiisa kala duduwan leh oo tayo fiican oo hub ka dhigis sameyn kara Maleeshiyayaasha. 2-In dhamaan shacabka soomaaliyeed isku waqti hubka laga dhigo. 3-In la joojiyo hubka ka imaanaya debadda oo aan Dowladda ogeyn. 4- in maleeshiyooyinka loo sameeyo dhaqan celin iyo wax barasho xirfadeed mustaqbalka. 5- in la sameeyo wacyi gelin si joogto ah oo Amniga ku saabsan. 6- nabada cidii ku xadgudubtana loo aqoonsadaa iany tahay nabad diid. 7-Nabadda, dadweynahana waxaa looga bahan yahay iany gacan buuxda ka siiyaan Dowladda una hogaansamaan. HANTI ISU CELINTA Waa in si shuruud la’aan ah la isugu celiyo hantida ma guuraanka ah, mid qaran iyo mid gaar ahaaneed,oo ay ka mid yihiin Guri, Gaadiid,Dhul deegaan , Dhul beereed, Beer, Warshedo, Hooso Qalabka taariikhiga ah, qoraalo qiimo taariikheed iyo mid dhaqaalaba leh, Ceel Barkad iyo Xoolo nool iwm.sida ugu dhaqsaha badan uguna macquulsan sida haddaba ka socoto Muqdisho caasumadda dalka Soomaaliya meelaha qaarkood. FIIRO GAAR AH: (Qodobadan in maskaxda lagu haayo siiba inta lagu jiro Dib u heshiisiinta.) guushaada bakhaa lagu daraa (adoo guusha leh baa misana tanaazul la sameeyaa si dad badan loo kasbado loona badbaadiyo). isu tanaazulka waa waxa keliya ee qurux loogu heshiiyo waa in la wada hadlaa, si aan loo noqon ilmo yar & waraawo oo kale, oo aan badi weligood is arkin, loo kala war qaado, haddana kala baqa, rajana laga leheyn iney wada hadlaan sidaasoo kale yeynaan noqon Soomaaliyeey. Qeybaha bulshada ama Dadkii la isugu yeero iney matalaan labada dhinnac ee la heshiisinaayo,meel kasta ay jiraan haddii ay heshiin waayaan,Dad kale ha lgu bedelo oo isla qolooyinkaas matalyaan, ha laga saaro (reer anaa iri) waayo waxaa laga yaabaa kuwa hore ( reer anaa iri,isla weynayaasha) iney meel keliya wax ka arkayaanaa dhici karta oo aan muwaafaqada Alla la rabin. haddii lagu dulmo waxaa fiican in aad qaadatid dabeecadda Eeyga oo kale, waayo eeyga sida badan waa la dilaa, waa la tuuryeeyaa,waa la caayaa….. misana habeenkii haddii uu tuug yidaado guriga ama xaafadda lagu dulmo wuu ku qeyliyaa tuugga si uusan xaafadda u dhibaateyn ama wax uga xadin,runti sidaasi Eey kuma noqoneyno haddii aan Dabeecadiisa qaadano. Dagaal waxaa loo galaa in hadaf lagu gaaro keliya. Qollo kasta in aad la dagaashid ma aha ee la heshii haa,wixii dhisanna waa la saxaa ee mala dumiyo. Cid nabad aan rabin ma jirto, laakiin inuu cidda nabadda keentey isaga noqdo ayuu qof walba rabaa haddaba aan u tanaazulno qofkii Nabadba noo keeno. waxaan dhahnaa: wada dhowa…wada dhiiba…wada dhaha… taasi waa markii la wada heshiiyaan ka wadaa. Sad bursiga hala iskadhaafo,gardarana yaan garab la isku siin, hala iska dhaafo keygana anaa iska leh kaagana kula lihi iyo Ku qabso oo ku qadi meysid. hadal haddii lagu kala bixi waayo, hadalaa lagu daraa (Si loo Qanciyo Dadka Xalka laga rabo) ama hadalaa laga dhimaa ( Hadalka dhibka wadaa laga ilaaliyaa dadka Xalka laga rabo). Wax kastoo lagu heshiin waayo shareecada islaamka ha lagu kala baxo. MAHADSANIDIIN QORE Ex.Xildhibaan Garweyne Kuulow Aweys
Posted on: Tue, 19 Nov 2013 05:36:48 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015