=====DILKA WARIYAHA DILBAA KA HORREEYAY!!!!=== Inbdan ayaad - TopicsExpress



          

=====DILKA WARIYAHA DILBAA KA HORREEYAY!!!!=== Inbdan ayaad maqashaan wariye ayaa la dilay oo rasaas lagu toogtay, ma is weydiiseen sideebey aheyd noloshiisa intaan la dilin? Waxaan qabaa aniga in milkiilayaasha warbaahinta goonida loo leeyahay gaar ahaan kuwa leyska arko (Tv-yada) lasoo taago maxkamad, laguna qaado dambi ah in dad masaakiin ah oo shaqadooda jecel ay fursad uga faa’ideysteen, kuna qasbeen in ay si xeerka shaqada adduunka ka baxsan ugu shaqeeyaan.Dad badan waxey is weydiinayaan sidey ku dhacday arrintaas? Jawaabtuse waa tan. Dhallinyarada Soomaaliyeed ee saxaafadda iyo guud ahaan warbaahinta in ay ka shaqeeyaan jecel, ee tababarrada soo qaatay amaba soo bartay, wuxuu hankoodu yahay in ay ku howl-galaan mihnaddooda, sidaa daraadeed waxey codsiyo kala duwan u dirsadaan warbaahinta Soomaalida gaar ahaan kuwa leyska arko, Maadaama Tv-yada Soomaalidu ay ganacsi yihiin (Dukaan) iyagoo ka fikiraya qarashka ka baxaya ayaa lagu yiraahdaa wiilkii ama gabadhii yareyd ee hamiga u heyayay ka shaqeynta saxaafadda, “Haddaad bilaash (lacag la’aan) aad nagula shaqeyneyso soo dhawoow” waa arrin laga naxo adduunyada iyo dalalka uu nidaamku ka jirana dambi weyn ka ah in qofka fursadda ama duruurfta looga faa’ideysto. Marka uu muddo shaqeeyo, oo howshiisa (howsheeda) loo bogana waxaa loo bilaabaa in lasiiyo wax aad u yar oo Mushaar bille ah loogu yeero laakiin kayar inta uu wariyuhu saacaddii ku shaqeeyo adduunka. kuma dhiirran karo wariyuhu in milkiilaha warbaahinta uu kala doodo wax la yiraahdo mushaar kordhin ama xuquuq raadin, maadaama uu og yahay in si fudud looga maarmi karo, qolyo kale oo wariyayaal cusub ahna ay saf ugu soo jiraan in ay lacag la’aan ku shaqeeyaan, sidii uu isaguba soo maray niyad wanaagooda iyo howl-jaceylkoodana si qaldan looga faa’ideysto. Sidaa daraadeed wuxuu ku qasban yahay in uu iska dulqaato xoogaagiisa baabuur raaca ahna uu iska qaato. Haddaba dilka wariyayaasha loogu geysto Soomaaliya gaar ahaan Muqdisho oo aan maqalno uun marka wariyaha xabad lagu dhufto, Waxaad ogaataa inuu ka horreeyay dil si dhiig qabow ah wariyaha ay ugu geysteen milkiilayaasha warbaahinta ganacsiga ah. Mana jirto cid ka doodda arrintaasi. Taa waxaa daliil u ah haba yaraatee ma jiro wariye Xamar jooga oo heshiis rasmi ah (Contract) la saxiixda warbaahinta uu la shaqeeyo, waa ha socoto, Haddii la dilo, la dhaawaco, la afduubto amaba dhibaato kale loo geysto waa waxba kama galin ninka warbaahinta ama Tv-ga iska leh. Tusaale: Inkastoo ay ajashu qoran tahay qof geeriyoodayna aan la baajiyeen, haddana dadaalku waa lagama maarmaan. Allaha u naxariistee Sxb-keen TIMACADDE, Waxaan arkayay isagoo Oxygen-kii gacanta lagu buufinaayay hawo loogu raadinayo, taasi waxa ay ku tuseysaa in adeega caafimaad ee Isbitaalka la seexiyay uu liito, in kastoo wax dhaama aanan dalka ku heynin, Ninka iska leh Tv-ga uu ka shaqeynayay lacag kuma yara wariyayaasha yar yar ee qaarna ay bilaashka ku shaqeeyaan qaarna baabuur raaca la siiyo (Mushaar ma dhihi karee) hantidii ay shaqeeyeen ayaa jeebka ugu jirta, Ma wuxuu awoodi waayay inuu Isbitaal adeeg dhaama midka uu ku jiray geeyo, meel fog maaha xataa Nairobi ama Dubai ma u awoodi waayay inuu ula cararo? Taasi waxey caddeyn u tahay hadalkii aan horey usoo iri ee ahaa hadduu wariyuhu mushaar ama lacag ka doodo waa laga maarmaa oo mid kale oo diyaar u ah inuu bilaash ku shaqeeyo ayaa la helayaa Hadduu geeriyoodana waa sidoo kale oo booskiisii ma bannaanaanayo. Ugu dambeyntii Sxb-ke Timacadde wuu geeriyooday iyo kuwa kale oo ka horreeyay meesha kaliya oo ay ka dhinteen lagana tebayo waa gurigooga (Waalidkood iyo carruurtooda), kuwa kalena wey geeriyood doonaan iyagoo isla waddadan marayo sida caadada nalooga dhigay. Ugu dambeyntii si dhibkan laba geesoodka ah looga baxo waxaa wariyayaasha Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa gudaha jooga la gudboon in ay isku xirmaan oo midoobaan si aan dhexdooda looga faa’ideysan, mowqif iyo aragti qurana ay yeeshaan. Dowladda Soomaaliya waxaan ka codsanayaa in wazaaradda u qaabilsan arrintaasi ay xeer shaqo u sameeyso wariyayaasha, ayna xad mushaar ah oo aan laga hoos-mari karinna u sharciyeeyso wariyayaasha. Intii dhimatay oo uu walaalkeen tima-cadde ugu dambeeyay Allaha u naxariisto. Jannatul-fardowsana haka waraabiyo, qoysaskooda, qaraabadooda iyo asxaabtoodana samir haka siiyo. AFEEF: Waxaa laga yaabaa in dadka qaar ay qoraalkan dhibsadaan, ma jirto cid gaar ah oo aan ula jeedo, marka laga reebo meel aan qof gooni ah farta ku goday, iyadana xumaan igama aha ee waa wax uun ha toosaan. MAHADSANIDIIN BY: Jacfar Kukay
Posted on: Sun, 27 Oct 2013 18:53:39 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015