Dagaalkii Kismaayo: Dacwo ka dhan ah Madaxweyne Xasan Sheekh oo - TopicsExpress



          

Dagaalkii Kismaayo: Dacwo ka dhan ah Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhawaan loo gudbinayo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay “The Economist” oo ah Magazine-ka caanka ah ee laga aqristo dhammaan daafaha dunida, kana soo baxa magaalada London ayaa 6th July 2013 (Sabtidii la soo dhaafay) lagu soo daabacay warbixin sheegaysa in khuburo madax banaan ay dhawaan dacwad u gudbin doonto Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay. Dacwada lagu soo oogayo Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh ayaa ah laba arimood: In uu adeegsanayo dagaal oogayaal si uu awoodiisa u gaadhsiiyo dalka intiisa kale iyo in uu iska horkeenay maleeshiyaad iska soo horjeeda si uu isagu ula wareego magaalada Kismaayo. In uu soo xushay isla markaasna xidhiidh la leeyahay dagaal oogayaal. Intaas waxaa sii dheer in dagaal oogayaashaasi xidhiidh toos ah la leeyihiin kooxda Alshabab. Waribixintu waxaa kale oo ay xustay in Xassan Sheekh si weyn loogu hanweynaa markii la doortay, welina uu lacago badan ka helo dowladaha reer Galbeedka ah. Warbixintu waxay tidhi “muuqaalka guud mararka qaarkood ayuu wax qaldaa”, oo macnaheedu yahay in Madaxweyne Xassan Sheekh uusan ahayn sidii ay reer Galbeedku u maleynayeen oo ahayd in uu yahay nin aan xidhiidh la lahayn dagaal oogayaasha iyo kooxaha qaswadayaasha ah. Qeyb ka mid ah warbixintaasi waxay u qornayd sidan: “But appearances may mislead. President Hassan Sheikh Mohamud, appointed last year to much acclaim, is accused of employing warlords to assert his authority over the fragmented country. A report due to be submitted to the UN Security Council by independent experts says the government used rival militia leaders to gain control of Kismayo, the second city. The report alleges that Mr Mohamud, who gets a lot of cash from Western governments, has been “co-opting clan warlords”, some of them linked to the Shabab”. Warbixintu waxa kale oo ay ka hadashay dagaalkii Kismaayo, xadhiga Sh. Xassan Daahir Aweys iyo in arintani iska horkeeni karto beesha Hawiye. Waxaa kale oo warbixintu xustay in hardanka u dhexeeya beesha Hawiye iyo Darod uu yahay arimaha sii hurinayey dagaalka Soomaaliya ka socda 22-kii sano ee la soo dhaafay. Warbixintu ma sheegin cidda ay yihiin khuburada madaxa banaan ee dacwadan ku soo oogtay Madaxweyne Xassan Sheekh. Dr. Mohamed Abbas Chairman, Jubbaland Intellectuals Kismaayo91@hotmail “Jubbaland Intellectuals” is a non-profit, intellectually-based organization which is concerned with the social, political and economic development in Jubbaland. It was founded in Kuala Lumpur in 2005 and is headquartered in Kismaayo, Somalia.
Posted on: Mon, 08 Jul 2013 20:58:39 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015