John Miller:Al Shabaab Waxay Sameysatay Hubka Kiimikada Halista - TopicsExpress



          

John Miller:Al Shabaab Waxay Sameysatay Hubka Kiimikada Halista ah. somalimemo.netWarbaahinta mareykanka ayaa saacadihii lasoo dhaafay baahinaysay war aan la ogeyn xaqiiqdiisa oo sheegaya in xarakada Shabaabul Mujaahidiin ay dadaal ugu jirto sameysashada Hubka Kiimikada ah. Telefeshinka CBS News ee fadhigiisu yahay magaalada Washington ayaa baahiyay war uu ku sheegay in xarakada Shabaabul Mujaahidiin ee Soomaaliya ay dadaal dheeri ah ugu jirto sidii ay uyeelan laheyda awood melleteri oo dheeri ah. Wariye John Milleter oo katirsan saxafiyiinta CBS ayaa warkan ka akhriyay Telefeshinka isagoo soo xiganaya mas’uuliyiin katirsan xeerbeegtida Federaaliga Mareykanka. “Alshabaab dagaal dheeri ah ayay ugu jirtaa sidii ay usameysan laheyd hubka kiimikada ah ee wax baabi’iya,islaamiyiinta shabaab waxay doonayaan in ay yeeshaan awood melleteri kadibna ay ku biiraan alqaacidada Yemen”ayuu yiri saxafiga CBS. Saxnimada warkan ayaa shaki badan lagelinayaa marka loo eego isha lagasoo xigtay oo ah maxkamad iyo dambi-baarayaal qudhooda soo xiganaya maxaabiis ku eedaysan waxa loogu yeero argagaxisada. Sheekadan maxat ka fahanteen yaa ikhwaanil muwaxidiin maxa ka dheheysaan
Posted on: Sat, 21 Sep 2013 10:33:40 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015