Dhageynso:- Ra’iisul Wasaare Saacid oo ka hadlay warbixin - TopicsExpress



          

Dhageynso:- Ra’iisul Wasaare Saacid oo ka hadlay warbixin dhawaan aan soo dhigay boga Facebooka. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa wuxuu ka hadlay war war aan dhawaan aan ku qoray bogeyga facebooka oo sheegayay Ra’isul wasaaraha Somalia inuu qorsheynayo in xilkaas uu ka dego. Cabdi Faarax ayaa sheegay in warkaas uu yahay mid been abuur ah isla markaana aan Sal iyo Raad toona laheyn, waxaana uu sheegay inuusan garanayan halka rasmi ahaan warkaas laga soo xigtay. Wuxuu sheegay in uu ka war hayo wararka la isla dhexmarayo ee ku aadan Iscasilaadiisa balse uu cadeynayo inuusan waxba ka jirin warkaas, qorshahana uusan ugu jirin inuu xilka uu iminka hayo isaga dago. Sidoo kale Ra’isul wasaaradha Soomaaliya ayaa maanta ku dheeraaaday ka hadalka xukuumada uu hogaaminayay Mudada Sanadka ah ee ay jirto isagoona ka warbixiyay waxyaabihii u qabsoonmay intuu hayay xilkan. Arimo ay ka mid yihiin Amniga, Dhaqaalaha iyo xiriirka Caalamga ayuu sheegay inay xukuumadiisu xooga saartay isla markaana is badal wanaagsan iyo horumar ay ka gaartay . Xukuumada Soomaliya uu hogaamiyo Cabdi faarax Shirdoon Saacd Ra’isul wasaaraha Soomaaliya ayaa sanad jirsatay, waxaana soo baxayay warar sheegaya in dhowaan uu qorsheynayo Saacid inuu xilka isaga dego inkastoo warkaas maanta uu beeniyay . galcad24/dhagayso-hadalka-raisal-wasaaraha/
Posted on: Sun, 06 Oct 2013 18:15:00 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015