Kamaal Daahir, agaasimihii hore ee Villa Somalia oo ku Biiray - TopicsExpress



          

Kamaal Daahir, agaasimihii hore ee Villa Somalia oo ku Biiray Mucaaradka ka soo horjeeda dowladda Xasan sheekh maxamuud. Agaasimahii Madaxtooyadda Somalia Kamaal Dahir Guutaale ayaa markii ugu horeeysay ku biiray Mucaaradka Madaxweyne Garguurte kadib markii shaqada laga eryay oo xilkiisii loo magacaabay wiil ay dhashay Madaxweynaha walaashiis. Kamaal Dahir Guutaale oo ku shaaheeynaya Hotelka Grand regency ee Magaaladda Nairobi wuxuu sheegay in xilkiisii loo magacaabay wiil ay dhashay Nurto Sheekh Mohamud Culusow hasse yeeshee intaas kuma ekeeysan ee wuxuu bixiyay sirtii qarsooneed iyo dabeecada uu ku arkay Madaxweyne Xasan Sheekh mudadii uu la shaqeeynayay. Kamaal Dahir wuxuu sheegay in safarkii ugu dambeeyay ee London ku tegay Madaxweynaha uu Visayaal u qaaday lix qof oo qoyskiisa ah ,uuna ka mid yahay wiilkiisa Mohamed Hassan Sheekh Mohamud . “Markii aan ka soo laabanay safarkii London waxaa noo timid Safaaradda Ingiriiska waxay nagu dhaheen aaween lixda qof ee idinka soo hartay ,waxaan u gudbiyay Madaxweyne Hassan ,wuxuu igu dhahay ka bax arrimahaas ,waxaan ka wada hadalnay David Cameroon” ayuu yiri Kamaal Dahir. Wiilka uu dhalay Madaxweyne Garguurte ee Mohamed Hassan Sheekh waxaa markii ugu horeeysay lagu arkay {xafladii 1 Luulyo ee London} ka dhacday,waxaana la xaqiijiyay inuu UK iskaga dhiibay qaxootinimo laakiin lama oga in uu magaciisa isku dhiibay iyo inuu magac kale isticmaalay. Mohamed Hassan Sheikh oo bartay Caafimaadka wuxuu ka shaqeen jiray rug ku taal Muqdisho oo lagu magacaabo Garguurte Specialist Clinic,sida ku qoran barta uu Facebook ku leeyahay hasse yeeshee dhamaan isaga iyo Caruurta Madaxweynaha Somalia waxay Jaamacad ka dhigan jireen Dalka Ukraine.
Posted on: Wed, 31 Jul 2013 06:57:51 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015