Hadalka faafay oo ah:qabiil lama diidayo ee qabyaalad baa la - TopicsExpress



          

Hadalka faafay oo ah:qabiil lama diidayo ee qabyaalad baa la diidaya,waa halqabsi ay caadaysteen dad dano gaar ahaaneed wata, waa halqabsi lagu afduubayo dadka caamoda ah,si loogu danaysto looguna sharciyeeyo in qabiilku yahay wax jira oo laysku garto laysku taakuleeyo,waa hadal lagu doonayo in guurkana laysku garab siiyo geeriduna laysku gurmado,laakiine waxaa daw ah diina ah in halqabsigaasi lagu beddalo,halkudhegga ah:waxa la diidayo waa qabiilka wax la doonayana waa islaamka,qabiilka iyo islaamkuna meel ma wada geli karaan,qofku waa in uu qabiiliste yahay oo uu qabiilku aaminsan yahay kuna abtirsada qabiilka ama waa in uu yahay muslim oo uu islaamku aaminsan yahay kuna abtirsada islaamka,labadaasi arrimoodna wax u dhexeeyo ma jiro. Akhrinta warbixintan kaddib waxaan rajeynaya in ay noo soo baxdo labadaas qodob middood,ama in uu qofku qabiiliste yahay oo aan islaamnimada shaqo ku lahayn ama in uu muslim yahay oo aan shaqo ku lahayn qabiilka. Erayga qabiil saddex meelood buu qur’aanku kaga xusan yahay,meel kastana macne u gaar ah ayuu leeyahay oo Alle ugu talogalay, suuradda Al-Israa’,aayad lambar 92 ayaa ku jirta qabiilan:ama nagaga soo rid samada sida aad ku andacootay goosimo iyadoo ah ama aad u keentid Allah iyo Malaa´ikta si caddaan ah,-meel kale waxaa ku xusan qabiiluhu oo ay ku jirto suuradda Al-Acraaf,aayad lambar 27,wuxuuna Rabbi yiri:wuu idin arkaya isaga (waa Shaydaankee) iyo ciidankiisa,wuxuuna Rabbi nooga digay Shaydaan iyo ciidankiisa in aan ka taxadarno,meesha kale waxay tahay aayadda tilmaamaysa shucuub iyo qabaa’il oo ay ku jirto suuradda Al-Xujuraat,aayad lambar 13,aayaddaasoo u baahan tafsiir dhab aha iyo sababta aayadda ay ku soo degaty,Allah subxaanahu watacaalaa wuxuu qur´aankiisa ku yiri: dadow, waxaan idinka abuuray,lab iyo dheddig,waxaana idinka yeellay shucuub iyo qabiilooyin si aad isugu garataan,ruuxase ugu sharaf badan oo ugu karaamo wanaagsan Rabbi agtiisa,waa qofka ugu dhawrsasho badan oo ugu taqwada fiican,Allahna wax walba waa ogyahay.
Posted on: Sun, 28 Jul 2013 11:54:02 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015