HESHIISKI ADIS-ABABA IYO AAYAHA JUBBA STATE. Waxaa ii muqday in uu - TopicsExpress



          

HESHIISKI ADIS-ABABA IYO AAYAHA JUBBA STATE. Waxaa ii muqday in uu jiro jahawareer uu abuuray heshiiskii Adis ababa ee Maamulka Jubba State iyo DFS. Sidookale in badan oo kamid ah shabakadaha sida bowsiga ah wax uga qoro arimaha Somaalida ayaa siyaabo kala duwan fasiraad uga baxshay ama si khaldan uturjumay heshiiska, gabi ahaanba ama qodoba kamid ah. Marka 1aad waxaan bulshada ku boorinayaa in ay aqriyaan dastuurka dowlad goboleedka Jubba ee hore u ansixiyeen ergadii shirka Kismaayo si aad ufahanto qodobada heshiiska ee ka hor imanayo dastuurkaas iyo kuwa aan ka hor imanayn. Marka 2aad waxaan donayaa in aan cadeeyo in ujeedka loo askumay DG Jubba usan ahayn in ay ka go’do Somalia. Ujeedka waxuu ahaa in ey noqoto maamul hoos imanaya DFS, ahna xubin kamid ah unugyada federaalka ee Somalia. Qoraalkan waxaan ula danleeyahay inaan kumuujiyo sida heshiiskii Adis-Ababa uu jawaab ugu yahay himiladii shucuubta Jubbaland, gaar ahaan, iyo Soomaaliya, guud ahaan. Waxaa kale oon qeexi doonaa qodobada eey qola kast katanaasuleen. Waxaan kacudurdaaranaya in aanay ujedadayda ahayn in aan qodobada kusameeyo turjumid toos ah ee an ujeedada ka abaaro. Waayo hore ayaa loo turjumay qodobada. Marka laga soo tagoo araaraha iyo gogoldhiga, heshiiska waxuu kubilaabanayaa qodobada kusaabsan arimaha maamulka kumeel gaarka ah. Waxaa mudan in laxuso in heshiiska rasmiga ah uu kuqoranyahay English. Hadii uu xaalka sidaas yahay, waxaa muhiim ah in lamicneeyo erayga “administration” si aan iskula fahano erayga. Hadii eray ahaan loo micneeyo waxaa uu “Administration” noqonayaa, “the process or activity of running a business, institutions, etc” ama hadi afsomaali loo fasiro “ habsami uwadida howlaha shaqo ee ey leedahay hay’ad(mid dowli ah ama mid kale) iyo wixi lamid ah. Hadii aan ka eegno dhanka siyaasada waxaa uu “Administration ” noqonayaa, “is overall determination of policies, setting of major objectives, the identification of general purposes and laying down of broad programmes and projects”. Hadii an Somaaliyeeyno waxu noqonayaa “ Go’aan kagaaridda guud ee howlaha siyaasadeed, jaangoynta ujeedooyin waaweyn, bartilmaameynta danaha guud iyo sal- udhigga barnaamijyo iyo mashaaiic. Hadaan soo koobo ujeedka waa cida howsha kacanta ugu jirto, cidkastana ku extiraameyso goaan qadashada ugu dambeyso. War iyo dhamantii, qodobada aan udaadago’ 1. Waxuu xusayaa maamulka waa kumeel gaar. Qodobkan waxaa hore uhaystay Jubbaland, dowladuna way kuwaafaqday. Dastruurk Jubbaland waxuu qorayaa sidatan “A transitional state government is hereby established, founded on the will of the people of the regions of Gedo, Middle Juba and Lower Juba. The transitional state government of Jubaland also refers to the state government of Jubaland”. Labada eray ee “transition” iyo “interim” labaduba waa kemeel gaar. Qodobkan waxuu muujinayaa raadka tansulka DFS. 2. Muddada mammulkan hada jira waa 2 sano. Sharciga Jubbaland waxuu qabaa mudada in ey tahay 3 sano. Halkan Jubbaland ayaa tanasul hal dhibic ah sameyay. Dastuurka Jubbaland waxuu qorayaa sidatan: “The term of the interim Parliament shall be three (3) years from the day the members are sworn in”. “The President shall hold office for: a) a term of three years for the transitional period”. Qodobkan waxuu muujinayaa raadka tanasulka DGJ. 3. Labada dhinac si wada tashi kudhisan ayey kudhameystirayaan maamulka. Arinkan wax badan ayaan maqallay masuuliyinta Jubbaland ayago kacodsanayo dowlada iney timaado goobta si eey maamulka wax uga dhameystirta laakin caga jiid badan ayay sameysay. Halkan waxaa tanuusul sameyay DFS. Waxaa mudan in laxuso in dastuurka Jubbaland uusan kahadlin doorka dowlda federalka ah ey kuleedahay dhameystirka inkastoo chapter- ka 3aad ee dastuurka Jubbaland uu qeexayo in dowlada federaalka ah iyo Jubbaland eey hoowla badan dib uga wada xaajoon doonaan, markuu waqtiga saamaxo. Hase ahaate waxaad moodaa in labada dhinac eey isu tanaasuleen halkan, hadeysan DFS tanaasulin si gooni ah. 4. Maamulka waxuu yelanayaa gole howl fulinneed iyo mid sharci dejin. Hadii sikale loo dhigo waa gole wasiiro iyo kuwa baarlamaan. Qodobkan waxuu wafaqayaa dastuurka Jubbaland. Dastuurka Jubbaland waxuu qabaa sidatan: “The three arms of the state government are: 1. The Parliament. 2. The Executive 3. The Judiciary”. Waxaa heshiiska aan lagu xusin garsoorka, laakin hadiiba dowlda eysan dood kaqabin, Jubbaland-na horay u ansixisay, sabab loogu soo daro mabajirin. Qodobkan waxuu muujinayaa raadka tanasulka DFS. 5. Maamulka waxaa uu katalinayaa 3da gobol ee Gedo iyo labada Jubba. Hogaanka maamulka waa madaxa golaha fulinta. Qodobkan waxuu waafaqayaa dastuurka Jubbaland. Dastuurka Jubbaland waxuu qabaa sidatan “A transitional state government is hereby established, founded on the will of the people of the regions of Gedo, Middle Juba and Lower Juba”. Sidokale waxuu xajiniyaa madaxweynanimada Axmed Madobe. Waayo hogaanka golaha fulinta waxaa loogu yeera madaxweyne ama Raisalwasaare. Sidookale majiro eray mabnuucayo in Axmed Madobe loogu yeero Madaxweyne ama xitaa suaal kakeenayo si kaduwan sidii aan hore uga maqallay idaacadaha ayagu dhaleeceya Jubba State, kahor heshiiska intaan la sixiixin. Qodobkan waxuu muujinayaa raadka tanasulka DFS. 6. Hogaanka ugu sareeyo, waxuu yelanayaa sadex kuxigeeno. Qodobkan waxuu waafaqayaa dastuurka Jubbaland. Dastuurka Jubbaland waxuu qabaa in maamulka yeesho 3 Madaxweyne kuxigeen. 1 kamid ah sadexda waa Abdullahi Sh. Ismail, Farataag, waxaa un dhiman 2 kuxigeen. Qodobkan waxuu muujinayaa raadka tanasulka DFS. 7. Qodobkan waxuu lamid yahay qodobka 5aad ee aan kor ku falanqeeyay waxuuna wafaqayaa dastuurka Jubbaland. Laakin waxaa dheer in golaha wasiirada ama “executive council” uu soo magacaabayo Axmed Madobe ama Madaxweynaha Jubba. Dowlada waa in ey hubsato inaan cidna lafaquuqin. Qodobkan waxuu muujinayaa raadka tansulka DFS. 8. Golaha baarlamaanka waa in uu noqdo mid loo dhanyahay. Qodobkan waxa uu wafaqayaa dastuurka Jubbaland. Waxa keliya ee uu so kordhiyay ayaa ah in shuruucda eey sameeyaan barlamankan uusan noqon mid ka horyimaado dastuurka federalka ah, eyna hubsadaan mudanaayaasha barlamaanka federalka ah- waa hadii uu lid kuyahay dastuurka guud. Qodobkan waa raadka tanasulka DFS inkastoo Jubbaland eey tansul kasameysay qeybta ah in barlamaanka dhexe uu hubsado. 9. Qodobkan waxu muujinayaa in gudoomiyaha hada kakjira gobolka Gedo uu jirayo labada kalena uu soo magacaabayo Axmed Madobe. 3da gudomiye waxey hoostagayaan maamulka Jubba State. Qodobkan waa raadka tanasulka DFS. 10. Haayadaha Federaalka ah iyo adeegga guud oo ey kamid yihiin dekada iyo garoonka waa hanti eey leedahay ummada Somaaliyeed (yaa moog taasi?). Qodobkan cidna lama oran karo wey katanaasushay. 11. Dekedda iyo garoonka waa in looga faideysto si dan u ah ummada Somaliyeed ayadoo isla markaana DFS eey hormuud utahay nidaamka. Qodobkan cidna lama oran karo wey katanaasushay. 12. Lix bilood kadib ayeey dowlada lawaregeysaa maamulka dekedda iyo garoonka. Hasa ahaate maamulka waxaa loo so magacaabayaa si wadatashi ah. Tan micnaheedu waa in hadii Jubba State eysan ku qanacsaneyn dadka lamagacaabayo eey gaashaanka u daruuri karto ama aan lamagacaabi Karin cid eyna ogalayn. Qodobka waxuu kugu xirayaa 3da qodob ee kadambeeyo. Marka la eego nidaamka federalismka cidna lama oran kara weey katanaasushay qodabkan. 13. Dakhliga kasoo xarooda dekedda iyo garoonka waa in loo maamula si hufnaan kujirto. Qodobkan cidna lama oran karo wey katansushay. 14. Dakhliga kasoo xaroodo Dekedda iyo garoonka waxaa loo isticmaalaya dhisida haayadaha Jubba. Halkan waxaa kucad dakhliga kasoo baxa garoonka iyo dekedda waxaa iskaleh maamulka ileen cidkale oo Jubba State joogto oo wax dhisi may jirte. Suaashu waxay tahay, illa goorma ayuu xaalka sidan ahaanayaa? Jawaabta waxaa bixinayaa qodobka xiga. 15. Xaalku waxuu sidan ahaanayaa ilaa heshiis qaran oo kama dambeys ah oo sida gobollada iyo dowlada dhexe wax uqeybsanayaan laga gaarayo. Howshaas waxey utaalaa ama quseysaa min Rascasayr illa Raskambooni, waxayna saameyn dhamaan dekkedaha wadanka. Illa arinkaas heshiis laga gaarayo, dhakhliga dekedda iyo garoonka Kismaayo waxaa iskaleh maamulka iyo Shacabka Jubba State. 16. 17.18.19 . Afarta qodob ee ciidamada kussabsan waan iskuqabtay waayo waa un hal qodob oo lakala googoyay. Ciidamada waxaa looyili hal hogaan ama talis oo ah SNA amd ciidmada qaranka Soomaaliya. Halkan waxaa kacad cidaanka dowlda Somaliya waxay ogaaltay in eey ciidankan yihiin ciidan qaran. Weli saldhigooda waa un Jubba State oo meelna looma wado. Hasa ahaate waxeey ka amar qaadanayaan taliska dowlda dhexe. Police-ka waxaa uu hoos imanayaa Maamulka Jubba State. Halkaa waxaa kasoo baxayo suaal ah, DFS oo maalmo kahor dagaal kusoo qaaday Maamulkan malagu aamini karaa ciidanki eey dgaalka kula jirtay? Jawaabtu waxey tahay gudi farsamo ayaa loo saari doonaa oo kasoo shaqeeyo arinkaas qaabka iyo goorta. Qodobkaas waa mid aad xasaasi u ah. Waxaa kalo jirta in muddo cayiman oo arinkaas loo qabtay eeysan jirin. Dowlda ayaa laga doonayaa in ey muhiimad siiso Jubba State si shabaabka dabaqadaa hoose ah loogu soo dabaalo noolal caadi. Tolow, yaa shabaabka udoodayay markii uu gorgortanka socday? Qodobadan cidna lama hihi kara weey katanasushay laakin waxaad moodaa in dad badan oo reer Jubbaland ah eey u arkaan in maamulka dabin loo dhigayo oo ladamacsanyahay in ciidanka laga faramaroojiyo, kadibna dhabarka loo jeediiyo ama ugu yaraan ciidama gobolla kale laga keenay lasoo geliyo si colaad horleh loo abuuro. 20, 21, 22, 23. Qodobka hore ujeedadiisa waa in xertii Xassan Sheikh ee waa hore beenta loo sheegay hada loosheego in khiyaaligi dhamaaday. Waa in Axmed madobe layiraahdo bal mar un iga gudoon kuwan. Shirka Kismaayo ujeedkiisu waa in xertaas Kismaayo lakeeno loona sheego in uu roob da’ay inteey ceelelyada xumi kumaaqnaayeen. Dowlada Eithopia ayaa kormereyso labada qole illen iyaga waxba laguma halayn karee. Gunaanad Isku celcelis waxaa cad in himiladii shacabka reer Jubbaland ee ahaa in maamul goboleed hoos imaanyo dowlada dhexe oo kakooban 3da gobol ey aqbashay DFS iyo si lamid ah sida Bulshada Caalamka. Waxaa kale oo cad in dadaalki iyo shirki Kismaayo University kasocday uu miro dhalay. Shacabka iyo Mamulka Jubba State waxaa lagudboon in eey hore ugu tilaabsadaan xaqiijinta rabitaankooda. Waxaa dhiman howsha in badan oo kamid ah. Cadwaga aad ayuu ubadanyahay, DFS heshiiskan caalamka ayaa kuqasbay ee rabitaankeeda kuma imaan. Waxaa loo baahnayahay in eey kadigtoonaadaan arinka kusaabsan cidamada iyo magacaabista shaqsiyaadka maamulaya dekedda. Waxaa kaloo muhiim ah in si taxadar leh eey isha ugu hayaan dhaqdhaqaaq kasta oo lagu doonayo in lagu hagardaameeyo jiritaankooda. Waxaa jiri doona dad badan oo iskudayi doona in ey caqabad kunoqdaan jiritaanka shacabka Jubba State iyaga oo kugabanayo magaca DFS. Waxaa loobaahanyahay labada sana ee soosocota in xooga lasaaro qodobadan; a. In lawadaxoreeyo dhamaan degmooyinka DG-ka. b. In ladhiso hayadaha dowliga. c. In lasoo celiya qaxootiga xeryaha Dadaab. d. In waxbarashada, biyaha iyo caafimaad la asaaso ayadoo lakaalmeysanaya caalamka iyo deriska. e. In qurba joogta iyo ganacsatada maalgashtaan deegaanka. f. In loo diyaar garoobo wajiga labaad ee maamul goboleedka. g. In shucuubta deeganka laisku soo dhaweeyo, lana abuuro muwaadinimo kusalaysan deegaan ee aan ahayn mid qabiili.ah. h. Iyo DFS lasiyo wixi ey xaq uleedahay lagan raadsado waxii lagu leeyahay. By xidiig ogle
Posted on: Sun, 01 Sep 2013 04:36:30 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015