(England) 25 October 2013. Kooxda Man United ayaa laga waayey - TopicsExpress



          

(England) 25 October 2013. Kooxda Man United ayaa laga waayey xiddigaha ugu wanaagsan qadka dhexe ee Premier league. Inkastoo ay xiddigo fiican oo qad dhexe ka ciyaaraan horyaalka Premier league, ayaa hadda waxaa adag in la yiraado xiddigahan ayaa ugu wanaagsan balse, mid ka mid ah majaladaha ka faalooda cayaaraha ayaa soo saartay shaxda ciyaarayahanno ay sheegeyso inay yihiin kuwa ugu wanaagsan Premier league inkastoo aan hal ciyaarayahan xitaa laga soo qaadan xiddigaha qadka dhexe ee Man United. Kooxaha Manchester United, Chelsea iyo Arsenal ayaa helay tirade ugu badan ee ciyaarayahanada ugu fiican qadka dhexe. Halkaan hoose ka eeg shaxda xiddigaha ugu wanaagsan qadka dhexe ee Premier league. Weerarka dhexe ee Midig 1. Juan Mata – Chelsea 2. Theo Walcott – Arsenal 3. Jesus Navas – Manchester City Xidigaha ka ciyaara booska midig ee dhexe 1. Aaron Ramsey – Arsenal 2. Ramires – Chelsea 3. Fernandinho – Manchester City Xiddigaha booska dhexe ee weerarka 1. Mesut Ozil – Arsenal 2. Oscar – Chelsea 3. Santi Cazorla – Arsenal Xiddigaha qadka dhexe ee bidxeed 1. Yaya Toure – Manchester City 2. Jack Wilshere – Arsena 3. Frank Lampard – Chelsea Weerarka dhexe ee bidix 1. Eden Hazard – Chelsea 2. David Silva – Manchester City 3. Andre Schurrle – Chelsea FG: Fikirkan waxaa qaba mid ka mid ah majalada ka faallooda ciyaaraha ee maahan mid u gaar ah Gool FM G
Posted on: Fri, 25 Oct 2013 18:30:53 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015