Dad fara badan, gaar ahaan reer Khaatumo, waxay ku noqotay - TopicsExpress



          

Dad fara badan, gaar ahaan reer Khaatumo, waxay ku noqotay filan-waa, la yaab, iyo af-kala-qaad in Madaxweynaha Soomaaliya si badheedh ah, cadaawad uu u qabo Khaatumo iyo isaggon waxba iskaga tirin, iyo xishood la’aan ah uu u taageero gooni-goosatada SNM una aqoonsado dal ka madax bannaan Soomaaliya, ama haddii ay u yaraato ay beesha Isaaq hesho sad- bursi u saamaxaya in dalka laga dhigo koonfur iyo waqooyi oo ay beesha Isaaq waqooyiga dalka oo dhan iyada loo daba fadhiisto. Waxaa intaa dheer kana sii daran in wixii dawladda Soomaaliyeed lagu sheegayey ee Ra’iisal-wasaare, xukuumad, iyo baarlamaan lahayd ay siyaasaddaa jar iska xoorka ah ku taageereen madaxweynaha. Taana waxaaba ka sii xun iyana in aanay jirin shacab Soomaaliyeed oo ka damqaday ama u arkay in arrintaasi tahay meel ka dhac, caddaalad darro, iyo xad-gudub badheedh ah oo loo geystay qaranimadii, midnimadii iyo meel ka dhac loo geystay beelo kale Soomaaliyeed oo midnimo iyo Soomaalinimo doon ah. Bal waxaaba ay u muuqataa in shacab ku sheegga Soomaaliyeed xaalkiisu yahay shidanaaba shidan ama ay u muuqato inay taageersan yihiin siyaasaddaas ay reer Khaatumo u arkaan mid qaran dumisnimo. Haddaba, isweydiintu waxay tahay, yaa khaldan, ma reer Khaatumo mise Soomaalida kale? Jawaabta waxaa laga heli karaa in la fahmo bal sida labadaa qolo (reer Khaatumo iyo Soomaalida kale) mid waliba wax u arkayso iyo sida ay wax u doonayso. Aynu ku horrayno reer Khaatumo, waxay wax arkayeen una doonayeen sidan: Waxay doonayeen midnimo dawlad Soomaaliyeed, caddaalad, dib u heshiisiin dhab ah, dawlad Soomaaliyeed, iyo horumar oo ay la jeclaayeen soomaali oo dhan, iyo inay la jeclaayeen in beel walba oo Soomaaliyeed nabadgelyo iyo xuquuqdooda deegaankooda ku helaan. Waxay jeclaayeen in waajibaadka dalka inaga wada saaran si siman loo wada guto, dalka Soomaaliyeedna inaga wada dhexeeyo iyo khayraadkiisa, aynuna ku wada noolaano is jacayl, iskaashi, badhaadhe, iyo liibaan adduunyo iyo aakhiro. Soomaalida kale, siday wax u doonayaan: Waa dagaal sokeeye ha socdo, boob, dulmi, fawdo, musuqmaasuq, tafaraaruq, xukun jacayl, waalli, iyo yaan xumaan iyo fadaro oo dhan lagaa badin. Dabcan dad wanaagsani waa ku jiraa, hasa-ahaatee, waa shakhsiyaad. Soomaali lagama heli karo dad tirada iyo deegaanka Khaatumo le’eg, isku duuban oo fikir xalaal ah ku wada socda. Haddii cid uun kale soo labayn lahayd (soo raaci lahayd Khaatumo) dhibtuba ma taagnaateen, waxaase qolo waliba ku heshiisay xaraanta inay dhankooda ka galaan oon laga badsan , koobkana laga qaadin (the cup of all evil championship). Marka uu xaal sidaa yahay, wax ma ku wada heshiin karaan Soomaali iyo reer Khaatumo? Waa maya, waana sababta keentay in Culusow uu taageero SNM iyo dulmiga ay wadato, waayo shimbirba wuxuu la duulaa shimbirkiisa oo waxaa walaalaynaya dulmiga iyo xaraanta ay ku wada socdaan. Maxaa haddaba la gudboon reer Khaatumo? Waxaan taageerayaa talada uu soo jeediyey Ibraahim Ducaale Af-taag oo dad badan u muuqata hasa-ahaatee ficil in wax looga qabto u baahan, taasoo ah talada ah in dawladda Turkigu aysan u qaadan in waqooyi ay beesha Isaaq iska leedahay ayna gacanta Isaaq ku wada jirto. Turkiga wada-hadallada ka socda waa shir-qool haddii inta goori goor tahay aan laga hor-tegin dhibaatada ka dhaln doonta ay xoog badnaan doonto. Ilaa hadda waad aragtaan in dhawrkii biloodba lagu soo saxeeyo qodobo qaran dumis, caddaalad darro, eex, xaqiraad Khaatumo, iyo sad bursiinyo beeleed ku qotoma. Haddii aan la horjoogsan waa la sii wadayaa kana sii dari doontaa. Waxa kaloo lala wada socdaa aragtida caalamku ka qabo Soomaalia maanta oo ah in dawlad dhexe Soomaaliyeed oo xoog lihi aysan jirin, dibna u soo noqon doonin. Warbixintii u dambaysey ee wakiilka UNta ee Somalia Nick kay ka jeediyey Golaha Ammaanka wuxuu ku nuuxnuuxsaday qodobkaas ah in awooddii iyo ilihii dhaqaalaha iyo khayraadka dalka Soomaaliya aysan faraha dawladda federaalka ku jirin kuna soo noqon doonin, waxa la isku dilayey, la isku haystena taa ahayd oo maanta kala qaybsan tahay gamco kala duwan ku jiraan (the power and resources). Reer Khaatumo ha ogaadeen in Soomaali aysan isku haysan kuna dagaallamayn sidii loo soo celin lahaa Soomaalinimo iyo midnimo (Khaatumo you’re lost!), waxaa lagu dagaallamayaa intee “power, land, and resources” aad gacantaada soo gelisaa intaan buuqa iyo dagaalku dhammaan!!! Waa waxa ay SNM iyo Culusoow heshiiska uGu yihiin in dhulkaaga iyo Khayraadkaaga gacanta loo geliyo beesha SNM, jiritaankaaga iyo karaamadaadana la baabi;iyo!!! Waxaa loo baahan yahay in iyana la ogaado in dawladda Turkiga iyo Khaatumo leeyihiin xidhiidh, waana ta ay ka dhasheen mucaawinooyin toos ah kala duwan sida deeq waxbarasho iyo mid deeq raashin bani-aadanimo, qodista ceelal biyo. Waxaase loo baahan yahay in kor loo qaado dadaalka, mudaaharaaddo lagu hor sameeyo safaaradahooduna waxay wax weyn ka tari doonaan in tixgelintu xoogowdo iyo xidhiidhka siyaasadeed, Turkiguna fahmo in Soomaaliya oo waqooyigu ku jiro beel beel la isu haysto. Waxaa kaloo la doonayaa in Maamulka Khaatumo xoojiyo wufuud tagta turkiga iyo safaaradijiisa, xidhiidhka madaxda dawladda Turkiga lala samaynayo ee qoraal sida wasiirka arrimaha dibedda iyo ra;iisal wasaaraha. Sidaa oo kalena lagula dhaqmo dalalka calaamka iyo haayadaha dawliga ah oo dhan, lana furo xafiisyo dibedda ah oo Khaatumo leedahay, khaastan dalalka aad u muhiimka ah (Bariga Afrika, Europe, North America, Arabia -Khaliijka), si kor loogu qaado qadiyadda Khaatumo. In badan ayaa reer Khaatumo iyagoo u heellan jacaylka Soomaalinimo iyo midnimadeeda u dul qaadanayeen dulmi, xad-gudub, caddaalad darro, iyo iska dhego tir kaga imanyey dawlad Soomaaliyeed iyo shacabka Soomaaliyeed, hasa-ahaatee, maanta ayaa dawladdii Soomaaliyeed iyo madaxweynaheedii ay ciin daaqeen markii ay si badheedh ah ula safteen gooni-goosatadii SNM ayna ka yeeleen inay ama goostaan ama hor-boodaan waqooyi oo dhan (la yaabkuna waxaa weeye goormaa dalka juqraafi ahaan loo kala qaybiyey waqooyi iyo koonfur IWM. ama la isu dilay waqooyi iyo koonfur!!!), waxaa la og yahay in dalka beelo beelo loo kala deggan yahaye, khilaafka Soomaaliyeedna yahay mid awoodda siyaasadeedka iyo ilaha dhaqaalaha ku qotoma kana dhexeeya beelaha!!! Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa, “Geeloow waxaa laguu yaabaa maalinta aad ciin daaqdo” Ingiriiskuna wuxuu yidhaahdaa, “This is the last straw that broke the camel’s back”. Waxaanu leenahay la safashada Xasan Culusow uu la saftay SNM ayaa taa la mid ah, Mr. president your unwavering support for the secession, or to at least designate the north as an SNM property is the last straw that broke the camel’s back!!! Ugu dambayn reer Khaatumoow aan fahamkeenna toosino la xidhiidha arrimaha Somalia, Somalia dawlad kama jirto cid waliba waxay la xidhiidhaa beesha caalamka eega SNM, Puntland, Jubbaland, iyo maamul xaafadeedka Muqdisho (Culusoow Soomaali lama hadlo ee beesha caalamka ayuu daba ordayaa), looma baahna in aynu miskiinka Xasan Culusoow daba orodno ama wax ka doonno, waa khalad arrintaasi 100%. Sidaadarteed, waa in Shirka Khaatumo 3 ee Taleex lagu iclaamiyaa madax bannaanida buuxda ee Jamhuuriyadda Khaatumo. Arrintaa waxaa sii sahli doonta in maamulka Khaatumo uu fursad wanaagsan siiyey Soomaali iyo dawlad Soomaaliyeedba laguna lumiyey labadii sano ee maamulka Khaatumo State jirey. Arrinkaas fursad siinta ah maamulka Khaatumo waa ku hagaagsanaayeen si meesha looga saaro sal fudayd. hasa-yeeshee, sida madax badan oo Khaatumo ahiba ay dhowaanahan ku celcelinayeen taa waa laga soo sal-gaadhay, waxayna natiijadii ku soo ururtay “meeshii Xamar waxba Khaatumo uma yaallaan ay ka sugaan”. jamhuuriyadda Khaatumo oo ah dal ka madax bannaan Soomaaliya inoogu dhawaaqa Shirka Taleex ee Khaatumo 3, taasoo aynu kaddib beesha calaamka si toos ula xidhiidhayno, qadiyaddeenana la fahmi doono, la tixgelin doono, la garawsan doono, cad keenana meel la dhigi doono. Intaa kaddib, haddii ay noqoto inaynu Soomaali la hadalno, beesha caalamka ayaa meel dibedda ah inagu wada hadalsiin doonta. Ha la ogaado wax intaa ka sokeeye xaq ku soo dhacsan mayno, waana waddo ay mareen beelo dhawr ah oo midho dhal ah. wixii kaloo dhan waa waqti lumis iyo calaacal, waxaan ku rajo weynahay in aynu sidaa ka daalnay. Guul iyo gobanimo jamhuuriyadda Khaatumo wariye gaas
Posted on: Sun, 06 Oct 2013 14:52:08 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015