Dhowaan ayay ahayd markii ay Qaramada Midoobey, dowladda - TopicsExpress



          

Dhowaan ayay ahayd markii ay Qaramada Midoobey, dowladda Soomaaliya iyo dowladda Kenya ay isku raaceen in qaxootiga ku sugan xeryaha Dhadhaab dib loogu celiyo Soomaaliya. Isu duwaha gar gaarka baniaadanimada Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Philippe Lazzarini, ayaa shalay booqasho ku tegay magaalada Kismayo si loo meel mariyo heshiiskaasi, waxaana uu la kulmay maamulka KMG ah ee Juba. Lazzarini ayaa maamulka kala hadlay qaabkii uu uga qeyb qaadan lahaa qaxootiga Soomaalida ah ee iskood uga soo laabanaya xeryaha Dhadhaab. Qaramada Midoobeey waxay dooneysaa in qaxootigan la geeyo sadax degmo oo kala ah, Kismaayo, Afmadow, iyo Luuq. Hadaba sidee u aragtaa qorshahan Qaramada midoobeey?
Posted on: Tue, 17 Dec 2013 03:21:35 +0000

Recently Viewed Topics




© 2015