Gabar Soomaaliyeed oo loo qariyey in ay qabto Cudurka kansar iyo - TopicsExpress



          

Gabar Soomaaliyeed oo loo qariyey in ay qabto Cudurka kansar iyo Gabdhaas oo ka hadlaysa Dhacdada!!(Daawo Muuqaal+Warbixin) Gabar Soomaaliyeed oo ku nool dalka Canada ayaa waxaa la sheegay inay soo wajahdauy nolosheeda qatar iyo halis baaxad weyn ka dib markii dhaqaatiirta dalka Canada ay ka been shegeen caafimaadka gabadhaas. Daawo Muuqaal ahaan Warbaahinta Dhalka Canada oo ka Hadlaysa Dhacdada Gabadhaan Soomaalida ah oo lagu magacaabo Hoodo Rafle oo 28 sano jir ah kuna nool magaalada Toronto ee dalka Canada ayaa waxaa la sheegay in bishii Maarso ee sanadkaan ay xarunta caafimaadka ee Trillium Health ay ku martey baaritaan caafimaad iyadoona la saarey Scan, baaritaankaas ka dib ayaa waxaa haweeneydaas Soomaaliyeed loo sheegay inay caafimaad qabto xilli ay haweeneydaas Soomaaliyeed ay xanuunsaneyd islamarkaana uu raajadeedu ay ka muuqatey inay qabto cudurka kansarka laakiin uu dhaqtarkii aqriyey raajadaas uusan si taxadar leh u aqrin arintaas oo keentay inay haweeneydaas Soomaaliyeed uu jirkeedii ku faafo kansarkaas oo markii hore ahaa mid yar islamarkaaana uu qatar weyn ku noqdo nolosheeda, Haweeneydaas Soomaalida ayaa 6 bilood ka dib koontroolkeedii koowaad oo ay mar kale sameysay baaritaan caafimaad ka dib markii ay xanuun badan ay dareentay ayaa waxaa loo sheegay inay qabto cudurka kansarka. Ugu dambeyntiina iyadoo ay hada gabadhaas Soomaaliyeed ay dagaal kula jirto iska daaweynta kansarkaas ayaa waxay sheegtay inay aad iyo aad ay uga xumaatey waxa soo gaarey iyadoona intaas raacisay inay xaaladeeda caafimaad ay sidaan ka roonaan lahayd haddii dhaqtarkii aqriyey raajadeeda uu gudan lahaa howshiisa maadaama ay raajadaas ka muuqatey inay qabto cudurkaas kansarka, mudadii bilooyinka ahayd ee aan waxba laga qaban kansarkaas oo markii hore ahaa wax yar oo ka muuqday agagaarka wadnaha haweeneydaas ayaa waxaa uu ku faafay ilaa iyo sambabadeeda arintaas oo keentay inuu gaaro heer qatar ah, dhaqtarkii ku guuldareystey kuna fashilmay wax ka qabashada caafimaadka haweeneydaas Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Dr. Ivo Slezic oo ah dhaqtar wax ku soo bartey dalka Croatia islamarkaana ka shaqeynaayey mudo ka badan ilaa iyo 33 sano isbitaalkaas ayaa shaqada ka fadhiistey, Maamulka isbitaaladaas ayaa waxaa uu shaaciyey in dib loo eegi doono in ka badan ilaa iyo 3,500 oo raajo ah oo la qaaday mudadii u dhexeysay April 2012 iyo March ee sanadkaan 2013 si loo xaqiijiyo inuusan dhicin qalad la mid ah kan qabsaday haweeneydaas Soomaaliyeed ee laga been sheegay cudurka ay qabtey.
Posted on: Mon, 23 Sep 2013 10:43:32 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015