Facebook BEEN badanaa ” Gabar iyo Wiil Nairobi isla jooga oo - TopicsExpress



          

Facebook BEEN badanaa ” Gabar iyo Wiil Nairobi isla jooga oo Canada iyo Norwey in ay kala joogaan isku shukaansaday “ Bogga Internetka ee sida aadka ah loogu sheekeysto ee Facebook oo mararka qaar isku sahla in ay is helaan dad iyagu Mudo kala maqnaa bacdamaa badi dadka ay Sawiradooda ku soo dhajiyaan ayaa dhanka kale wuxuu u Muuqanayaa in dadka qaar ay been isugu sheegaan oo laga yaabo iyagoo hal Magaalo wada dagan ay isku shukaansadaan in ay ku Kala suganyihiin Qaaradaha Aduunka iyagoo Xiligaasi aan aqoon isu laheyn. Badi Dhalinyarada Isticmaasha Facebook wexey isugu sheekeeyaan in qofba Meesha uu Jecelyahay in uu Tago uu sheegto in uu ku suganyahay, si dadka qaar oo iyagu ka hela wadamada Reer galbeedka ay u qaatan in laga yaabo Barashada Qofkaan in ay Janis u Noqoto. Hadaba Xalay ayaa mid kamid ah Goobaha Internetka Laga dirsado ee Xaafada Islii Nairobi Waxaa ka dhacday Arin Cajiib ah, Kadib Markii Gabar iyo Wiil mudo isugu sheekeynayay in ay Joogaan Wadamada Mareykanka iyo Norwey ay si lama filaan ah isu arkeen. Wiilka oo Horey u Joogay Goobta Internetka Laga dirsado ayaa waxaa soo hareer fariisatay Gabadha, kadib Facebook ayey horey ka Gashay Markii ay wiilka usoo muuqatay Gabadha oo ay Online soo Noqotay ayuu Lasoo booday “ Salaan Sare Gacaliso ” Gabadhii ayaa durbaba ugu soo jawaabtay “Hny mid lamid ah “ Sheeko ayaa la galay oo arimihii la’isku ogaa ayaa laga sheekeystay, Cabaar kadib ayaa wiilka wuxuu tuhmay in Qofka La Hadlaya ay Gabadhaan Noqon karto maadaama marka uu qoraal diro ay iyana wax soo qoreyso ileen lama kala Foga oo 2 computer oo isku dhagan ayaa la fadhiyaaye. Wiilki wuxuu aamusnaadaba wuxuu is yiri bal in gabadhaan ay tahay iyo in kale ku Tijaabi Qosol sida u Qoran “Qixqixqixqixqixqixqixqixqixqixqixqixqix” markii uu u Diray islahadiiba qosolkii ayaa Kasoo Muuqday Cinwaanki Gabadha uu ka shakisnaa. War ileen tan oo kale, wiilki Yaab marna Xishoo ileen Been ayaa la’isu sheegaye oo Mareykanka iyo Norwey ayaa lakala Joogay midikoodna Waligiis Nairobi ma dhaafine. Gabadhi Wali wax ma Fahansana Laakiin Wiilkii intey Gacmaha Barf Noqdeen oo dhidid waaweyn uu kasoo Daatay ayuu u Yeeray Saaxiibkiis, Computerki oo u Kireysan Cinwaankiisana uu u Furanyahay ayuu Banaanka aaday. Shuxshuxda Ragaan iyo Hadala La’aanta wiilka ayey gabadhi inta ka shakisay si Halhaleel ah usoo eegtay Cinwaanki wiilki, Markaas ayey ku aragtaa Heblaayo oo dhowr mar soo hadashay loona jawaabi la’yahay Waa Magaceede. Naxdin Qac dheh hee markaaga, adigaa horey been usoo sheegaye, “ Inteen ka Baxaa Meel alle“ ayaa ka dhacday, wiilki inta uusan soo laaban gabadhi ayaa isu sheegtay in ay toos ula hadasho haduu soo laabto maadaama ay Arintu Fashilantay. Wiilki iyo Saaxiibkiis wexey ku hishiiyeen in inta Internetka laga soo boxo Hiblaayo banaanka loo fariisto oo la’is barto barasho run ah, laakiin looma Saamixin Hebel in uu banaanka u Fariisto oo gacan ayaa lagu dhigay. Markii uu wiilka soo laabtay ayaa Gabadhii Wexey lasoo Booday “Aboowe Waan ku Salaamay” Wiilki Naxdin Qac mar kale Meeshuna waa meel ay Dadku ku badanyihiin, Wuxuu ku Jawaabay “ Heblaayo Miyaa” kkkkkkkkk dadki oo dhan ayaa soo eegay Gabadhi wexey lasoo booday maxaad Beenta iigu sheegtay Nairobi ayaad joogtaaye ma adaa Amerika Jooga, kkkkkkk Wiilki isna Waxaa kazoo Goday “ Adiguba ma adaa Norwey Jooga Jaamka ayaad dagantahaye kkkkkkkk dadkoo dhan ayaa Qoslay, iyagoo Ogaal ahaan Labaduba ay Maqanyihiin ayey dadku wexey hal mar lasoo boodeen war adinkaa isa siray Banaanka Ku Sheekeysta. Banaanka ayaa loo soo Baxay Sheekadiina Halkaas ayey kusoo Gabagabowday oo Xaafadi gabadha ayaa La’isku Raacay.
Posted on: Sun, 24 Nov 2013 20:28:27 +0000

Trending Topics



ay from
this srories for my beautiful sisters only mainly my
Daily Bible Reading for 7-1-13 Genesis 24:34-41, 50-67; Psalm

Recently Viewed Topics




© 2015