Haddaad Amxaar Dalka Keento Nin Ka Damqaayaa Dalka Joogee, - TopicsExpress



          

Haddaad Amxaar Dalka Keento Nin Ka Damqaayaa Dalka Joogee, Soomaali Waa magaceeyga , Muslim Waa asalkeey. Ama soor ha ku Siiyo, Ama Sariirta u Jiifo ,Suntow Zanaawi Soomaali u Ku Beeray Rabigeey Ma rumeeyo.waxaan qoray qormadaan 2005-02-08 cinwaan waxaan uga dhigay Suntow Zanaawi Sameeyay Nin Safar ahaa Sida Maanta ( C/aahi Yusuf ). Geedi Waxaa uu Noqday Call-Box marka aad fiiriso dhaqdhaqaaqa Siyaasadeed ee uu bilaabay marki Madaxweeyne Xassan Sh Maxud ka biyo diiday maamul ku sheega Jubbaland sida loo unkay iyo caddaalaxumida ka dhexmuuqata maamulkaa. Waxaad moodaa in uu yahay Nin wadaa barnaamijikii gumeeysi doonka ahaa ee Ethiopia Caasimada Muqdisho 2007 xiligii uu ahaa R/wasaare ugu horeeyay ee 2004 kii dalkiisa iyo dadkiisa ku soo hogaamiyo gumeeysigii madoobaa ee cadowga Somali Ethiopia. Xaflad uu ku taageeraayay Maamulka Jubbaland laguna qabtay Kenya waxaad ka dhandhansan kartaa in uu yahay nin jecel dib u soo celinta dagaalkii sokeeye markii uu lahaa dowlada waxeey Hotel-Ramadaan ka ururisay dhalinyaro taas oo macnaheeda yahay kicinta reerka iska leh Hotel-Ramadaan oo ah reerkiisa, sow lama dhihi karo waa abaabul dagaal qaswade xamar u diidan nabada, sow lama dhihi karo waa Call –Box sabbabta oo ah waxaa uu la jaanqaaday xiligii hore ragii Pro-Ethiopian ahaa oo gumeeysiga Ethiopia la soo galbinayay 2007 ilaa iyo Kismaayo runtiina gumaadkii ugu xumaa ka geeystay Caasimada Muqdisho. Xaflada Geedi ka qudbeeyay waxaa soo abaabulay Rag Ganacsado ah oo ka soo jeeda Jubbaland bud-dhigna u ahaa hab-dhiskii Jubbaland sida Cumar C/rashiid iwm oo hada ah Pro-Kenya iyada oo la ogayahay in uu r/waasre Somali u soo noqday, Allow xishoodka hanaga qaadin. Dalkan waxuu soo maray iskaashato ujeedobadan rag loo bixiyay kuwaas oo taariikho kala duwan soo maray, haddii aad dib u fiiriso xiligii gumeeysiga Talyaaniga waxaa jiray rag lagu magaacbi-jiray Pro-Italian kuwaas oo diidanaa in dalka uu ka xoroobo gumeeysiga Talyaaniga.
Posted on: Fri, 16 Aug 2013 13:05:00 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015