Gabar Qadra magaceeda ku soo gaabisay ayaa sidan igu tiri: Waxaan - TopicsExpress



          

Gabar Qadra magaceeda ku soo gaabisay ayaa sidan igu tiri: Waxaan ahaa gabar mudo badan jirkeeda ka ganacsanaysay,Qaadka cunta,balwado kalana leh,Laakiin qalbigayga habeenkii markii la agaaro waan ka shalaayaa,waxaanan is iraahdaa mar dambe ha u noqon hadana meeshayda ayaan ka billaabaa,,Hada waxaan marayaa xaalad quus ah,,waxaa iigu sii daran dadka wadaadada ah ee xaafada nala dagan waxay ii badalaan wajiga marka ay wadada igu arkaan,waxayna ii lacnadaan si aan sheydaanka xitaa loo lacnadin,Waxaan isku arkaa qof ahlu naar ah,,Dariska ayaa ka daran sida ay ii colaadiyaan,,Hadda waxaan maraya xaalad ay caruurtu i caayaan oo i yiraahdaan Dhillo Xaladaydu way ka sii dartay oo waxaanba is iri "Weysaba Kuuma dhawrna"Waxaan ku iri"Ma ogtahay Ilaahaadu inuu yahay mid naxariis badan?" Waxay tiri"Laakiin inuu i cafinayo Uma malaynayo"Waxaanan door Biday Inaan Xadiiskan U Akhriyo. 17. Abuu Hureyra(A.K.R.) wuxuu yiri: Rasuulkii(S.C.W.) wuxuu yiri: " Alle waa ka toobad aqbalaa addoomahiisa inta aysan qorraxdu bugux (galbeed) ka soo bixin (maalinta qiyaame)." (Muslim) Gabadhii waxay tiri"Xadiiskan ma diinteenuu ku jiraa?"WAXAAN Iri"Haa ee dadku waxay door bideen inay Fakarkooda wax ku xukumaan", Waxaan filayaa gabadhaas inay dadku wareeriyeen illaa ay ku sigatay inay isku qalado dhaqanka foosha xun ee soomaalida iyo naxariista islaamka.
Posted on: Sun, 06 Oct 2013 03:01:19 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015