Daawo: Oday Iyo Wiil Uu Dhalay Oo 40-Sanadood Duur Galeen Kaymaha - TopicsExpress



          

Daawo: Oday Iyo Wiil Uu Dhalay Oo 40-Sanadood Duur Galeen Kaymaha Ku Noolaa Oo Laga Helay Vietnam (Hadhwanaagnews) Monday, August 12, 2013 Hanoi, (HWN/Agencies):- Maamulka dalka Vietnam ayaa soo bandhigay, muuqaalka Aabe iyo wiil uu dhalay, oo afartan sanadood ku noolaa kaymaha iyo duurka dalkaas, kuwaas oo Hanoi, (HWN/Agencies):- Maamulka dalka Vietnam ayaa soo bandhigay, muuqaalka Aabe iyo wiil uu dhalay, oo afartan sanadood ku noolaa kaymaha iyo duurka dalkaas, kuwaas oo sida la sheegay ka baxsaday, duqaybtii ciidamada Maraykanku ku hayeen dhulkaas oo kala badh qoyskoodi kaga dhinteen. Wiilkan iyo odayga dhalay oo aan 40-sanadood ahaa duur galeen kaymaha ku nool, ayaa laga helay god ku yaala kaymaha gobolka, Quang Ngai, halkaas oo dhawr maalmood ka hor ay dadka degaanku ku arkeen, kuna war galiyeen maamulka dhulkaas. Odayga ayaa 82-jir cimrigiisu marayaa halka wiilkuna ka yahay 40-jir, waxaana dad iyo aragtidood ugu danbaysay markii qoyskooda, diyaaradihii dagaalka ee Maraykanku duqeeyeen, inkasta oo mid ka mid ah warbaahinta dalkaasi sheegtay in wiil uu odaygaasi dhalay oo markii qoyskaa la duqeeyay sadex bilood jiray, uu ogaa halka aabihii iyo walaalkii ku nool yihiin, mararka qaarkoodna booqan jiray, haddana waxa la cadeeyay in afartan sanadood ay duur galeen ahaayeen lamaanahan is dhalay ee duqaynta Maraykanka ka baxsaday. Odaygan iyo wiilkiisan ayaa muuqaalka telefishanka Veitnam baahiyay muujinayaa iyagoo aad u itaal daran oo laga soo saarayo, halkii ay ku noolaayeen, waxaana imika lagu dawaynayaa, goob xanaano ah oo nafaqo celin loogu samaynayo, si ay u soo kabtaan, waayo? Muddo dheer ayay ku noolaayeen qadhaabka duurka ay ka helaan oo qudhama
Posted on: Mon, 12 Aug 2013 06:36:39 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015