Jaamacadaha iyo Baahida Dadka iyo Dalka Haddaad maqasho - TopicsExpress



          

Jaamacadaha iyo Baahida Dadka iyo Dalka Haddaad maqasho “Somalia is a failed state” (Soomaaliya waa dawladd fashilmatay) ogoow macnaheedu waa jaamacadaheena ayaa fashilmay. Fashilkoodu waxaa ka mida in khuburo shisheeye la taliye u yihiin dawladda ; in shisheeye macalimiin u yihiin arday Soomaaliyeed, iyo in cilmi-baarayaasha shisheeye ah ka badan yihiin kuwa Soomaalida ah. Sawirkan ee waxa badan ka khaldanyahay waxay tilmaan u yihiin fashilka jaamacadaha dalkeena. Ma ogtahay caasimadda Soomaaliya iyo ta Ingriiska inay isu dhowyihiin tirada jaamacadaha ay leeyihiin labadaas magaalo? Tirada jaamacadaha Soomaaliya ka hel Wikipedia. London waxay ka mid tahay caasimadaha adduunka ugu horumarsan, sidaas oo ay tahay jaamacadaha magaaladaasi iskama ay fariisan; ma oranin - haye, magaaladeenu horumar gaarsiinayee, hawsheena halkaas aynu ku joojino. Maya! Sidaas ugama aysan harin. Barre iyo ardayba waxay ku hawlan yihiin (har iyo habeen) sidii ay magaaladooda booska ay joogta kor uga sii qaadi lahaayeen. Kor u qaadkaasna waxayna ku suurtageliyaan dhaqdhaqaaq cusub iyo aragtiyo san. Kuweena sidaas ma yeelaan? Waxqabadka iyo tiro badnida (sodon iyo shanta) jaamacdood ee Muqdisho ma is leeyihiin? Horumarka jaamacad waxaa lagu qiimeeyaa heerka ay gaarsiisantahay kaalinta ay ka qaataan daboolidda baahiyaha deegaanka ay ka jirto. Ma la is-weydiiyay waxay caasimadda ku soo kordhiyaan tobankii sano ee u dambeeyay? Tacliinta. Amniga. Caafimaadka, iwl. Sida jaamacadaha London: ma ku hawlanyihiin inay baahiyo rasmi ah dabboolaan. Mase is-tiri kuweena waxay daboolaan baahiyo ay abuureen? Ma ka warqabtaa jaamacadaha maagalada aad dalka ka deggentahay waxay ku soo kordhiyaan deegaankaaga. Ma ku qanacsantahay waxqabadkooda? Ma u aragtaa inay is waafaqsanyihiin baahida deegaanka iyo waxyaabaha lagu dhigo jaamacadihiina? Nala wadaag aragtidaa. Waxaa laga sugi inay soo saaraan cilmi-baarayaal iyo macalimiin Soomaaliyed;; inay xal u keenaan baahiyaha dalka taagaan. Gobalada Hiiraan iyo labada Shabeele qeybo ka mida webiga ayaa soo fataha – xalka jaamacadaha ayaa lagu sugi. Gobalada dhexe, taariikh ahaan waxaa loogu yeeraa gobolada qalalan (dry regions) - xalka jaamacadaha ayaa lagu sugi. Gobalada buuralayda ah sida looga faaiidi lahaa jaamacadaha ayaa lagu sugi. Iwxl Gaalkacyo waxay ay tahay maagalada ugu dilka badan, marka laga yimaado caasimadda, sidaas oo ay tahay shanta jaamacadood ee ku yaal midna ma dhigo maado ku saabsan ama la xiriira amniga iyo nabadgelyada. Jaamacadaheena waa inay la yimaadaan firfircooni, karti iyo aragti-dheeri xilligaan adag. L.J
Posted on: Sun, 30 Mar 2014 09:12:35 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015