Dhoof iyo dhaxal caashaq..Qaybti 5aad.. Ladan markii uu sidaa ku - TopicsExpress



          

Dhoof iyo dhaxal caashaq..Qaybti 5aad.. Ladan markii uu sidaa ku yiri Liiban waxay ku tiri iyadoo indhaheedu ilmo ku soo joogsadeen …. “Liibaan Aboowe wax aan la joogi waayay ayaa i haya, adigana sida kaa muuqata iima ogid sow kuma jecli Aboowe, ilbiriqsi haddii aan ku waayo xaaladeyda sida ay noqoneyso haddii aad ogaan lahayd sidaa iguma dhahdeen”. Ladan waxay indhaha la raacday qolka uu degan yahay liibaan oo ay yaaleen miis yar oo maro dhammaad ah ku firaashan tahay oo Buuggaagta ay u saarneyd, sariir Bir ah oo silliga ku samaysan oo dhexda ka ruqay, derinta uu ku jiifayna dug googo’day ayay ahayd, markiiba inta istaagtay oo tiri “waan kuu soo laabanayaa” ayay beegsatay gurigooda, markiiba ay qolkeedii gaarka ahaa gashay ayaa waxay beegsatay Armaajadeedii u gaarka ahayd , lacag ugu xareysnayd ayay ka soo bixisay waxayna la hadashay Darawalkii waday gaarigii yaraa ee aabaheed oo ay ka dalbatay in uu suuqa geeyo isagana dhaqaalo iyo dhaadhac hoose ayuu ku heystaye war kuma soo celin oo markiiba wuu la haaday oo suuqii geeyay, waxayna ka soo iibisay joodari isbuunyo ah, dhowr yaardi oo firaash ah iyo weliba labo kursi oo kuwa fadhiga isbuunyada leh ah, waxayna la soo tiigsatay hoygii Liibaan. Iyada iyo darawalkii ayaa alaabadii qolka Liibaan wada dhigay, waxayna ku tiri “Derintan dhabarka ayay kaa qabanaysaaye iska tuur oo joodarigan ku seexo, kuraastana dadka ku soo booqdo haku fariistaan, adigana markaad wax akhrisanayso isticmaal. Liibaan Ayeeyadiis oo dhaqdhaqaaqa Ladan iyo alaabada ay keentay la socotay lana yaaban Gabadhan maanta oo kaliya soo booqatay ee waxaan oo alaab ah u soo iibisay ayaa iyadoon wax hadal ah ku darsan fiirmo oo kaliya ku kaalmeysay, waxayna sugeysay ilaa ay ka baxdo si ay wiilkeeda u weydiiso waxa gabadhu tahay. Markiiba Ladan ay alaabadii ku wareejisay Liibaan, kuma aysan sii daahin oo xogtiisa caafimaad iyo sida uu hadda yahay inta weydiisay ayay u sheegtay in ay sii baxayso, iyadoo u sii laabtay waxoogaa lacag oo haddii uu u baahdo dawo iyo baan uu ka sii dhigto, isagana wuxuu u sheegay inuu iska ladan yahay oo berri uu iskuulka imaanayo, kadibna way is macsalaameeyeen. Liibaan ayeeyadiis oo dharareysay bixitaanka gabadha ayaa wiilkeeda weydiisay Gabadhu waxa ay tahay, wuxuuna Liibaan Ayeydiis sharaxaad dheer ka bixiyay qaabka ay gabadhu isku barteen iyo inuu jacayl ka dhexeeyo welibana ay iyadu aad u jeceshahay. Markii Liibaan uu warbixitaas siiyay Duqdii aad bay ugu faraxday isla maraana soo dhaweysay in wiilkeedu lamaane yeesho, “Hooyo gabadhu waa mid wanaagsan oo jacayl ay kuu qabto awgiis may intaannoo alaab ah kuugu keentay (Maashaa-Allaah) tan yeysan kaa fakan, Nabi Qadar ayaa kuu duceeyay hooyo, Nin nasiib leh ayaa tan oo kale hela, haddii aad xiriirka la sii waddo tani wax weyn ayay noloshaada ku soo kordhin kartaa”. Liibaan oo garaystay hadallada Ayeeyadiis ayaa haddana meel kale wax ka tusiyay wuxuuna ku yiri “Hooyo waxaa la yiri waxan day, waxa ku sii xigana day….. waxaa wanaagsan in taxdar la muujiyo gabadhu waa Bani’aadam wax kasta waa laga filan karaa, anigana runtii jacaylkeeda in muddo ah waan ka meermeeray oo dadka lacagta leh wax la qeybsigooda dhib buu leeyahay, hadday mar kugu sanifaan awood ayay kuu adeegsanayaan oo haadaan kugu ridayaan”. Duqdii dib ayay u guratay oo inta dhafoorada qabsatay tiri “Wallaahi waa suuragal, laakiin Hooyo ku danayso kana danayso, caqliga ayaan kugu jeclahaye”. Markii ay in muddo ah ka soo wareegatay lamaanayaasha Ladan iyo Liibaan jacaylkoodii wuu kobcay oo faafay, dhammaan Ardaydii ay isku fasalka ahaayeen ayaa hadal heynta Cishqigooda suuqa geliyay, taasina waxay dhibtay Waalidkii dhalay Ladan oo ka gilgishay in iyagoo dad magac ku dheh bulshada oo caan ah ay gabadhooda Wiil faqiir ah oo Qoys Qabriga qoda ka dhashay jacayl la wadaagto. Ladan aabaheed ayaa si aad ah uga gilgishay hadal heynta faraha badan ee qeexeysa in gabadhiisa Ladan ay jacayl wadaag la tahay wiilka nolosha liita ku nool, taasoo uu u arkayay ceeb uusan garaneyn meel uu kaga dhuunto isagoo karkaraaya ayuu u yimid Xaaskiisa oo latashi ku saabsan sidii Liibaan iyo Ladan degdeg loogu kala reebi lahaa la sameeyay…. Nin karka ka batay ayuu ahaaye wuxuu isla markiiba la soo booday “Waris walaalay uma dulqaadan karno arrintan, ceebtan ka sii weyn ayayna inoo soo jiidaysaa, wax xal ah oo kale ma jiraan si toos ah ayaan ugu sheegeynaa oo ka har wiilkaas ayaan leenahay, hadday diiddana guriga ayaan ku xabiseynaa, maadaama waxbarashadii Dugsiga sare u dhammaan rabto oo bilo qura uga harsan yihiin”. “Taas macquul ah Xaaji oo gabadha kaliya ee aanu ifka ka fiirsanayno weeye, iskuma ogeyn Sowjkeygiyow in la canaado ama qalbigeeda dhaawac loo geysto, sanad iyo bar kahor markii wiilka Liibaan ah ee ay jeclaatay aan martiqaadaynay qorshihii aan isla meel dhignay waad xusuusataa baan filayaa, shirqool lagu kala geynayo ayuu ahaa ee ma ahayn qalbiga gabadheenna inaan dhaawacno” sidaa waxaa ku dooday Ladan Hooyadeed Waris oo diidanayd in gabadheeda wax loo dhimo, laakiin Odayga oo isagu xanaaqu ka tan batay, isla markaana hadalada magaalada la isla dhex xulayo ee jacaylka gabadhiisa ku saabsan si fiican uga soo gubtay ayaa yiri “Ma iyadaa inoo talisa, mise anaga ayaa u talina oo sow ma aha Ubad la dhalay, wixii aan u soo jeedino waa inay yeeshay haddii kale……..” “Orod soo qubeyso meel lagaaga soo xanaajiyey ma garanayee” ayay Waris ku tiri Seygeeda oo ay ka dareentay inuu si u kurbeysan yahay, isla markaana hadal heynta Liibaan uu ka batbatay, diidayana in sumcaddiisa meel cidlo ah ku lunto…….. lasoco qeybta 6-ad goor dambe ...
Posted on: Mon, 05 Aug 2013 01:10:51 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015