GABAY DHAAWACA KU YIMI SUUGAANTA, MOORYAAN DERDERANBAA XARFIHI, - TopicsExpress



          

GABAY DHAAWACA KU YIMI SUUGAANTA, MOORYAAN DERDERANBAA XARFIHI, MOOD YAR DHAAFSADAY Suugaantu waa maanso iyo, midhiyo Hawraare Marna waa muraayada hidaha,magaca soomaale Marna waa miisaankii xarfaha loo micnayn jiraye Hadaan Muhindisiintii horiyo, Magacyo Soo Qaato Maamuuska sharafeed Anaan, Marin Ka Dhaafaynin Anigaan Maqlaay iyo u Odhan, Murano Aad Oogtid Malaayiin sanay qaadan iyo, maalmo iyo dhawre **************** Afartaa Macdaarkii Murtida, Midhihi Laanjeer Dhe Miisaanka culus gaariyaa, meel inoo dhigaye Murtidii hadraawaa iyana, maaxan abidkeede *************** Hayeeshee marxaladay lahayd, miiganaa dilaye Niman wada Mutaxan oo hadeer, Miciyo Jiiroobey Oo Miinka iyo jiinka aan, meel u kala saarin Oo aan milgihi ay lahayd, meela ka asiibin Ama uu murqaanuunkuba, tusaa Maansadii dilaye Allow yaa Micnihi ay lahayd, Mooshin ugu keena Oo macalimiintii markale Miis, isugu geeya *************** Afartaa Macdaarkii Murtida, Midhihi Laanjeer Dhe Miisaanka Culus Gaariyaa, Meel Inoo Dhigaye Murtidii Hadraawaa Iyana, Maaxan Abidkeede **************** Mabda,ii Salaan iyo Hadaan, Maxamed Soo Qaato Maansooyinkii Guba Hadaan, Meeris Qudha Eego Mafaatiixda Nimankii Hayiyo, Mudanihii Qaaje Midhii Faarax Nuur iyo Hadaan, Mire Idiin Sheego Ama aan Magaynihi Xaleef, Marag U Soo Taago Madfacii Gamuutiyo Anaan, Madaxyaweyn Raadin Maxamuud Saleebaan Nin Ogi, Ima Maleeyeene *************** Afartaa Macdaarkii Murtida, Midhihi Laanjeer Dhe Miisaanka Culus Gaariyaa, Meel Inoo Dhigaye Murtidii Hadraawaa Iyana, Maaxan Abidkeede ************** Macaankeedi Waayadan Ma Tirin, Muhindisiintiiye Musuq aanla arag baa ku dhacay, magaca suugaane Mooryaan derderan baa xarfihi, moodyar dhaafsadaye Mugdi bay ku feenteen Tixihi, Maalin Gelinkeede Maqaarkayka Siibeen Intay, Milicda Saareene Maydkeedi Nimanbaa Huwadey, Magan Ilaahaye Moqor Bayku Aaseen God,aan, Maagyar Loo deyine *************** Afartaa Macdaarkii Murtida, Midhihi Laanjeer Dhe Miisaanka Culus Gaariyaa, Meel Inoo Dhigaye Murtidii Hadraawaa Iyana, Maaxan Abidkeede ************** Waxbase Yaan Is Murugayne Waa, Iman Minkeediiye Mooraalku Yuu Iga Xumaan, Mahad Ilaaheene Macaankeeda Nimankii Lahaa, Mowd Allaa Dilaye Mededaalo iyo Beenta, Waa Maaxda Soo Gudhiye Marse Hadaan Majaraha U Hayo, oo Mowle Igu Beeray Miishaar Afliyo Baan U Xidhan, Maare Faransiise Meded Keedi Iyo Baan Ku Celin, Meheradeedii, ************** Afartaa Macdaarkii Murtida, Midhihi Laanjeer Dhe Miisaanka Culus Gaariyaa, Meel Inoo Dhigaye Murtidii Hadraawaa Iyana, Maaxan Abidkeede ************** Dar Horaa Mulkiga Sheegtayiyo, Meehanow badane Ama yidhi Anaa Maansadii, Mood yar Dhaafsadaye Inkastay Martabaduu Lahaa, Meel U Socon Weydey Maqaalkii Wadaadkiyo Markii, Malafti loo Geeyey Ee Uu Milicsi Daymada indhaha, Kor Ugu Meeraystay Midhna Inaanu Mudan Bay Tuseen, Maali Gelinkeede Waxka Mida Wadaadkii MULO, Ee aydin Maqasheene ************** Afartaa Macdaarkii Murtida, Midhihi Laanjeer Dhe Miisaanka Culus Gaariyaa, Meel Inoo Dhigaye Murtidii Hadraawaa Iyana, Maaxan Abidkeede *************** Waxba Yaan Ismaandhaafka Iyo, Muranku Dheeraane Oo Aanan Maansada Ku Celin, Meelan Loo Wadine Ama Aan U Meel Dayo Halkay, Ugu Mug Weyneyde Miyir Doorsan Baan Aragnay Iyo, Maayad Xoog badane Inkastaan Majaraha U Hayoo, Midig Ku Meermeersho Misna Waa Mindiyo Dhiiran iyo, Marin Habow Jaane Milgaheeda Nimankii Yiqiin, Madhax Haloo Reebo *************** Afartaa Macdaarkii Murtida, Midhihi Laanjeer Dhe Miisaanka Culus Gaariyaa, Meel Inoo Dhigaye Murtidii Hadraawaa Iyana, Maaxan Abidkeede **************** waa murtidii abwaan ( haybe ) 2013,
Posted on: Fri, 28 Jun 2013 13:25:38 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015