Jilaaga Sharukh Khan oo Lagu Haysto Saadaal uu ka Ilmaha u Dhalan - TopicsExpress



          

Jilaaga Sharukh Khan oo Lagu Haysto Saadaal uu ka Ilmaha u Dhalan Doona () Saturday, June 22, 2013 New Delhi (m.c.c)-Jilaaga shirkadda aflaamta Hindiga soo saarta ee Bollywood Mr. Shah Rukh Khan iyo xaaskiisa Gauri, ayaa lagu qabsaday saadaal uu ka bixiyey New Delhi ()-Jilaaga shirkadda aflaamta Hindiga soo saarta ee Bollywood Mr. Shah Rukh Khan iyo xaaskiisa Gauri, ayaa lagu qabsaday saadaal uu ka bixiyey ilmaha u dhalan doona oo uu sheegay inuu yahay wiil. Guud ahaan waddanka Hindiya waxa mamnuuc ka ah in la sii sadaaliyo jinsiga ilmaha caloosha ku jira, si looga hortago caadada ah in haweenku iska soo ridaan hablaha calooshooda ku jira, waayo dalkaas waxa aad looga jecel yahay wiilasha. Wasaaradda Caafimaadka Hindiya ayaa waqtigan bilowday baadhitaan ka dhan ah jilagaa adduunka aadka looga yaqaan, waxaanay warbaahintu sheegtay in Shah Rukh Khan aannu gurigiisa joogin markii saraakiil wasaaraddaas ka tirsan baadhis ku tageen gurigiisa. Mr. Khan oo waqtigan leh wiil 16 jir ah iyo gabadh 13 jir ah, ayaan ilaa hadda wax war ah kama soo saarin baadhitaanka lagu wado iyo falka lagu haysto ee saadaasha uu ka bixiyey ilmaha xaaskiisu caloosha ku siddo. Dr. Jignesh Thakkar oo ah dhakhtar ku takhasusay qalabka lagu baadho ubadka caloosha ku jira ayaa sheegay in Wasaaradda Caafimaadku codsatay in kiiskan loo baadho. ?Waxaannu doonaynaa sida arrinkan lagu ogaaday, sababtoo ah waxan jilaagu sheegay waa wax dhakhatar uun ogaaday, xataa qofka uurka leh ma ogaan karo, arrintanna waa mid mamnuuc ah, waxaanay jebinaysaa sharci,? ayuu yidhi Dr. Jignesh Thakkar. Jilaagan 47 jirka ah oo loo yaqaan King Khan (Boqor Khan) waa nin aad looga jecel yahay adduunka, waxana aflaamta uu jilay lagu qiyaasay ilaa 75 filim oo dhammaad si weyn loo xiiseeyo daawashadooda.
Posted on: Sat, 22 Jun 2013 12:28:06 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015