Luka Modric oo doonayo inuu waayihiisa ciyaareed ku dhameysto Real - TopicsExpress



          

Luka Modric oo doonayo inuu waayihiisa ciyaareed ku dhameysto Real Madrid! Kubbad qaabeeyaha reer Croatia Luka Modric ayaa diyaar u ah inuu ku gacan sayro dalabkasta uu dib ugu soo dhaqaaqi karo Premier League isagoo qorsheynaya inuu waayihiisa ciyaareed ku dhameysto kooxda Real Madrid. Modric ayaa ka soo muuqday Real Madrid xagaagan 10-kulan wax gool ahna weli uma uusan dhelin hase ahaatee wuxuu la dhacsan yahay Bernabeu. “Wax shaki ah ma qabo wixii igu fiicnaa ee ebid igu dhaca kubbada cagta waa inaan u ciyaaro Madrid” ayuu Modric u sheegay jariiradda Sportske Novosti ee ka soo baxda Croatia. Modric ayay afar sano uga harsan tahay heshiiska uu kula joogo Real Madrid waxa uuna yiri “Halkeen joogayaa afar sano?” isagoo misane isugu jawaabay “Halkan”. wuxuuna sheegay in reerkiisa ay ku qanacsan yihiin magaalada Madrid isla markaana ay adag tahay in wax la qorsheeyo kubbada cagta balse haddii la waydiiyo uu jeclaan lahaa inuu ciyaaraha uga fariisto Madrid waliba koobab. By-#jabra
Posted on: Mon, 07 Oct 2013 17:59:52 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015