Kororso Aqoontaada Sport: Maxaa Kala Socotaa Waxyaabihii Ku - TopicsExpress



          

Kororso Aqoontaada Sport: Maxaa Kala Socotaa Waxyaabihii Ku Dhaafay Ee Kubadda Cagta Ø Ma ogtahay in kooxaha Arsenal, Chelsea, Liverpool iyo Manchester United ay ugu dambeesay xili cayaareedkii 1962/63 in laga waayo 4-naadi ee ugu sareeyo horyaalka England sanadkaas kooxda Everton ayaa horyaalka qaaday halka kooxaha Tottenham, Burnlet iyo Leicester City ay kala galeen kaalimaha 2-aad, 3-aad iyo 4-aad tani ayaa ka dhigan in 50-sano ee ugu dambeesay aanan marnaba Arsenal, Chelsea, Liverpool iyo Manchester United 4-naadi ee ugu sareyso England midkood laga weynin! Ø Ma ogtahay aqristow in kooxda Liverpool 8-cayaaryahan u xirteen lambarka 9-aad Premiership-ka England laga soo bilaabo sanadii 1992 waxayna xidigahaas kala yihiin: Ian Rush (to 1996), Robbie Fowler (1996-2001 & 2006-07), Nicolas Anelka (2001-02), El-Hadji Diouf (2002-04), Djibril Cisse (2004-06), Fernando Torres (2007-11), Andy Carroll (2011-12) iyo Iago Aspas (2013-) Ø Mala socotaa in 10-cayaaryahan oo qaarada Afrika kasoo jeedo ay ku guuleesteen Premiership-ka England tan iyo sanadii 1992 waxayna xidigahaas kala yihiin: Didier Drogba, Kolo Touré, Salomon Kalou, Yaya Touré (dhamaantood Ivory Coast), Lauren, Geremi (labaduba Cameroon), Nwankwo Kanu, John Obi Mikel (labaduba Nigeria), Michael Essien (Ghana) iyo Christopher Wreh (Liberia). Waaa xubin joogta ah habeen walba soo dhacda adna haka jeesan like ....share #oscar
Posted on: Wed, 05 Feb 2014 23:13:17 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015