Habka Boqrida Ugaas Iyo Jidka Loo Maro Ugaas Noqoshada Beesha - TopicsExpress



          

Habka Boqrida Ugaas Iyo Jidka Loo Maro Ugaas Noqoshada Beesha Ciisaha. Marka la qabto ugaaska ee la wareejiyo laguna duceeyo ayaa reerkii uu ka dhashay lagu soo celinaya, loona sheegayaa in ay ka ilaaliyaan baylahda mudada laga maqan yahay oo karaa madiisa la tijaabinayo. Mudadaasi waa mid la tijaabinayo saamaynta ugaasku ku leeyahay roobka ama barwaaqada, colaada iyo abaaraha waxana lagu amrayaa in aanu timaha iska jarin ka hor socdaalka caleemo saarka boqrida ee lagu tagi doono Saylac. Saylac baa timaha lagaga jari iyadoo loogu maydhi doono biyo Xareeda, boqrida Ugaaska Ciisuhu maaha arrin sahlan. Waa mid loo maro jid dheer oo nidaamyo iyo qorshe ugaar ah leh. Reerkii uu ugaasku ka dhashay ayaa la weydiisanayaa amaanadii loo dhiibtey Ugaaska waa la lugeysiin oo waxa la marin doo naa dhamaanba galinada Ciisaha, arrintaasi oo looga dan leeyahay in uu Ugaasku barto dhamaanba deegaanka beesha Ciisuhu dagto, iyo in uu ku duceeyo socdaalkaasi barakaysan. Socdaalkani waa mid astaamo iyo calaamado gaar ah leh Ugaasku waxa uu booqan doonaa goobaha taariikheed ee Ciisaha gaarka u ah, sida qabuuraha odayadii laga soo tafiirmay maqaamyada muhiimka ah iyo 12-ka Dixood ama Geed ee Xeerka Ciisaha ku qeexan. Dix walba ama galin walba oo uu Ugaasku booqdo waxa loogu soo dhaweyn doonaa si diiran oo heer sare ah. Waa loo ciyaari doonaa waxana la ururin doonaa Sabeentii uu Ugaasku Xeerka u lahaa. Marka ay socdaalka barashada deegaanka Ciisaha ay u soo gabo gabowdo Ugaaska, waxa la galin doonaa socdaalkii boqrida Ugaaska ee lagu tagayay Saylac. Goobaha la sii marayo ama lamari jirey waxa ka mid ah Habaqo, Geel Case, ama Siti, Biyo Qaboobe, Biyo Baxay, Meeta, Ugaas lagu boqor, Xasan Gadiidshe, Ashkir Xagaa, Salel, Biyo Cando, Toqoshi, iyo magaalada xarunta Caleemo Saarka Ugaasku ka dhacayo ee Saylac. Waxa hubaal ah in 12 kii dixood ay ku soo biireen kuwo kale oo la nabadeeyay ama ka dheer meel uu cadaw ka soo weerari karo Ciisaha. Waxayna tahay ama lagama maarmaan ah in laqaban qaabin doono socdaal kale oo uu ku soo maro dhamaanba deegaanka xeerka Ciisaha ku soo biiray waxana kamida kuwaasi danbe Lalibala, Caydoora, Casbuli, Dhagarey, Gablalu, Dahawi, Cundhufo, Cadaytu,Karaaba,Cali Jiir,Afcase, Butuji, Geed Ugaas iyo Jamhuuriyada Djibouti. Boqrida Ugaasku waxa ay ka dhici doontaa Saylac oo caado soo jireena u ah beesha Ciise. Waxa lagu soo dhaweyn doonaa Ugaaska ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka oo halkaas waxa laga muujin doonaa farxad gaar ah, habeenkaas ayaa Ugaaska waxa la barin doonaa magaalada Saylac. Maalinta labaad ciyaarihii iyo fantasiyihii Ugaasku way sii socon doonaan hase ahaatee salaada Duhur dabadeed, waxa Ugaaska laga xiiri timaha oo waxa ka xiiraya siday caadadu ahayd nin Sacad Muuse ah oo reer Makaahiil ka sii ah. Dabadeed waxa Ugaaska la gayn Maqaamka Ibraahin Saylici, halkaas oo xaflada boqrida Ugaasku ka dhici doonto. Waxa halkaas ka dhici duco weyn. Maro 9 waar ah ayaa Ugaaska lagu duubi iyada oo laga dhawrayo in ay taabato dhulka isla markaana ay ducadu hareer socoto. Marka ducadaasi dheeri dhamaato waxa Ugaaska lagayn biyaha xeebta bada cas ee Saylac waxuu ku maydhan biyaha bada, Ugaaska waxa loo xidhi dhar cusub waxana loo dhiibi cimaamad. Waxa cimaamada u dhiibi nin kasoo jeeda qoyska Ugaaska oo Wardiiq ah oo reer Yeesif reer Geedi Cali ah. Ugaasku cimaamada ayuu xidhan wuxuuna sidaasi ku noqon doonaa Ugaaskii 19-aad ee taariikhda Ugaasyada Beesha Ciise soo mara. Soo Laabadka Ugaaska Safarka soo guryo noqoshada ama soo laabadka Ugaaska waxa loogu horeysiin in lagu marti galiyo reer Sacad Muuse, reer Guulane, reer Axamed ah. Waxa loo lisi hasha “GODO” reerka labaadi wuxuu noqon reer Dhabac reer Siciid ah waxana loo lisi saca “LEEFA” reerka saddexaad waxa la sheegaa in uu yahay Walaaldoon reer Kote iyo Wardiiq reer Yeesif, reer Sarardoon ah. Waxayna u lisayaan laxda “DHARO” socdaalka soo noqoshada Ugaaska iyo goobaha la soo marin doono waa mid odayada galbinaya Ugaaska ay go’aan ka gaadhi doonaan sidoo kale meesha ama goobta xarunta looga dhigi Ugaaska waa arin odayada u taal in kastoo ay noqoni meel badhtame ah. Marka Saylac laga soo baxo waxaa la soo mari Ceel Gaal, Salal, halkaas ayaa laga bilaabi ururinta sabeenta “Badhicade” iyo ciyaaro dhaqameed aan kala joogsi lahayn. Xoolaha Ugaaska loo ururiyo waxa loo dhiibaa reerka Fuurlabe. Waxa laga soo noqon jirey Salal, Biyo Qaboobe, Biyo Caanood, Biyo Baxay. Xoolaha la ururiyo qaar waa lagu sadqayn, inta hadheyna Ugaaska ayaa lagu dajin oo reer loogu dhisi. Guurka Ugaaska Ugaaska waxa loo dhisi doonaa soo laabashada socdaalkiisa kadib. Waxa loo guurin doonaa gabadh Yoonis Muuse ah, oo reer Geedi ah. Waxaa loo dhisi sida dhaqanku yahay gabadh bilicsan xilkas ah oo quruxley ah, - Waxa la Bari @ XEERKA CIISAHA @ TAARIIKHDA CIISAHA @ XIDHIIDHKA CIISAHA IYO DARISKIISA @ DHAQANKA IYO ABTIRSIIMAHA CIISAHA @ DEEGAANKA CIISAHA IYO MAQAAMYADA BARAKAYSAN Xilka Qaadista Ugaaska ü Xilka qaadista Ugaasku waxay dhacdaa marka khayrkii laga filaayay Ugaaska waayo. ü Hadii deegaanka Ciisuhu yaalo soo food saarto abaaro isdabjoog ah, roobab xad dhaaf ah iyo cuduro lagu hoobto (wiiqmo). ü Sidoo kale marka nabada Ugaasku wax ka qaban waayo ee khilaafaadku bato mid doceed iyo mid dibadeedba ayaa la weydiistaa xilka qaadista Ugaaska. ü Gudi odayaal ah oo ka kooban dixaha Ciisuhu ku noolyahay ayaa gorfaysa arinta xilka qaadista Ugaaska Beesha Ciise. ü Hadii laysku af garto, waxaa lagu amri nin Wardiiq reer Yeesif, reer Geedi Cali ah (waa beesha uu Ugaasku ka soo jeedo) in uu ka tuuro cimaamada.
Posted on: Wed, 24 Jul 2013 22:04:11 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015