Guurkii Beenta ahaa 2-aad. Xalay waxay inoo joogtay iyadoo - TopicsExpress



          

Guurkii Beenta ahaa 2-aad. Xalay waxay inoo joogtay iyadoo Caruus naga codsaday inaan si adag uga shaqeyno Arooskiisa, waa leysku leeyahaye anaguna aan aqbalnay, kuna faraxsannahay in saaxiibkeen guursado. Waqti la tiriyey waad iska garaneysaaye waxaa hoosta naga soo galay xiligii la sugayey ee uu saaxiibkeen noo sheegay inuu guursanayo, weli nooma muuqdo qof guursan raba arrimahaan awgood:- 1-Ninku culeys ma saarna. 2-Qaabka uu wax u rabo iyo sida howshu u dhaceyso nooma sheegin. 3-Marka lagu soo qaado in waqtigii dhow yahay wuxuu ku gaabsadaa in wax walba hagaagayaan, Oo waa yaabe ma waxbaa iska hagaaga haddaan laga shaqeyn? Arrimahaas iyo kuwo kale oo aan ka gaabsanayo waxay ahaayeen wax shaki nagu abuurayey, laakiin wax walba waxaan isaga deysanay ninkii wada shaqeynta naga codsaday ee howshuna tiisa aheyd ayaan ka warsugeynaa laakiin annagu weli diyaar ayaan u nahay inaan saaxiibkeen kala shaqeyno dhismaha reerkiisa. Mar xiligii uu Caruus qabsaday ay 5 habeen ka dhimman tahay, ayaa mid ka mid ah saaxiibadeen, waxa uu Caruus weydiiyey suaalahan:- 1-Gabadha aad guursaneyso ma imaaneysaa, mise iyadoo maqan baa la mehrinayaa? 2-Xiligii aad Arooska u asteysay 5 habeen baa ka haraye xaggee ka dhacayaa aroosku, guri mise hoolalka aroosyada lagu dhigto? 3-Kharashkii aad xafladda ku dhigan laheyd makuu diyaarsan yahay? Suaalahaas iyo kuwa kale oo howsha la xiriira ayaa ninkii Caruus ahaa la weydiiyey, wuxuuna ku jawaabay in gabadhu iyadoo maqan la mehrinayo, qadada iyo meherkuna lagu qabanayo hoolka Bangani ee magaalada Nairobi, maalinta berri ahna la guda galayo qaban qaabada. waa lagu qancay jawaabihiisa, balse markii la gaaray maalintii xigtay, ayuu Caruus wuxuu yiri Meherkii iyo xoolo qalkii waxay ka dhacayaan Muqdisho, halkaasoo ay joogaan gabadha waalidkeed, isna uu wakiishay walaalkiis oo Xamar jooga, halkaasna loo weeciyey, saaxiibadiisna uu uga mahad celinayo u heelanaantooda, laakiin iyagoo dhan maalintaas ay si fiican u wada qadeyn doonaan, iskuna raaci doonaan meelaha lagu dalxiiso ee magaalada Nairobi. Waxaa la gaaray maalintii ballanta, Caruus iyo 6 deenii kale waxaan qaadanay laba Taxi, waxaan sii marnay Town ka oo aan ka sii qadeynay, waxaan sii aadnay halkii uu saaxiibkeen ugu talagalay inaan ku soo dalxiisno, waxay aheyd maalin farxad leh, Caruusna aad ayuu u faraxsanaa, anaguna waan la faraxsaneyn saaxiibkeen, wuxuuna noo sheegay in Muqdisho laga soo wacay, uuna dhacay Meherkii, wixii hadda ka dambeeyana uu yahay Xaasle Riyadiisiina u rumowday, gabadhuna u imaaneyso bil ka dib markaasna saaxiibadiis uu bari doono Dumaashidood. Inkastoo aanan shaqeyneyn haddana waxaa naga dhacay Kar, maadaama saaxiibkeen Caruus uu Faraxsan yahay oo sida uu noo sheegay gabadhii loo Mehriyey, ileen annagu goob-joog kama nihin meesha Meherku ka dhacayee, dabcan idinkana waad faraxdeen maadaama Meher naloo wada sheegay. Soomaalidu waxay tiraahdaa Aroos laguma raago lagamana raagee caawa aan Caruus uga tagno Farxaddiisa, walow ay ku kaligiis tahay, waana inoo qeybta dambe ee Qormadeena, taasoo aan filayo inay noqoneyso tan ugu dambeysa ee nuxurka sheekada aan ugu tagi doono.Mahadsanidiin. Nabadeey.
Posted on: Mon, 21 Oct 2013 20:05:17 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015