JAALIYADDA OHIO OO MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA FEDERAALKA SI HEER - TopicsExpress



          

JAALIYADDA OHIO OO MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA FEDERAALKA SI HEER SARE AH U SOO DHAWEYSAY Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigii uu hogaaminayay ayaa waxaa ay ka soo dageen caasimadda gobolka Ohio ee Columbus, halkaas oo si heer sare ah loogu soo dhaweeyay. Madaxweynaha ayaa kulamo la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Ohio kana qeyb galay xaflad balaaran oo lagu soo dhaweynayay. Safarkan ayaa Madaxweynaha waxaa ku wehliyo Raisul Wasaare ku Xigeenka ahna Wasiika Arimaha Dibadda Marwo Fowzia Yusuf Xaaji Adam, Wasiirka Maaliyadda Maxamud Xassan Suleymaan,Wasiirul Dowlaha Madaxtooyadda Mudane Faarax Sh. Cabdulqaadir, Safiirka U fadhiya Qaramada Midoobay Soomaaliya Dr. Elmi Dualle. Madaxweyne Xassan Sh. Maxamuud ayaa mar uu jaaliyadda la hadlayay wuxuu yiri “Waxaan ku fikirnay in maskaxda Soomaalida la kulmiyo oo aqoonyahanada iyo waxgaradka oo aan la tashano, taasna waxaa ka dhalatay in shirar laga sameeyo gudaha dalka Soomaaliya waxaana ugu horeeyey shirkii bib u eegista sharciga waxaana ka soo qeybgalay in ka badan ilaa 250qof. Waxayna bixiyeen in talooyin annaguna waxaan soo saarnay xeerka dibuhabayanta sharciga.” “Wadooyinka aan shalay marnay oo aan ku dhunay waa inaan mar kale aynan marin, waa inaan wado cusub qaadanaa oo Soomaaliya aan horay u wadnaa, waa inaan isku filnaanaa oo wada jir noqonaa.” “Dadka soomaalida waa inay talada wada gaaraan, hiigsiga nabaddana waa in qof walba uu masuuliyad iska saaraa, qof ay gooni u tahay ma jirto, waa arrin inaga wada dhaxaysa oo ina wada saaran.” Madaxweynaha ayaa waxaa kale uu yiri “Waxaan samaynay shir wadatashi oo aan ugu magacdarnay Hiigsiga Doorashooyinka ,2016Anagoo danaynayna inaan dib u jaleecin oo aan wax extension ah iyo waqti kororsi aanan samayn, waxaana go’aan ku gaarnay in doorashooyin ay dhacaam sanadka 2016ka. Soomaaliya oo degan oo nabad ah oo qof kastana uu isagoo xor ah uu qofkuu doono dooran karo.” Sidoo kale Madaxweynaha ayaa wuxuu sheegay “Shirkii wadatashiga ahaay waxaan isu keenay aqoonyahano iyo indheergarad Soomaali ah oo aan talada u dhiibnay waxayna noo soo gudbiyeen talooyin iyo qariirad lagu gaari karo sidii Doorasho Xor ah dalka looga samayn lahaa”. Ugu danbeyn Madaxweynaha ayaa maalinta beri ah kulamo la qaadan doonaa kulmi doonaa xubno ka tirsan dowladda Maraykanka, iyo Jaamacadda weyn ee The Ohio State University uu qudbad ka jeedin doono.
Posted on: Mon, 23 Sep 2013 12:35:21 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015