Faah Faahin iyo Sawiro Dheeraad ah oo ku Saabsan Ciyaar Kulul oo - TopicsExpress



          

Faah Faahin iyo Sawiro Dheeraad ah oo ku Saabsan Ciyaar Kulul oo Dhaxmertay Labada Xul Qaran ee Soomaaliya iyo Tanzaaniya Xulka kubadda cagta Tanzania ayaa galabta 1-0 kaga badiyay xulka Soomaaliya kulan ka tirsanaa wareegga koowaad ee tartanka xulalka bariga iyo bartamaha Africa ee CECAFA Cup. Ciyaarta ayaa ka dhacday garoonka Nyanyo National Stadium ee magaalada Nairobi waxaana ka qeyb galay daawadeyaal badan oo Soomaali ah. Qeybta hore ee ciyaarta ayaa ku dhammaatay 0-0, waxeyna labada dhinac iska lumiyeen fursado badan, iyadoo ciyaartoyda Soomaalida si wanaagsan u ciyaareen gaar ahaan dhanka daafaca. Qeybta dambe ee ciyaarta ayaa ku billaabatay jawi roob ah taas oo keentay in uu garoonka qoyo, labada kooxna ku adkaato inay si wanaagsan u ciyaaraan. Xulka Tanzania ayaa helay gool billowga qeybta dambe ee ciyaarta, taas oo niyad siisay taageereyaasha reer Tanzania ee garoonka ku sugnaa. Ciyaartoyda Soomaalida ayaa si wanaagsan u ciyaaray 30-kii daqiiqo ee u dambeysay, iyadoo Saadaq iyo Jabriil oo weerarka ka ciyaarayay ay khasaariyeen fursado dhowr ah. Tobankii daqiiqo ee u dambeysay ayaa xulka Soomaaliya laga diiday kubbad u muuqatay Rigoore, markii xerada ganaaxa si qaldan loogu raacay Maxamuud Meyma oo beddel kusoo galay ciyaarta. Dhammaadka ciyaarta ayaa calaamadda cassaanka ah la siiyay macallinka xulka qaranka Soomaaliya, Maxamed Cabdulle Fara-Yare markii ay murmeen garsooraha afaraad ee ciyaarta. Guud ahaan ciyaarta ayaa ku dhammaatay 1-0 oo ay guusha ku raacday Tanzania. Sanadkii hore ciyaarihii ka dhacay Uganda ayay Tanzania 7-0 uga badisay Soomaaliya. Jabriil Xasan Fariid oo weerarka uga ciyaara xulka Soomaaliya iyo kooxda Heegan ayaa loo magacaabay ciyaaryahankii ugu fiicnaa ee ciyaarta (Man of the Match), waxaana la guddoonsiiyay abaal-marinta ay ugu tala-galeen GO TV oo maal-gelinaya tartanka sanadkan. Ciyaartoydii u safneyd xulka Soomaaliya: Goolhaye: 1- Maxamed Shariif (Koox ka dhisan Holland). Difaac: 3: Geesey (Banaadir SC), 6: Kabtan Xasan Cali Rooble Babaay (Elman), 13: Aadan Xuseen Ibraahim (Sahafi FC), 5: Xasan Xuseen Maxamed (Elman). Dhexda: 4: Daa’uud C/llaahi Xasan (Jeenyo), 18: Siidii Maxamed Cumar (Heegan), 11: Maxamed Saalax Xuseen (Sacad) (Elman) iyo 15: Maxamed Cabdi Xaayow (Heegan). Weerar: 14: Jabriil Xasan Fariid (Heegan) iyo Saadaq Cabdulqaadir Maxamuud (AFC Leopards). Beddel: 8: Deeq C/qaadir Nuur (Heegan), iyo Maxamuud Meyma (Jeenyo). Daawashada ciyaarta waxaa ka qeyb-galay danjiraha Soomaaliya u fadhiya Kenya, Maxamed Cali Nuur (Ameeriko), xoghayaha xiriirka kubadda cagta Soomaaliya C/qani Siciid Carab, agaasimaha agaasinka dhalinyarada iyo isboortiga ee wasaraadda adeegga bulshada Aweys Xaddaad iyo boqollaal Soomaalida Nairobi ku nool ah. Kulanka ugu dambeeya ee qeybta B ayay Soomaaliya la ciyaari doontaa Zambia Arbacada soo socota. Xulka Zambia ayaa galabta 1-0 kaga badiyay Burundi, taas oo ka dhigan in ay aad u yar tahay rajada xulka Soomaaliya ee u gudbidda wareegga labaad.
Posted on: Sun, 01 Dec 2013 20:46:43 +0000

Trending Topics



eft:0px; min-height:30px;"> ORACIÓN PIDIENDO LA CONTINUADA MISERICORDIA DE DIOS Inclina, oh
OFFER Black Friday Jawbone ERA Headset - Midnight - Retail
Ats Soon Launching New Project On Yamuna Expressway After The
RESGATE URGENTE SP, QUEM PEDIU O SOCORRO P ESTA ANJO ACREDITA Q

Recently Viewed Topics




© 2015