MAANTA : Barrack Obama oo sheegay in wax laga naxo ay shalay ka - TopicsExpress



          

MAANTA : Barrack Obama oo sheegay in wax laga naxo ay shalay ka dhaceen Magaalada Muqdisho By: Mastar // Aug 03 2012 at 12:38 am // 4,827 Reads // Wararka Somalia Maxaad ka taqaanaa taariikhda Asxaabiga weyn ee Cumar Binu Khadaab “Allaha ka raali noqdee” Share Comments 0 Print Email ”Dadkii idinka horreeyey waxaa kamid ahaa dad la ilhaamiyo, haddiina uu umaddeyda ku jiro qof (la ilhaamiya) waa Cumar” Sidaa waxaa yiri Rasuulka Alle (SCW). Abuu Xafsah Cumar bin Al Khaddaab, waa mid kamid ah saxaabadii suubaneyd ee udgoon badane xabiibkeenii Muxammed SCW. Waxuu ahaa mid kamid ah raggii Rasuulka SCW ka ag dhawaa, waa mid kamid ah tobankii Jannada loogu bishaareeyay iyagoo dunida guudkeeda saaran, iyo weliba amiirkii ugu horeeyay ee Mu’miniinta oo idil amiir u noqdaa. Waxuu ahaa khaliifkii labaad ee khulufaa’u Rashidiinka, iyo qofkii ugu horeeyay ee salaadda taraawiixda jideeyo in halmeel lagu tukado, iyo qofkii ugu horeeyay ee amray taariikhda hijriyada in la qoro. Inaayadiisu waxay ahayd sidan: Cumar bin Al Khaddaab bin Nufeyl bin Cabdulcuza bin Rayaax bin Cabdillaahi bin Quraddi bin Razaax bin Caddiyi bin Kacab bin Lu’ay bin Qaalib bin Fihir (Qureysh) bin Maalik bin Nadar Al Qurashi Al Cadawi. Waxuu ka dhashay qoomyowga Qureeshta gaar ahaan jilibka banii Caddiyi bin Kacab oo Qureeshta u qaabilsanaa dhanka garsoorka iyo kala xukmidda dadka is qab qabsada. Aabahii waxuu ahaa mid kamid ahaa saadaaddii banii Cadiyi iyo odayaashii Qureeshta ugu caansanaa, isaguna Cumar waxuu kamid ahaaa raggii ugu muuqdat ashraafta Qureesheed, weliba kuwii ugu caansanaa ee geesinnimada lagu yaqiinay. Hooyadii waxaa la oran jiray Xantamah bint Hishaam bin Muqiirah bin Cabdillaahi bin Camr bin Makhzuum Al Qurashiyah Al Makhzuumiyah. Waxay la dhalatay Abuu Jahal bin Hishaam, sidaa darteedna Abuu Jahal waxuu Cumar u ahaa abti. Cumar reer abtiyaashii waxay ahaayeen jilibkii Qureeshta u qaabilsanaa arrimaha dagaalka iyo hoggaamintiisa. Sidaa darteed waxuu Cumar ka dhashay laba jilib oo kamid ah kuwii ugu cad caddaa Qureeshta dhexdeeda oo ugu dhex muuqday. Waxuu Cumar ahaa waqtigii jaahiliyada mid wax waliba kusoo dhacsada xoogiisa iyo karti uu Illaah siiyey, waxuuna ahaa mid dabci adag oo aan waxbo laga duudsan karin laguna dhici kareyn. Waxuu ahaa geesi aan gambasho aqoon oo Makka iyo hareeraheeduba caan ka ahaa. Oo waxuuna ahaa mid aan Islaamka iyo waqtigii Jaahiligaba aanan laga adkaan. Cumar bin Al Khaddaab waxuu caan ku ahaa xoog iyo geesinnimo, waxuuna u ahaa Qureeshta safiir ay u dirsan jireen arrimaha ay ku dhici waayaan. Mathalan markii ay isku dhacaan Qureeshta iyo qola kale oo ay ku haggaagi waayaan inay ergay u dirsadaan iyagoo ka cabsi qabo in ergeygaasi laga dilo, bay diri jireen Cumar bin Khaddaab oo Carab idil ay ka haybeysan jirtay. Waxuu dhashay Cumar kadib dhacdadii Caamul Fiil (Sanadkii maroodiga) muddo laga jooga 13 sanadood, oo ku beegan afartan (40) sano kahor taariikhda hijriga (kuna beegan markay taariikhda miilaadigu ahayd 584). Markii Rasuulka SCW lasoo dirayey waxuu Cumar jiray 26 ama 27 sano. Waxuuna islaamka la colleytamayey muddo lix sanadood ah, waxuuna Muslimay isagoo 32 ama 33 jir iyo dhowr bilood ah. Waxuu Cumar ku dhashay magaalada Makka oo uu ku barbaaray, waxuuna kamid ahaa raggii ugu ad adkaanta badnaa oo ka hor yimid dacwada diinta Islaamka. Waxuu Cumar bin Al Khaddaab aad ugu dhegnaa diintii aabayaashiis oo uu aaminsanaa inay iyadu tahay tan ugu tubta toosan ee degtay qalbigiisa, saaqdayna luddiisa iyo laftiisa, waxuuna Rasuulka SCW iyo asxaabtiisii qiimaha badneyd u muujiyey cadaawad aad u fog markii lasoo diray, oo waxuu caddibi jiray qaar kamid ah dadkii Mustadcafiinta ahaa ee iyagu Islaamka goor hore galay. Waxuu Cumar si daran u ciqaabi jiray gabadh la oran jiray Samiirah oo markii dambe xitaa indha beeshay siduu u ciqaabi jiray darteed si ay uga noqota diintan samawiga ah ee ay qaadatay. Cumar bin Al Khaddaab waxuu ahaa mid kamid ah fardooleydii iyo raggii ugu akhyaarsanaa Qureesh iyo Carabta dhexdeeda waqtigii Jaahiliga, oo waxuu ahaa mid laga wada cabsado. Islaamiddiisii & Mowqifkiisii Hore Xilli Muslimiintii ciriiri iyo dulmi lagu hayo, oo xaaladdu ay darantahay ayuu Illaahay nuur usoo saaray Muslimiintii oo waxaa Islaamay Cumar bin Khadaab. Rasuulka SCW ayaana taa Rabbigiis ka baryey. Cabdullaahi ibnu Mascuud waxaa laga soo weriyey inuu Rasuulka SCW yiri: Alloow Islaamka ku adkeey labo nin midkood, Cumar bin Khaddaab ama Abuu Jahal. Ducadaasi iyada ahina Alle waa uu aqbalay oo waxuu ku sharfay Cumar bin Khaddaab kadib markii uu muddo 6 sanadood la colleytamayey Islaamka iyo ehelkiisa, waxuuna taa ka hor Cumar taagnaa mowqifka abtigiis Abuu jahal, oo maysan jirin cid is lahayd ama ku fakereysay Cumar wuu Islaami doonaa, laakiin cidduu Alle hanuuniya cidi hor istaagi kari meyso, iyada ayunbaana noqon ta hanuunsan, oo Alle wax waliba isagu wuu awoodaa waana qaadir fal san. Cumar bin Al Khaddaab waxuu ahaa mid qalbigiisu adag yahay, oo dabeecad kulul iyo awood badanna leh, Muslimiintuna in badan bay dhibaatooyin kala kulmi jireen. Waxuu Cumar ku fekeri jiray arrimo is khilaafsan oo mar waxaa ku weyneed diintii aabayaashiis, marna hawadiisii iyo macmaansigii nolasha dhalin yarannimada ee uu markaa dhex dabaalanayey, waxuuna ahaa nin cabbo khamriga, jecelna cayaaraha iwm ee ay markaasi bulshadii jaahiliga ku dhex jirtay, dhanka kalena waxuu la yaabayey oo fajaciso ku ahayd ad adkaanta Muslimiinta iyo siday ugu dul qaadanayaan dhib waliba oo ku yimaado oo aysan marna uga laabaten nuurka iimaanka ee qalbiyadooda degay. Tanina waxay ku reebtay qalbigii Cumar raad lama illaawaan ah. Iyadooy sidaa tahay haddana Cumar waxuu ka fuqi waayey mowqifkii uu abtigiis Abuu Jahal mataanka kala ahaa ee ahaa sanam caabudka iyo la dagaallanka Islaamka. In badan kama soo wareegin markay qaar kamid ah Muslimiintii u alaab xir xirteen inay dhulka Alle u qaxaan oo meel ay dagaan oo Rabbigooda ku caabbudaan ka raadsadaan, kadib markii lagu jarribay baladkoodii oo ay sokeeyahoodii iyo xulufadoodii saareen, Cumarna waxuu kamid ahaa dadkii usababta ahaa qaxaasi iyo qaharkaas ku yimid Muslimiinta ee ay u hijroodeen dhul aysan aqoon dadkiisa, dabcigiisa iyo nolashiisa, dhankaa iyo dhulka Xabashida. Umu Cabdillaahi Leyla bint Abii Xathmata iyo Seygeeda Caamir bin Rabiica waxay xufulo la ahaayeen reer banii Cadiyi bin Kacab gaar ahaanna qoyska reer Khaddaab bin Nufeyl Al Cadawi ee uu ka dhashay Cumar bin Khaddaab. Waxay kamid ahaayeen dadkii ugu horeeyay ee islaamay, waxayna Cumar kala kulmi jireen ad adkaan iyo kadeed badan iyo ciqaab si uu uga hor istaago diinta Islaamka. Maalin maalmaha kamid ayuu Cumar jidka kula kulmay Umu Cabdillaahi bint Abii Xathmah iyagoo u haajirayo dhulka Xabashida waqtigii hijradii Abasiinya. Markaa buu Cumar su’aalay Umu Cabdillaahi halka ay u socdaan goor uu ninkeedii Caamir bin Rabiica uu howla gaar ahaa ugu maqnaa, waxayna ku tiri:” Dhulka Illaahay ayaanu meel ka raadsaneynaa, waad na dhibteen oo aad na jarribteen”.. Markaasuu Cumar si murugo leh u eegay oo sagootiyey oo iskaaga laabtay. Markii uu Caamir yimid ayay Leyla u sheegtay arrintii dhex martay iyada iyo Cumar, oo misna waxay usheegtay dabacsanaantiisii iyo hadalkiisii dhimrisanaa ee aysan horey uga baran ee ay maanta ka aragtay kana maqashay, iyo weliba inuu aad uga murugeysnaa bixiddooda. Markaa buu Caamir su’aalay xaaskiisii Umu Cabdillaahi Leyla bint Abii Xathmata:” Ma waxaad damacsantahay inuu Cumar Islaamo? Markaasay tiri:” Haah! Markaasuu yiri:” Islaami mahayo, kii (Cumarkii) aan arkay, jeer ay Islaamaan dameeraha Khaddaab. Halkan waxaanu ka fahameynaa in aysan jirin cid ku fakereysay inuu Cumar islaamo ad adkaantii looga bartay iyo la colleytankii uu diinta Islaamka la colleytamayey darteed. Habeen habeennada kamid ah ayuu Cumar kudhaxay meel aan aqalkiisu ahayn (golo ay ku sheekeysan jireen oo ay lahaayeen reer abtiyaashiis banii Makhzuum), dabeetana waxuu yimid kacbaddii goor mugdi ah, durtaba waxuu arkay Nebiga SCW oo salaad u taagan, markaasuu daaha ku dhakaday oo damcay bal inuu dhageysto waxa uu Rasuulka SCW akhrinayo. Wuxuu markaasi Nebigu SCW akhrinayey suuradda Al Xaaqah Saa Cumar wuxuu is yiri:- Malaha kani waa sidii ay Qureeshtu sheegeysay oo waa gabyaa? Faadimah bint Khaddaab iyo seygeeda Saciid ibnu Zeyd, waxay Islaameen caaraddii hore ee Islaamku, waxayna Islaannimadooda ka qarinayeen Cumar si uusan ciqaab xanuun badan u marsiinin, sidaa si lamid ahna waxaa Islaamay Nucaym bin Cabdillaahi Al Cadawi (Al Naxaam) oo kamid ahaa rag karmeedyadii Qureeshta gaar ahaan banii Cadiyi, isaguna Islaamiiisu waa uu ka qarinjiray Cumar, . Ad adkaantii Cumar waxay gaartay heer uu maalintii dambe seefta u siibta inuu soo dilo Rasuulkii Alle SCW, dabeeta waxaa la kulmay Nucaym bin Cabdillaahi oo weydiiyey halka uu kusocdo? Waxuuna ku jawaabay:” Waxaan doonayaa inaan soo dilo Muxammed (SCW), kan kala geeyay arrinkii Qureeshta oo duray ra’ yigoodii, oo wax ka sheegay diintayadii ee caayay Ilaahyadannada”. Waxuu yiri:” Haddaba sideed uga nabad heli doontaa banii Haashim iyo banii Zuhrah (Waa labada reer ee uu Nebigu SCW kadhashay), haddii aad disho Muxammed? Markaasuu Cumar yiri:” Malaha adiguna sidaan kaa arko diintaadii ayaad ka baxday? Waxuu yiri:” Ma ku tusiyaa Cumaroow! arrin taa ka daran? Walaashaa Faadimah iyo seedigaa Saciid way ka baxeen diinta aad adigu haysatid”. Markaa buu Cumar xaggoodii aaday si bal uu marka hore iyagu meel u saaro oo wax uga qabto, waxaana markaa qoyskaasi la joogay Khabaab bin Arat oo Quraanka bari jirey, markay maqleen shanqadha Cumar ayuu Khabaab dhuuntay. Faadimana waxay qarisay warqaddii Quraanka ku qornaa, markaasuu yiri:” Waa maxay gunu’gunida aan maqlayey? Markaa bay ku yiraahdeen: Waxbo ma jiro”. Markaasuu yiri:” Haaheey! waan maqlay inaad diinta Muxammed raacdeen, dabeetana seedigii Saciid ayuu ka dul dhacay oo si daran ugu istaagay. Faadimah ayaa damacday inay ka qabato iyadoo qaylineyso, saa iyadiina waa uu kala tuuray oo dakhar buu gaarsiiyey. Markaasay iyadoo careysan oo dhiiguna madaxeedu ka da’ayo tiri:” Waxaan qirayaa Inuusan jirin Alle la caabbudo oo aan Allaah ka ahayn Muxammedna SCW uu yahay Rasuulkii Alle. Markaa buu Cumar u diir naxay walaashii markii uu arkay dhiigga ka hoorayo madaxeeda oo ka kacay seedigii, dabeetana waxuu weydiiyey inay u dhiibto waxii ay akhrinayeen bal si uu u eego, hase ahaatee waxay walaashii ku tiri:” Adigu waxaad tahay fadaro najaas ah, mana taabato Quraankan cidaan daahir ahayn ee kacoo soo maydho, markaasuu kacay oo soo mayrtay, dabeetana warqaddii ayuu ka qaaday oo inta kala bixiyey akhriyey waxii ku qornaa. Cumar waxuu ahaa mid wax qora waxna akhriya, taas ayaa ka haqab tirtay in loo akhriyo, isagii ayaana akhristay, waxaana ku qornaa awaa’ilka suuradda Daha, waxuuna akhriyey Suuraddii illaa uu ka gaaray aayaddan: Anigu waxaan ahay Allaah, Illaah kalena majiro, oo aan anigu ka ahayn ee i caabbudo aniga oo kaliya, salaadduna u ooga xusiddeyda. Markaasuu yiri:” Oo maxaa ka wanaag badan oo ka sharaf badan hadalkan? Bal Muxammed itusiya. Dabeeto Khabaab oo dacal aqalka kamid ah isku qarinayey ayaa soo booday oo banaanka yimid, waxuuna yiri:” Abshir Cumaroow! waxaan ku rajo weynahay inuu Allaah aqbalay ducadii Rasuulkiisa SCW, waxaan maqlay isagoo oranaya:” Alloow! diinta ku adkeey Cumar bin Khaddaab ama Abuu jahal. Kadib Cumar waxuu soo aaday dhankii daarta Arqam bin Abul Arqam oo ay usoo tilmaameen inuu Rasuulka SCW jooga, si uu ula kulmo. Saxaabadii qaar kamid ah ayaa ka arkay doc yar isagoo seeftiisa sito oo usoo socda dhanka daarta, markaasay Rasuulka SCW usheegeen, waxaana daarta joogay rag ay kamid ahaayeen Xamzah oo isagu maalintaa ka hor saddex casho soo islaamay, Cali bin Abii Dhaalib, Abuu Bakar Sidiiq iyo rag kaloo kamid ah kuwii aysan usuuroobin inay u qaxaaan dhulka xabashida, Xamzah ayaa yiri markaa:” Bal ka leexdo oo albaabka ka furo, haddii uu wanaag rabo waanu siineynaaye, hadduuse shar u yimidna seeftiisaanu ku dili doonnaa”. Cumar waxuu soo hor fadhiistay Rasuulka SCW , markasuu Nebiguna SCW weydiiyey waxa xilligan keenay, markaasuu yiri :” Waxaa i keenay inaan Alle iyo Rasuulkiisa iyo waxa uu xagga Rabbigiis ka keenay rumeeyo, waxaana qirayaa inuusan Alle kale jirin illaah mooyaan, adiguna aad tahay Rasuulkii Alle, sidaa buuna u islaamay. Cumar markuu islaamay Ilaahay wuxuu Muslimiintii siiyey Cissi iyo xoog, xaaladdii Makkana way is baddeshay. Cumar isla markiiba wuxuu qaadey tallaabooyin, wuxuu yiri:” Waxaan is weydiiyey ninka dadka ugu necbaan og Islaamka markaasaan xasuustay inuu Abuu jahal yahay, saan gurigiisii ugu tegey oo aan irrida ku garaacay, markasuu iga furay oo i soo dhoweeyey iguna yiri ” Maxaa dan oo aad u timid? waxaan ku iri:” Waxaan kuugu imid inaan ku ogeysiiyo inaan islaamay oo aan rumeeyey Alle iyo Rasuulkiisa SCW, waxii aan haysan jirneyna oo sanam caabbud ahaana aan beeniyey” Abaa jahal intuu aad u argagaxay buu yiri “waxaad la timid baa baas lahaaday”. Oo gurigii ayuu dalaq yiri oo ku cararay. Dhanka kale waxuu yiri ” Waxaan is weydiiyey yaa ugu warqaad badan reer Makka oo dadka oo dhan hadalka gaarsiin kara? Saa waxaan xasuustay inuu yahay Suneym ibnu Camar al- Jumuxi, markaas baan u tegay oo ku iri:” Waan islaamay”. Suu qeyliyey isagoo oranaya:” Cumar bin Khadaab waa iishay”. Cumar-na wuu ka daba hadlayey isagoo leh:- Ma iilan ee waan Islaamay. Waxaa kale oo Cumar uu sameeyey markuu Islaamay ayuu Rasuulka SCW ku yiri:” Rasuulkii allow! sow inagu xaq kuma taagnin? Haddaba aynu baxna oo dhammaanteen aan kacbada ku soo tukanno”. Rasuulkuna SCW inkastoo uu u ogaa in Muslimiintu ay yaryahiin hadana kama uusan diidin Cumar in ay Kacbadda kusoo tukadaan, waayo waxuu ogaa Rasuulku SCW in Islaamku iyo Muslimiintuba ay gunnimo ka baxeen mar haddii uu Islaamay Cumar ibnu Khadaab, oo sidaa darteed wuu ka yeelay hintisihiisii. Markaa baa waxaa soo baxay asxaabtii oo laba saf ah, oo safi Cumar ku jiro safka kalena uu Xamsa kujiro. Qureysh talo ayaa ku caddaatay waxayna ka caroodeen waxyaalaha uu Cumar sameeyey, waxay markaa ku tashadeen ineyba dilaan hase yeeshee waxaa arrintaa is hor taagay Al Caas bin Waa’il As Sahmi oo magan geliyey, waxayna ahaayeen xulufo isaga iyo reer Khaddaab. Markii ay Qureeshti damacday inay dilaan Cumar buu isaguna intuu Cutbah bin Rabiica qabtay hoosta gishtay oo jukeeyay, waxuu yiri :” Dayn maayo jeer aad ideysaan”. Markii uu Cumar Islaamay dadkii sartaa kujiray oo idil baa farxad darteed mar qura la wada takbiirsaday takbiir laga maqlay Kacbada (Allaahu Akbar), Rasuulku SCW aad ayuu ugu farxay Islaamiddii Cumar. Cabdullaahi Ibnu Mascuud waxuu yiri:” Kacbadda agteeda horey ugumaan tukan illaa uu Cumar Islaamay”. Suheib bin Sinaan waxuu yiri:” Markuu Cumar Islaamay diintii Islaamku way adkaatay oo si cad baa loo faafiyey, oo kacbadda agteedaanu fadhiisannay, oo ku dawaafnay, ciddii wax na yeeshana aan iska dhicinnay oo aan ka aargudannay. Maalintaa iyada ahi ee uu Cumar Islaamay, Muslimiintiina uu u sababay inay galaan Kacbadda oo ku tukadaan, ayaa loo baxshay Al Faaruuq ( Kii xaqa iyo baadilka kala geeyay ). Sowda bint Samcah waxay jirtay dhulka Xabashida oo ay u hijrootay, markay maqashay Islaamidda Cumar ayay timid magaallada Makka. Cumar markii uu Muslimay waxuu Islaamkii Alle u siyaadiyey cizi iyo quwad oo, ducfigii iyo gunnimadii ayuu ka saaray, markaa ayayna Qureeshtu garowsadeen inay diintani sare mari doonta oo ay awood buuxda yeelan doonta.. Cumar waxuu ku sugnaa magaalada Makka tan waqtigii Hijriyada, waxuuna ahaa nin laga wada cabsado, oo Islaamkuna tiir adag u ahaa, cid ku dhici jirtay ama haweeysan jirtay oo wax ka sheegi kartayna ma aysan jirin, intaa dabadeedna waxuu u hijrooday magaaladii Madiina, isagoo safarkiisii hijrada kula rafiiqay Cayaash bin Abii Rabiica iyo Hishaam bin Al Caas. Hishaam isagu waalaga war helay oo waala xabbisay. Cumar iyo Cayaashna waa ay is raaceen, hase ahaatee Cayaash isaguna waala soo celiyey kadib markay qayaameen Abuu Jahal iyo Al Xaarith bin Hishaam oo hadal been ah usheegay inay hooyadii nidar ku gashay ineysan timaha shanlaysan oo aysan qorraxda ka harsan jeer ay aragto. Al Muhiim: Taasi waa qiso dheer uu u baahan in laga akhristo kutubta siirada Nebiga SCW, Cumarna isagu waa uu hijrooday, Cayaashna waa la celiyey . Markiina uu tegay Cumar magaaladii Madiina waxuu Rasuulka SCW la walaaleeyay Citbaan bin Maalik. Qaar Kamid Ah Fadliga Cumar Cumar bin Khaddaab waxuu lahaa fadli aad u tiro badan, oo aan runtii lasoo koobi karin, waxuuna ahaa saxaabiga labaad ee ku xigay Abuu Bakar Sidiiq Allaha ka raalli noqdee, Cumar bin Khadaab, waxaan ku xasuusannaa inuu ahaa mid kamid ah 10-kii jannada loogu bishaareeyay iyagoo dunidan guudkeeda saaran, Alla maxaa ka nasiib badan qof isagoo dunida saaran loogu bishaareeyay oo lagu yiri Janno ayaad galeysaa? May wallaahi ma jirto fadli ka weyn iyo bishaaro ka qiimo badan. Waxuu Cumar ahaa mid kamid ah saxaabadii waa weyneed iyo culimadii caabidiinta ahayd ee ka saahidday dunida iyo dhaldhalaalkeeda kuna beddashay raalli ahaanshaha Allaah Sarreeye. Waxuu ku lahaa mawaaqif dhowr ah kitaabka Allaah SW, iyo ra’yi kasoo fulay Cumar oo Alle ku caddeeyay Quraanka, waana halka uu imaam Cali ka leeyahay:” Waxaanu u arkay Quraanka inay kujiraan kalmado kamid ah kalmada Cumar (kasoo fulay) ama ra’yi kamid ah ra’yigii Cumar”.Waana sida uu Cabdullaahi ibnu Cumar ka yiri:” Ma kusoo degin dadka arrin ay si uyiraahdeen, oo Cumarna si kale u yiri, illaa Alle waxuu soo dajiyey Quraan uu ku waafaqaya maqaallada Cumar ibnu Khaddaab. Taasina waxaa marag ma doonta u ah, dhacdadii Bader markay dhacday waata keentay in maxaabiis badan oo Qureeshta kamid ah lasoo qafaashay, oo dabadeedna raggii saxaabada ay shir u fadhiisteen, shirkaasoo uu guddoominayey Rasuulka SCW, nin walibana sidii laga yeeli lahaa maxaabiistaas ayuu sheegay oo siduu ra’yi ahaan u arkayay ayuu ka dhawaajiyey. Maalintaa iyada ahi Abuu Bakar waxuu soo jeediyey in madax furasho laga qaato oo la iska sii daayo, Cumarna waxuu ra’yi ahaan soo jeediyey in qof waliba xigtadiisa loo dhiibo oo uu kurka ka jaro, waxuuna dalbaday mid isaga tolkiisa ahaa oo ku jiray maxaabiista in gacanta loosoo geliyo oo uu unuunka u dheereeyo, Calina loo dhiibo walaalkiis Caqiil, Xamzana loo dhiibo walaalkiis Al Cabbaas, waxuuna soo jeediyey in ninba ninka xigo uu kurka kajaro si aysan meeshu dakano u soo galin, oo Allena u ogaado buu yiri: inaysan wax gacaltooya innaga iyo kuwaasi na dhex oolin. Haddaba Rasuulku SCW waxuu doorbiday ra’yigii Abuu oo isagii ayuu dadkii ku xukmiyey. Isla habeenkaasina waxuu Alle toddobada samo dushooda kasoo dejiyey aayado u muuqday canaan iyo inay yahiin kuwa sabab u noqon lahaa inay ciqaab iyo carro Alle soo degto, haddaysan jiri lahayd qowl horey Rabbi uga dhacay oo ahaa : Intaa kadib u falo axsaan ama ka qaato madax furasho. (Suuratu Muxammed aayadda 4aad). Aayadii kusoo dagay shirkaas isaga ah ee Cumar ra’yigiisa ayidayey waxay ahaayeen kuwan: ” Ma habbooneyn in ay Nebi u ahaato maxaabiis illaa uu kaga jilciyo dhulka, waxaad (idinku) doonaneysaan bilicda (dhaldhallaalka) adduunka oo Allane waxuu dooni aakhiro, Allana waa adkaade fal suubban. Haddii uusan jiri lahayn qoraal horeeyay oo xag Alle ka ahaaday, waxaa idin qaban lahaa waxaad qaadateen (oo madax furasho ah) darteed cadaab daran”. Suuratul-Anfaal aayadda 46aad illaa 47aad. Qoraalka aayaddani lagu xusay ee aan horey u xusnay isagu waxuu caddeynayaa inay banaantahay madax furashada oo aad sii dayn karto maxbuuska intaad madax furasho ka qaadato, laakiin sida kamuuqato aayadda waa in ay habbooneyd in la edbiyo gaalada oo aan laga qaadan wax madax furasho ah , waxayna ayideysaa qowlkii iyo ra’yigii Cumar. Ad- adkaantii uu diinta Islaamka Cumar ku ad adkaa heer waxay gaadhay inuu maalintii Bader markuu arkay Suhayl bin Camr oo ku jiro maxaabiista oo afhayeenna u ahaa Qureeshata ayuu yiri:” Rasuulkii Alloow! dhoolasha ka siib hasoo dhaco carrabkuye si uusan mar dambe khudbo kaasoo hor jeeddo meel uga soo jeedinin. Rasuulku SCW waxuu u tilmaamay inuu iska daayo, waxuuna u sheegay in laga yaabo in Suheyl uu maalin uun ka istaago meel la mahadsho Islaamka, oo taasina way dhacday markii uu Rasuulka SCW geeriyooday oo ay reer Makka damceen inay riddoobaan ayuu Suheyl u khudbeeyay oo ku yiri:” Ma adinkoo dadka ugu Islaannimo dambeeyay baad iminka uga hor baxaysaan? Islaamkii ayayna ku sugnaadeen. Abuu Hureerah waxuu yiri:” Rasuulka SCW waxuu yiri:” Ummadihii idinka horeeyay waxaa ku jiri jiray qof la ilhaamiyo, oo wax loo sheego (aanan Nebina ahayn) haddii uu ummadeydan ku jirana waa Cumar. Abuu Dar Al Qafaari waxaa laga soo weriyey inuu yiri:” Waxaan maqlay Rasuulka Alle SCW oo leh: Alle waxuu xaqu yeelay carrabka Cumar. Abuu Hureerana waxuu yiri:” Rasuulkii Alle SCW waxuu yiri:” Alle waxuu xaqu yeelay carrabka iyo qalbiga Cumar”. Cabdullahi ibnu Mascuud waxuu yiri:” Cizzi kamaanan suulin taniyo markuu Islaamay Cumar. Ibnu Isxaaq waxuu Ibrahiim bin Muhaajir kasoo weriyey isaguna uu Mujaahid kasoo weriyey inuu yiri:” Haddii uu Cumar ra’yi keeno, Quraan baa soo degi jirey”. Ibnu Mascuud waxuu yiri:” Islaannimadii Cumar waxay ahayd guul iyo nasri, imaaradiisina yacni xukunkiisii waxuu ahaa dhul furasho”. Mucaad bin Jabal waxuu yiri:” Cumar waxuu geli jannada, oo Rasuulka Alle SCW waxuu yiri:” Goor aan Jannadu dhex joogo ayaan arkay daar ku dhex taallo, markaasan ku iri:” Oo yaa leh daartaan? Saa la igu yiri:” Cumar”. Sidaa si lamid ahina waxaa soo weriyey Anas oo yiri:” Nebigu SCW waxuu yiri:” Jannada ayaan dhex galay, markaasaa waxaan is arkay anigoo ku sugan qasri dahab ka sameysan, saa waxaan iri:” Oo yaa iska leh? Markaasaa la igu yiri:” Waxaa leh Shaab (yacni nin dhalinyaro ah) oo Qureesheed ah’, markaasaan aniga isku maleeyay, markaasan ku iri:” Oo waayo? Markaasay igu yiraahdeen:” Waa Cumar”. Abaa Hureerana waxaa laga soo weriyey oo uu isaguna kasoo weriyey in Nebigu SCW yiri:” Jannada ayaan dhex galay, markaasaan kula kulmay qasri dahab ah, oo i cajab geliyey quruxdiisa, markaasaan su’aalay:” Oo yaa iska leh? Markaasaa laygu yiri:” Cumar”. Iima aysan diidin inaan galo, ogaanshaha aan ogaa maseyrkaada mooyaan Abaa Xafsoow!. Markaasuu Cumar ooyey oo yiri:” Ma adigaan kaa maseyri Rasuulkii Alloow? Sidaa si lamid ahina waxaa soo weriyey Jaabir. Werin kalena waxaa ku sugneed in daarta ama qasrigu ay ag joogeen labo dumar ah, oo markay Rasuulka SCW u sheegeen in uu Cumar gurigaasi leeyahay uu ka tegay ogaansho uu ogaa maseyrka Cumar darteed, markaasuu Cumar ooyey oo yiri:” Ma adigaan kaa maseyri Rasuulkii Alloow? Cabdullaahi ibnu Bureydah waxuu aabahiis ka soo weriyey inuu Rasuulku SCW yiri:” Waxaan xisaaban inuu sheydaanku ka leexdo Cumar”. Muxammed ibnu Sacad waxuu aabahiis kasoo weriyey inuu Rasuulka Alle SCW yiri:” Illaah baan ku dhaartaye waddo maad martid, illaa sheydaanku waxuu maraa waddo kale (Wuxuu la hadlayey Cumar)”. Cumar ayaa Rasuulka SCW idin weydiistay inuu usoo galo, goor ay dumar Qureesheed agjoogeen oo ay codkooduna sare ugu qaadayeen Rasuulka SCW. Markii ay maqleen idin dalbashada Cumar ayay wada aamuseen oo ay is wada qariyeen. Markii uu Cumar soo galay ayuu arkay Rasuulka SCW oo qoslahayo, markaasuu Cumar yiri:” Dhooshaadu Allaaha ka qosliyo Rasuulkii Alloow!. Markaasuu Nebigu SCW yiri:” Waxaan la yaabay dumarka kan ee markay codkaadu maqleen xijaabka kuwada orday”. Waxuu yiri Cumar:” Adigaa mudan Rasuulkii Alloow! inay iga kaa haybeystaan. Markaasuu dhankoodii u jeestay oo uu ku yiri:” Kuwii nafahooda cadawga u ahaayoow, ma anigaad iga haybaysaneysaan oo Rasuulkii Allana ma haybeysaneysaan? Markaasay yiraahdeen:” Haah! maxaa yeelay adigu waad ka ad adagtahay oo aad ka qallafsantahay Rasuulka Alle SCW”. Markaasuu Nebigu SCW yiri :” Ina Khaddaaboow! Sheydaan kugulama kulmo jid illaa waxuu qaaddaa dhabo kale oo aan taada ahayn”. Rasuulka SCW waxuu yiri:” Waxaan leeyahay labo waziir oo samada ah iyo labo waziir oo dhulka ah. Labada samada ahi waa Jabriil iyo Miikaa’iil, labada dhulka ahina waa Abuu Bakar iyo Cumar”. Waxaanu horey usoo xusnay qisadii Abuu Bakar markaynu ka hadleynay xadiiskii beerta ee uu Abuu Muusal Ashcariyu soo werinayey, kaasoo uu Rasuulka SCW janno ugu bishaareynayey raggii u yimid oo uu ku jiray Cumar, markuu lahaa ka fur uguna bishaaree Janno”. Cumar Ibnu Khaddaab waxuu ahaa shaqsi aan fadligiisa lasoo koobi karin , waxii uu Rasuulka SCW ka yiri iyo waxii ay saxaabada iyo a’immada saalixiintu ka yiraahdeen, waana runtii mid aad u badan oo aynu soo koobi kareyn. Waxaana xusid mudan in waqtigiisii la furtay dhul aad ubadan, uuna noqday khaliifkii ugu fatuuxaadka badnaa Khulafaa’u Raashidiinka, sadarrada dambe ayaanna ku falaqeyn doonnaa hadduu Alle Sarreeyo idmo intaa ayaana uga baxayna fadligii Cumar. Dumarkiisii & Carruurtiisii Cumar waxuu dhalay Cabdullaahi, Xafsah iyo Cabdiraxmaan, waxaana u dhashay Zeynabah bint Madcuun bin Xabiib bin Wahab bin Xudaaf bin Jumux Al Qurashiyah Al Jumuxiyah. Waxaa carruurtiisaasi abtiyaal u ahaa saxaabada kala ah Cuthman bin Madcuun, Qudaamah bin Madcuun iyo Cabdillaahi ibnu Madcuun. Waxuu kaloo dhalay Zeyd Al Akbar iyo Ruqayah, waxaana u dhashay Umu Kalthuum bint Cali ibnu Abii Dhaalib, waxaana Zeyd iyo Ruqayah ayeeyo u ahayd Fadimah az-Zahraa bint Xabiibullaah Muxammed SCW. Waxuu kaloo dhalay Zeyd Al Asqar iyo Cubeydullaah (Cubeydullaah waxaa lagu diley dagaalkii Safiin asagoo la safan dhanka Mucaawiyah) Waxaa labadi udhashay Umu Kalthuum bint Jarwal bin Maalik bin Al Musayd bin Rabiicah bin Al Asram bin Dhubeys bin Xaraam bin Xabshiyah bin Salool bin Kacab bin Camr oo ka dhalatay Khuzaaciyiinta. Markii uu Islaamka yimid ayuu furay Cumar Umu Kalthuum bint Jarwal oo Islaamka ayaa kala geeyay. Misna waxaa kaloo uu dhalay, Caasim oo ay udhashay Jamiilah bint Thaabit bin Abii Aqlac (Magaca Aqlac-na ama waxaa kaloo lagu sheegaa Aflax- ee waa Qays) bin Cismata bin Maalik bin Ammah ibnu Dhubeycah bin Zeyd, oo kasoo jeeddo Ansaarta reer Madiina gaar ahaan Aws. Waxaa kaloo uu dhalay Cabduraxmaan Al Awsadh oo ku caan ahaa Abul Mujbar, waxaana u dhashay Luheycah oo Umu Walad ah. Waxaa kaloo uu dhalay Cabduraxmaan Al Asqar, waxaana udhashay haweeney Umu Walad ah. Waxuu kaloo dhalay Faadimah oo ay udhashay, Umu Xakiim bint Al Xaarith bin Hishaam bin Muqiirah, waxaa Umu Xakiim dhalay Cumar abtigiis. Waxuu kaloo dhalay Zeynaba oo carruurtiisa ugu yar, waxaana udhashay Fukeyha oo Umu walad ahayd. Waxuu kaloo dhalay Cayaad oo ay udhashay, Caatikah bint Zeyd bin Camr ibnu Nufeyl Al Cadawiyah. Waxay Caatikah la dhalatay Saciid ibnu Camr bin Nufeyl oo kamid ahaa tobankii Jannada loogu bishaareeyay. Qaabkuu dumarka u guursaday waxay ahayd sidan: Cumar wuxuu guursaday Islaamka ka hor Qureybah bint Abii Umayah oo dhanka aabaha walaal kala ahayd hooyadii Mu’miniinta ee Umu Salamah bint Abii Umayah. Wuxuu Cumar uga soo tegay magaalada Makka markii uu haajirayey, waxayna sababtu ahayd iyadoo ku baaqi noqotay diintii tolkeeda ee sanam caabbudka ahayd, markiina uu Alle soo dajiyey aayadahii uu ku xarrimayey calaaqaadka Muslimiinta iyo kufaarta, kadib heshiiskii Xudeybiyah ayuu Cumar furay, waxaana markaa guursaday Mucaawiyah ibnu Abii Sufyaan oo isagu markaa lamid ahaa iyada oo mushrik ahaa. Kadib waxay Islaamtay furashadii Makka waxaana guursaday Cabdiraxmaan bin Abii Bakar kadib markuu furay Mucaawiyah, waxayna udhashay Cabdullaahi, Umu Xakiim iyo Xafsah. Cumar-na waxbo uma aysan dhalin. Waxuu misna guursaday Umu Kaltuum, Culimadu qaarkoodna waxay sheegaan in magaceeda saxda ahi uu ahaa Muleykah bint Jarwal Al Khuzaaciyah, waxuu guursaday waqtigii Jaahiliyada, waxuuna furay Xudeybiyah kadib iyadoo gaalo ah, waxaana guursaday markii uu furay Abii Jaham bin Xudeyfah oo qowmkeeda ka mid ah, oo markaa iyadoo kale ahaa mushrik. Waxuu misna guursaday Zeynabah bint Madcuun Al Jumuxiyah, waxay ahayd afadii saddexaad ee Cumar, waxuu ku guursaday magaallada Makka waqtigii Jaahiliga. Markii lasoo diray Rasuulkuna SCW waa ay rumeysay oo ay la Islaamtay zowjkeeda Cumar, waxayna u hijrootay magaalladii Madiina ayada iyo carruurteeda, waxay Zeynaba bint Madcuun ahayd sodahdii Rasuulka SCW illeen waxuu Nebigu SCW qabay gabadheeda Xafsa. Kadib waxuu guursaday sanadkii 7aad ee hijriyada Jamiilah bint Thaabit oo u dhashay Caasim, kadibna wuu furay waxaana guursaday Zeyd bin Xaarith oo ay udhashay Cabduraxmaan bin Zeyd. Kadib waxuu guursaday Caatikah bint Zeyd, waxay ahayd mid qurux iyo akhlaaq ku sifoowday, waxuu guursaday sanadkii 12aad ee hijriyada. Kadib waxuu guursaday dumarkii aynu soo xusnay. Waxuuna dhalay dhowr carruur ah oo iskugu jiray wiilal iyo gabdho, wiilashiisu waxay kala ahaayeen: C/llaahi, Cabdiraxmaan Al Akbar, Cabdiraxmaan Al Awsadh, Cabdiraxmaan Al Asqar, Zeyd Al Akbar, Zeyd Al Asqar, Cubeydullaah, Caasim iyo Cayaad. Gabdhahiisuna waxay kala ahaayeen Xafsah, Faadimah Ruqayah iyo Zeynaba. Nolashiisii Madiina Cumar bin Al Khaddaab markii la yimid Madiina, waxuu laasimay la joogidda iyo ka ag dhawaanshaha Rasuulka SCW. Waxuu kala qeyb qaatay duullaamadii uu qaaday oo idil, Bader, Uxud, Khandaq, iwm. Waxuu sidoo kale hoggaamiyey qaar kamid ah wardoonno ama sirriyaad. Maalinti Bader waxuu dilay abtigiis Al Caas bin Hishaam. Maalintii Uxud waxuu kamid ahaa raggii ugu horeeyay ee durbo soo laabtay kadib markay Muslimiintii jabeen, waxuuna kamid ahaa raggii difaacayey Rasuulka SCW. Waxaynu xasuusannaa inuu ahaa Cumar ninkii ujawaabayey maalintaa (Uxud) Abuu Sufyaan, markii uu lahaa:” Muxammed ma idinku jiraa?, (Looma jawaabin), Ina Abii Quxaafah (yacnii Abuu Bakar) ma idinku jiraa? Cumar ibnu Khaddaab ma idinku jiraa? Markii loo jawaabi waayey ayuu yiri:” Waala idinka kaafiyey kuwas. Xaqiiqdii Abuu Sufyaan waxuu ogaa inay saddexduba (Rasuulka SCW , Abuu Bakar iyo Cumar) ay ahaayeen horwadeennadii Islaamka, waxuuna yaqiinsanaa inay taasi hadday dhacdo oo saddexdooduba la dili lahaa ay jab weyn ku noqon lahayd Islaamka iyo Muslimiintuba. Haddaba markaas ayuu Rasuulka SCW amray inuu Cumar ujawaab celiyo, markaasuu ujawaab celiyey oo usheegay inay saddexdooduba nool yahiin. Cumar ibnul Khaddaab mar waliba waxuu taagnaa dhinaca Rasuulka SCW, oo dhammaan dhaqdhaqaayadii oo idil waa uu ka qayb qaatay. Markii uu Rasuulka SCW geeriyooday Cumar waa uu ku qanciyey waayey taas, miirkiisii ayaana tegay, oo waxuu yiri:” Ruuxii yiraahdo Rasuulka SCW wuu dhintay unuunka ayaan udheereyn”. Waxuu ku andacoonayey Cumar inuusan Rasuulka SCW dhiban, bal ee uu iman doono oo gacmo badan oo munaafiqiintana uu goyn doona. Cumar waxuu raad weyn ku lahaa doorashadii Abuu Bakar, waxuuna aaminsanaa inaysan jirin cid ka hor mari karto Abuu Bakar Sidiiq. Markii uu Abuu Bakar Ansaarta la hadlayey si khilaafada ay u qabato cid Qureeshta ka dhalatay, waata uu yiri:” Labadan nin midkii aad ka raalli tahiin doorto (yacnii Cumar iyo Abaa Cubeyda bin Al jarraax). Cumar waxuu oran jiray:” In dembi la’aan kurka la iga jaro ayaan ka jeclaa inaan madax u noqda dad uu Abuu Bakar kujiro”. Sidaa darteed marka ma uusan jeclaan in uu qabto khilaafada ka hor Abii Bakar Siddiiq. Waxuu Cumar ahaa qofkii ugu horeeyay ee gacanta Abuu Bakar qaada oo la baayactamo, markaasay dadkii meesha joogayna la mubaayacoodeen. Cumar Ibnul Khaddaab waxuu la shaqeynayey khaliifadii Rasuulka SCW ee Abuu Bakar Sidiiq, isagoo markaana garab buuxo u ahaa oo howlaha la kala waday. Ka ag dhawaanshahii Cumar uu ka ag dhawaa Abuu Bakar iyo sidii uu welibo howlaha ula waday, waxay gaartay heer Dhalxa bin Cubeydillaah uu u tegay Abuu Bakar oo uu ku yiri:” Abuu Bakaroow! ma adigaa madax noo ah ama Cumar? Runtii Cumar waxuu ahaa nin karmeed aad iyo aad loo qadariyo, oo misna go’aan adag leh, waxuuna ahaa mid aan ka ag faaruqi jirin muddadii adkeyd ee xaaladdu qaraarka ahayd. Dooorashadii Cumar & Dhul Furashooyinkiisii Markii uu geeriyooday Abuu Bakar, khilaafadii waxuu uga tegay Cumar (oo lala mubaayacooday maalintii labaad ee geerida Abuu Bakar, 22 Jamaadul Aakhir 13 Hijriyada oo ku beegneyd Augosta 632 miilaadiga), kadib markuu Abuu Bakar kala tashaday saxaabadii Rasuulka SCW oo dhammaantoodi ay isku raaceen in uu Cumar uga tego khilaafa Dhalxa mooyaan oo isagu ka sheeganayey ad adkaantii Cumar. Haddaba markii uu Cumar khilaafada qabtay oo lala mubaayacooday waxuu halkii kasii waday howshii uu Abuu Bakar ka tegay. Aynu ka billawna sanadkuu xilka khilaafada qabtay. SANADKII 13AAD Sanadkan runtii wuxuu ahaa sanadkii ugu horeeyay ee uu Cumar khilaafada qabtay, waxaana usoo qaadan doonnaa khilaafadiisii sanad sanad, innagoo tixraaceyna nidaamka iyo dhacdooyinkii dhacay waqtigiisa oo isugu jiro dhul furashooyin iyo dhacdooyin kale oo lama huraan ah in iyaguna la sheego. Dhulalka Ciraaq iyo Shaam waxaa ka socday dagaallo waqtigii Cumar, waxaana soo qaadan doonnaa sanad waliba dagaalladii ka socoday labada dhinac innagoo marba qaadaa dhigi doonna dhinac kamid ah labada dhinac, intuu Rabbi inoo sahlo. Imminkuna waxaan soo qaadan doonnaa Howshii ugu Horreysay ee Cumar Tani waxay ahayd howshii ugu horreysay ee uu Cumar ku dhaqaaqo, markii uu khilaafada qabtay kadib. Waxaanu horey u ogeyn ama aan soo xusnay in Muthana bin Xaaritha uu yimid Madiina isagoo gurmad ka dalbanayey Abuu Bakar, Siddiiq markaasina waxay ahayd goor uu Abuu Bakar hayey xanuunkii uu dunida kaga faaruqay. Markii uu Abuu Bakar arkay Muthana oo dul taagan ayuu Cumar ku yiri:” Markaan dhinto yaadan galabeysan jeer aad dagaalka Ciraaq ku boorido dadka, oo Muthanna aad ciidan ku darto, haddii uu Alle idiin furo Shaamna, ciidankii Khaalid ku celi Ciraaq”. Markii uu Abuu Bakar geeriyooday, ayuu Cumar warqad u diray dhanka Shaam iyo ciidamadii ka dagaallamayey Yarmuuk, warqaddaasina waxay ahayd tii caddeyneysay casiliddii Khaalid, iyo geeridii ku timid Khaliifadii Rasuulka Alle SCW ee Abuu Bakar Siddiiq, waxaana warqaddaasi siday Manjimah bin Zaniim, goor lagu jiray dagaalkii Yarmuuk ayayna gaadhay, markaasuu Khaalid Muslimiintii ka qariyey geerida ku timid, Khaliifadii Rasuulka SCW ee Abuu Bakar si aysan u niyad jabin ciidanku. Kadib maalintii labaad ee laga soo wareegay geeridii Abuu Bakar buu Cumar ka dhex istaagay masjidkii oo dadkii u khudbeyay kuna booriyey dagaallada Ciraaq kasocda, hase ahaatee cidi umaysan kicin, ogaansho ay dadku ogaayeen darteed in la dagaallanka reer Furus uu yahay mid lagu hoogga oo ka daran kana kulul kan lShaam ka socoda. Misna maalintii labaad oo ah maalintii 3aad ee laga soo wareega geeridii Abuu Bakar ayuu Cumar kacay oo dadkii u khubeyay oo ku booriyey jihaadka iyo dagaallada ka socona dhulka Ciraaq, waxuuna ugu bishaareyey waxa sawaab iyo ajar uu Illaahay meeshaas oo kale dhex yeelay, hase ahaatee cidi umaysan kicin sidii maalintii hore, misna maalintii saddexaad ayuu sidii si lamid ah falay. Kadib waxaa kacay Muthana bin Xaarith Ash Sheybaani oo dadka xasuusiyey wixii guulo iyo nasri ee uu illaahay ku siiyey gacanta Khaalid markuu halkaasi (Ciraaq) joogay, hase ahaatee sidii si lamid ah cidi maysan kicin, mana ajiibin dhawaqa jihaadka. Kadib maalintii afraad ayuu Cumar sidii si lamid ah dadkii u khudbeeyay oo ku booriyey jihaadka, markaa baa waxaa kacay Abuu Cubeydah bin Mascuud Ath-Thaqafi, oo nin dhalin yaro ah, dabeetana dadkii baa iska daba kac kacay jeer la helay ciidan, markaasuu Cumarna masuul uga dhigay Abaa Cubeydah bin Mascuud, oo markaa aan ahayn saxaabi, raggii saxaabada baa Cumar weydiiyeen:” Oo maad u magacawda ciidanka nin saxaabadii Rasuulka SCW kamid ah? Markaasuu Cumar yiri:” Waxaan uun magacaawi kii ugu horeeyay ee ajiibay dhawaqa jihaadka, adinkuna waxaad tahiin kuwa ku hor maray gargaarka diinta Islaamka (yacni gelideedda). Kadib Cumar waxuu u dardaarmay ciidankii guud ahaan , gaar ahaanna Abuu Cubeydah bin Mascuud cabsida Allaah iyo inuu la tashado ragga saxaabada Rasuulka SCW ee la socda isaga, gaar ahaanna waxuu amray inuu la tashado Suliidh bin Qeys Al Ansaari, waxuuna Cumar yiri:” Waa nin aad arrimaha dagaalka u yaqaanno”. Kadib ciidamadii Muslimiinta way dhaqaaqeen oo waxay abbaareen dhankii Ciraaq iyagoo tiradoodu ay markaasi tahay 7 000. Markaa buu Cumarna warqad u diray dhanka Shaam iyo masuulkii halkaasi ku sugnaa ee Abuu Cubeydah bin Al jarraax, taasoo uu kaga dalbanayo in ciidamadii Khaalid bin Waliid ee kasoo dagaallamay dhulka Ciraaq uu dib ugu celiyo, bacdamaa Yarmuuk lagu guuleystay. Dabeeto Abuu Cubeydah bin Al Jarraax waxuu diyaariyey ciidan culus oo uu u diro dhanka Ciraaq isagoo fulinayo amarka amiirkii Mu’miniinta ee Cumar bin Al Khaddaab, waxuuna diyaariyey 10 000 oo ciidan ah oo uu madax uga dhigay Haashim bin Cutbah bin Abii Waqaas Az Zuhri. Cumar ibnu Al Khaddaabna waxuu soo diray ciidan kaloo gurmad ah oo u badan reer Bujeylah oo uu hoggaaminayo Jariir bin Cabdillaahi Al Bujali. Ciidamadii Abuu Cubeydah bin Mascuud markay gaareen dhulka Ciraaq, waxay la kulmeen iyadoo Faarisiintii ay xaaladi ka dhex aloolsantahay oo ay ku xad gudbeen boqorkoodii ayna dileen, waxayna ka fursan waayeen inay madax ka dhigtaan gabar la oran jiray Buuraan bint Kisraa (Barwiiz/ Abarwiiz), kadib markay dileen mid iyada ka horreysay oo la oran jiray Aazarmiidakhat bint Abarwiiz. Buuraan waxay heshiis la gashay nin la oran jiray Rustum bin Farakhzaad si haddii uu is hor taago dagaallada iyo weerarada ay Muslimiinta dhulka Furus kusoo qaadeen uu markaa qabanayo xilka boqornimada muddo 10 sanadood ah, kadibna uu usoo celin doona reer Kisraa, arrintaasina waa uu ku qancay Rustum. Waxuu Rustum ahaa mid xiddigaha wax ka sheeg sheego oo waxuu ahaa Saaxibun Najam, isagoo hadal hayo in ay muddada 10 kaasi sano u buuxsami doonin ayay dadkiisii weydiiyeey:” Maxaa haddaba kugu xambaarayo inaad sidaa fasho? Yacni waxay ula jeedaan in aad heshiis noocaas gasho adigoo aaminsan inaysanba kuu buuxsameyn oo aadanna hor istaagi karin ciidamadan Muslimiinta? Markaasuu yiri:” Waa uun iga damac iyo sadano doon yacni sharaf doon”. Dhacdadii Numaariq Markaa buu Rustum soo diray ciidan uu hoggaaminayo amiir la oran jiray Jaabaan, ciidankiisu labada dhinacna waxaa kala hoggaaminayey labo nin oo midi la oran jiray Jashnash Maah, kan kalena waxaa la oran jiray Mardaan Shaah. Waxay is heleen ciidankii Abaa Cubeydah bin Mascuud oo ay isku heleen goob la yiraahdo Numaariq oo u dhaxayso Xiirah iyo Qaadisiyah. Fardooleyda Muslimiintuna waxaa hoggaaminayey Muthanna bin Xaarith, ciidanka bidixdana waxaa hoggaaminayey Camr bin Al Heytham. Kadib waxaa halkaa ku dhex maray dagaal aad iyo aad u daran oo lagu jebiyey Faarisiintii, laguna soo qafaashay Mardaan Shaah iyo Jaabaan. Ammaa Jaabaan waxaa dilay ninkii soo qafaashay, Mardaan Shaahse isagu waxuu qayaamay ninkii soo qafaashay markaasuu iska sii daayey, haddana mar kale waxaa soo qabtay ciidankii Muslimiinta, waxayna ula yimideen amiirkii ciidanka ee Abuu Cubeydah bin Mascuud waxayna ku yiraahdeen:” Waa amiirkii ciidanka Furuse ee dil”. Isagiina Abuu Cubeydah waxuu yiri:” Haddii uuba amiirkii ciidanka yahay anigaa dilaya”. Unuunka ayuuna u dheereeyay. Waxaa kaloo la sheegaa in uu nin Muslimiinta kamid ah magan geliyey. Dabeeta Abuu Cubeydah waxuu daba kacay raadka kuwii jabay oo uu wax badan ka laayey, maal badanna ka ritay, siduu u eryanayey ayayna ka dul dhaceen magaallada Kaskar oo uu madax ka ahaa wiil uu dhalay boqorkii hore ee Kisraa abtigiis, kaasoo la oran jiray Narsii. Kadib Narsii waxuu soo saaray reer Furus isagoo ku boorinayo la dagaallanka ciidanka Abuu Cubeydah bin Mascuud, waxaana dhex maray dagaal uu Alle ku jebiyey cadawgii Muslimiinta ee reer Furus, waxayna halkaas Muslimiintii ka qaniimeysteen qaniimo tiro badan, falillaahil Xamdu. Khumuskii qaniimada iyo hantidii halkaa laga helay ayuu Abuu Cubeydah u diray dhankii amiirkii Mu’miniinta ee Cumar bin Al Khaddaab. Kadib waxay isku heleen ciidamadii Muslimiinta iyo kuwii Narsii meel u dhaxayso Kaskar iyo Safaadhiyah, iyadoo ciidamada midigta iyo bidixda ee Narsii ay kala hoggaaminayaan labo nin oo uu dhalay abtigiis oo la kala oran jiray Bandaweyhi bin Nadhaam (ama bin Nasdhaam) iyo walaalkiis Beyraweyhi bin Nadhaam. Rustumna wuxuu diyaariyey ciidan kale oo uu madax uga dhigay nin la oran jiray Jaalinuus, si uu dhanka Narsii ugu soo diro gurmad ahaan. Haddaba markii uu Abuu Cubeydah arrintaa ka war helay ayuu ku deg degay inuu weerar culus ku qaado Narsii ka hor intuusan soo gaarin ciidanka Jaalinuus. Markaasuu weeraray, waxaana dhex maray dagaal culus oo lagu jebiyey ciidankii Narsi, kadibna Abuu Cubeydah iyo Jaalinuus baa waxay isku heleen goob la yiraahdo Baaruusimaa, waxaana ku dhex maray dagaal durtaba lagu jebiyey Jaalinuus iyo ciidamadiisii oo uu weliba la socday Narsii, markaasay orad ku galeen magaalladoodii Madaa’in. Kadib Abaa Cubeydah bin Mascuud wuxuu diray Muthanna bin Xaarith iyo sirriyaad (wardoonno) kale oo uu dhan waliba u diray. Xoog iyo heshiis ayayna ku kala furteen hareerahooda. Kadib khumuskii qaniimada ayuu Abuu Cubeydah u diray dhankii Madiina iyo amiirkii Mu’miniinta ee Cumar bin Al Khaddaab. Kadibna waxaa isla dhulka Furus ka dhacay.. Dhacdadii Jasar Markii uu Jaalinuus ka dul dhacay boqortooyadoodii ayay Faarisiintii is dhaarsadeen oo ay soo direen ciidan culus oo uu hoggaaminayo Bahmas Jaadaweyhi, waxuuna Rustum usoo dhiibay calanka lagu magacaabo Darfash Kabyaan. Misna waxaa kaloo uu u dhiibay raayad yacni calan kale oo uu lahaa boqorkii hore ee Kisraa kana sameysneed maro xariir ah oo lagu qurxiyey yaaquut iyo murjaan, waxayna ahayd siddeed dhudhun dhererka iyo ballac. Waxay markaa kadib Faarisiintii udhaqaaqeen dhankii Muslimiinta iyo ciidamadii Abaa Cubeydah, waxaana labada qola kala dhex galay webiga Furaat, markaasay Faarisiintii soo cid dirsadeen iyagoo leh:” Inoo soo gudba ama aanu idiin soo gudubna? Markaasay Muslimiintii amiirkoodii ku yiraahdeen:” Amar ha inoosoo gudbaane”. Waxuuse ugu jawaabay:” Nagama jeclo geerida, innaga ayaana u gudbeyna”. Kadib way u gudbeen, waxayna isku heleen goob ciriiri ah, oo dagaal darani ku dhex maray, kaasoo horey aysan Muslimiinta isagoo kale ugu tashan una arag. Muslimiintu waxay maalintaa ahaayeen kudhawaad 10 000, gaaladuse way ka tira badnaayeen, waxayna wateen reer Furus maroodiyaan tiro badan oo ay ku argagax gelinayeen fardaha Muslimiinta. Mar alliyooy weerar qaadaan fardooleyda Muslimiinta dib bay u soo noqonayeen fardaha oo sina uma galeyn goobta dagaalka iyagoo ka argagaxaya maroodiyaasha ay maalintaa Faarisiinta lasoo dagaal tegeen. Faarisiintii waxay maalintaa Muslimiinta oodda uga qaadeen gamuun oo ay halkaas kaga laayeen tiro badan, markaasuu amiirkii ciidankaasi Muslimiinta ee Abuu Cubeydah amray in marka hore la laayo maroodiyaasha, markaasay laayeen isaga iyo halyeeyadii Muslimiinta, waxaana jirey maroodi weyn oo cad kaasoo hoggaaminayey maroodiyaasha, kii ayaana soo haray markaasuu Abuu Cubeydah dhankiisii u dhaqaaqay si uu maroodiganna u dilo, markaasuu kharduumka seyf ku dhuftay oo xanuunjiyey, markaasuu maroodigii xanuunsaday oo qayliyey, suu Abuu Cubeyda ku istaagay oo dilay, halkaas ayuuna ku shahiiday amiirkii ciidankaas Muslimiinta. Kadib waxaa hoggaankii ciidanka qabtay amiirkii uu horey Abuu Cubeydah ugu dar daarmay inuu qabto haddii isaga la dilo, kadib buu weeraray qaaday jeer isagiina la dilay, misna waxaa qaaday amiir labaad oo Abuu Cubeydah u dardaarmay, kiina waala dilay, mid kale ayaa qaaday isagiina la dil, jeer ay halkaas ku shahiideen 7 amiir oo iskaga kala dambeysay hoggaanka kuwaasoo uu Abuu Cubeydah horey usii magacaabay haddii midi la dilo inuu midka kale hoggaanka qabto. Kadib waxaa qabtay amiirkii siddeedaad ee uu Abuu Cubeydah u dardaarmay, waxuuna ahaa Muthanna bin Xaarith bin Salamata As Sheybaani. Waxaa la sheegaa in ay Doomah haweeneydii Abuu Cubeydah bin Mascuud ay ku riyootay riyo ah in ay dhacdadu ku noqon doonta mid bar bar dhac ah, markay arrintaas Muslimiintii maqleen bay daciifeen oo itaal darreeyeen, waxayna ku rajo weynayeen markii hore guul furasho iyo inay si ba’an u layaan cadawga, hase ahaatee niyad jabkoodii waxuu dhalay inay in badan oo kamid ah jabaan, in kaloo badanna ay webigii ku hafteen , dar kalena uu cadawgii laayey. Waxaa la sheegaa in maalintaas ay webiga ku hafteen ku dhawaad 4000 oo Muslimiin ah. Fa innaa lillaahi Wa innaa illeyhi Raajicuun. Waxaa la sheegaa qofkii ugu dambeeyay ee Muslimiinta maalintaa iyada ah laga dila ama ka shahiida inuu ahaa Suliidh bin Qeys bin Camr bin Cubeydullaah bin Maalik bin Cadiyi bin Caamir bin Qanam bin Najaar Al Najjaari. Waxaa abti u ahaa Ascad bin Zaraarah, hooyadiina waxaa la oran jiray Ragheybah bint Zaraarah bin Sacad bin Cubeydullaah. Dhanka kale Muslimiintu maalintaa waxay iyaguna cadawgu ka dileen tiro badan oo waxay goobtaa dhigeen 6000. Markii uu jabka soo gaaray ciidamadii Muslimiinta bay buundadii isku cidhiidhiyeen, deetana ay jabtay, taasina waa tii dhashay inay in badan webigii ku hafteen. Kadib buu Muthanna daraf kamid ah buundadii istaagay oo cod aad u dheer ku qayliyey isagoo Muslimiintii la hadlayo, waxuuna amray inay tartiibsadaan jeer uu buundadu uga hagaajiyo, kadibana isaga iyo qaar kamid ah halyeeyadii Muslimiinta ayaa buundadii hagaajiyey oo dabeetana si fudud bay ku mareen. Ciidamadii Muslimiinta intii sugnaatay maahe, kuwii kale waxay u qayb sameen kuwa iyagu jiha ay u socdaan garan waayey iyo kuwa toos u abbaaray dhankii Madiina iyo Amiirkii Mu’miniinta. Warka dhacdadan waxaa magaallada Madiina geeyay oo ugu horeeyay Cabdullaahi bin Zeyd bin Caasim Al Maaziniyu oo isagu masjidka soo galay goor uu Cumar mimbarka fuushanyahay oo uu dadka u khudbeynayey. Waxuu yiri:” Maxaa ku keenay Cabdullaahi ibnu Zeydoow!!? Waxuu yiri:” Amiirkii Mu’miniintoow! waxaa kuu yimid war dhab ah”. kadibna mimbarkii buu ugu korey oo si hoos ah warkii ugu sheegay. Waxaa kaloo la yiraahdaa waxuu ahaa ninkii warka magaallada Madiina gaarsiiyey Cabdullaahi bin Yaziid bin Al Xuseyn Al Xadhmiyu, wallaahu Aclam. Cumar bin Al Khaddaab ma uusan canaanan kuwii iyagu jabay ee ka dul dhacay Madiina, bal ee waxuuba ku qaabilay waji sami iyo soo dhaweyn isagoo yiri:” Waa aniga kan aad xaggiisa soo ciirsateen, Majuustiina Alle arrinkoodii waa ka shuqliyey”. Waxuu ula jeeday Furus oo ku xad gudubtay boqorkoodii Rustum oo misna mar kale soo celsheen oo ku lifaaqeen Al Feyruzaan, iyagiina ay u qabysameen labo qaybood. Kuwii ka jabay Jassar iyagu waxay u baxsadeen dhankii Al Madaa’in, markaasuu Muthanna sii raacdeystay, kadib baa waxaa usoo baxay labo amiir oo kamid ah Faarisiinta iyo ciidan ay siteen, kadibna waa lasoo qafaashay labadoodiiba iyo dad badan oo kamid kuwii ay wateen, dhammaantooduna kurka in laga ayuu Muthanna amray. Kadib waxuu warqad u diray madaxdii Muslimiinta ee ku sugneed Ciraaq sida Bashiir bin Khassaasiyah iyo kuwa kale si ay gurmad ugu soo diraan, iyagiina way usoo direen, waxaa misna soo gaaray ciidankii uu Cumar bin Khaddaab horey ugu soo diray dhanka Abuu Cubeydah bin Mascuud oo uu hoggaaminayey Jariir bin Cabdullaahi Al Bujali oo ay la socdeen saadaaddii Muslimiinta iyo rag akhyaar ahaa. halkaa ayuu ciidan aruursi ka waday Muthanna jeer uu markii dambe helay ciidan culus. Seyf bin Cumar waxuu yiri:” Dhacdadani waxay dhacday bishii Shacbaan, goor laga jooga dagaalkii Yarmuuk 40 casho, sanadkan dhexdiisa, yacni sanadka 13aad ee Hijriga. Dhacdadii Buweyb Madaxdii Furus ayaa waxay maqleen ciidan aruursiga Muthanna bin Xaarith markaasay soo direen ciidan uu hoggaaminayo amiir la oran jiray Mahraan, waxayna isku heleen labada ciidan goob la yiraahdo Buweyb una dhaw halka ay maanta tahay magaallada Kuufa, waxaana u dhaxeeyo kaliya webiga Furaat. Kadib waxay yiraahdeen Faarisiintii:” Ama inoosoo gudba ama aanu idiin soo gudubno? Muslimiintii oo dhegahoodu ay ka guuxayaan waxii ku qabsaday dhacdadii Jassar ayaa waxay ku yiraahdeen:” Mayee idinku inoosoo gudbo”, markaasay soo gudbeen. Ammintu waxay ahayd bishii Ramadaan ee sanadkan, markaas buu Muthanna amray ciidamadii Muslimiinta inay affuraan si ay ugu ad adkaadaan cadawga. Waxuuna dhisay ciidankiisii oo raayad raayad u xidhay isagoo qolo waliba raayad qaas ah u dhiibay, kadibna inta uu dhex qaaday ayuu koox waliba u dar daarmay oo ku booriyey jihaadka iyo sabar iyo sugnaan iyo inay ku dadaalaan aamusnaanta. Qowmku waxaa ku jiray rag halyeeya ah oo ay kamid ahaayeen Jariir bin Cabdillaahi Al Bujali iyo saadaaddii Muslimiinta. Markaa buu Muthanna ciidankii la hadlay oo ku yiri:” Anigu waxaan takbiirsan doonaa (yacni oron doonaa Allahu Akbar!) saddex goor ee diyaar garooba, marka afraad-na weerarka ku qaada”. Muslimiintiina waxay hadalkii Muthanna ku qaabileen maqal iyo adeecid. Markii uu Muthanna takbiirsaday takbiirtii kowaad bay Faarisiintii weerar culus soo qaadeen, waxaana dhex maray dagaal aad u kulul, markiina uu arkay Muthanna safafkii Muslimiinta oo dabcaya ayuu soo diray nin cod dheer ku qaylinaya oo dadkii ku booriyey jihaadka. Markii ay muddadii dagaalku dheeraatay ayaa isaga Muthanna iyo asxaabtiisii waxay Alle ka baryeen inuu lib iyo guul ka siiyo cadawgooda oo uga gargaaro. Kadib wuxuu Muthanna kaxaystay rag kamid ah halyeeyadii Muslimiinta oo weerar darani ku qaaday dhankii Mahraan oo durkiyey ciidankii midigta ee Furus, waxaana Mahraan dilay wiil kamid ah Carabtii Nasaareyda kana dhashay banii Taqlab, oo faraskiisiina ka furtay. Sidaa waxaa xusay Seyf bin Cumar. Ibnu Isxaaq waxuu isaguna leeyahay:” Waxuu ahaa ninkii Mahraan dilay Al Mundir bin Xassaan bin Diraar Al Dhabyu, kaasoo waran la riday, kadibna Jariir bin Cabdullaahi Al Bujali baa madaxa ka gooyey, markaasay isku qabsadeen hubkiisii, waxaase markii dambe qaatay Jariir bin Cabdullaahi Al Bujali. Majuustii waa ay jabeen, markaasay Muslimiintiina firxadkoodii raacdeysteen oo ay laayeen, Muthanna bin Xaarithana wuxuu uga hor maray buundadii si aysan u gudbin oo Muslimiintu u laayaan. Maalintaa iyada ah iyo habeenkeedii ayay Muslimiintu raacdeysanayeen fiigoodii oo waxay helaanba laynayeen. Waxaa la yiraahdaa:” Dhacdadaasi wixii ay dileen Muslimiinta iyo kuwii webiga ku qarqaday isku dar waxay noqdeen 100 000 (boqol kun) Falillaahil Xamdu.. Halkan waxay Muslimiintii ka qaniimeysteen qaniimo aad u tiro badan oo aan la soo koobi karin, kadibna bishaaradii iyo khumuskii qaniimada ayaa waxaa loo diray dhanka amiirkii Mu’miniinta ee Cumar bin Khaddaab. Dhanka kale Muslimiinta waxaa looga dilay dhacdadaan tiro badan, waxayna dhacdadani ahayd mid loogu gogol xaarayo in laga takhalluso boqortooyadii Furus ee boqollaalka sano dunida ka talineysay. Muslimiintii waxay tamkiiniyeen dhul aad istaraatiiji u ah oo ah nawaaxiga labada webi ee Dajlah iyo Furaat. Dhacdadan Buweyb ee iyadu ka dhacday dhulka Ciraaq waxay u dhigmataa dhacdadii Yarmuuk ee ka dhacday dhulka Shaam. Furus oo Boqortay Yazdajrid Boqorkii hore ee Sheyriin ayaa reer Kisraa inta isku soo aruuriyey qol ku xiray dabeetana wada laayey raggoodii oo daayey dumarkoodii. Yazdajrid hooyadiis waxay kamid ahayd dadyowgaasi la soo qab qabtay ee iyagu la doonayey in wiilashooda iyo raggoodu la laayo, waxayna markaa wadatay wiilkeeda Yazdajrid oo markaasi kuray yar ahaa. Kadib bay si hoos ah abtiyaashii ugu yeeratay oo ka dalbatay inay wiilkeeda u qariyaan, iyagiina intay qaadeen bay deegaankooda la aadeen. Markii ay dhaceen wixii dhacay ee aanu soo tilmaannay sida dhacdooyinkii Jassar, Buweyb iyo dhacdooyinkii lamidka ahaa, la dilayna wixii la dilay ee madaxdii Furus kamidka ahaa, iyo in weliba firxadkoodii raacdo lagu hayo oo dhul badan oo istaraatiiji ahina laga qabsaday ayay arrintaasi baaseysteen reer Furus. Waxay garan waayeen halka ay cilidi ka jirto, goor ay sidaa yahiin ayay maqleen in uu Cumar soo diray Sacad bin Abii Waqaas iyo ciidama uu hoggaaminayo. Markaasay madaxdoodii shir u fadhiisteen, waxayna keeneen labadii ugu sarreysay hoggaanka Furus ee kala ahayd Rustum iyo Feyruzaan, kadibna waxay ku dul akhriyeen dar daaran iyo goodis isku dhafan, waxayna ku yiraahdeen:” Haddaydaan u istaagin dagaalladani waanu idin dileynaa labadiinnuba”. Kadib qeyb kamid ah madaxda ayaa waxay keenen ra’yi ah in dumarkii reer Kisraa meel waliba la isaga yeero oo la weydiiyo tii hayso wiil reer Kisraa ah”. Mid waliboo kamid ah dumarkii reer kisraa marka la weydiiyo inay dhashay wiil, way inkireysay iyadoo u baqayso in laga dilo. Sidaasi kama aysan suulin jeer markii dambe ay keeneen Ummu Yazdajrid iyo wiilkeedii Yazdajrid, markaasay wiilkeedii Yazdajrid boqreen isagoo 21 jir ah, waana wiilkii uu dhalay boqorkii hore ee Kisraa (boqor Shahrayaar), waxayna casileen Bowraan bint Kisraa, taasoo iyadu hoggaanka kula heshiisay markii hore Rustum. Reer Furus aad bay ugu farxeen boqridda Yazdajrid waxayna la hor istaageen hiil iyo hoo aan lala dhicin, waxayna madaxdii Furus warqado u dirsadeen goballadii dhulkooda si ay u maqlaan una adeecaan boqorka cusub, iyagiina raynrayn iyo riyaaqid ayay ku qaabileen. In badan oo dadkaasi kamid ah baana ballamahii ay horey Muslimiinta ula galeen ka baxay, iyagoo aaminsan inay awooddii Furus imminka soo laabatay, maadaama reer Kisraa dib loosoo celiyey. Tanina waxay noqotay mid ay ku kedsoomeen sidaynuba arki doonna hadduu Alle idmo. Muslimiintii goobahaa kusugnayd baa dib loosoo riixay, markaasay iyagiina warqad u dirsadeen dhankii amiirkii Mu’miniinta ee Cumar bin Khaddaab iyagoo ogeysiinayo xaaladda sida ay tahay. waqtigaasi wuxuu ahaa dhammadkii sanadkan yacnii 13-kii Hijriga Bishii Dul Qacdah, markaasoo uu Cumar soo amray inay ku sugnaadaan darfaha dhulka Furus. Sida dhabta ahi ee ay badi culimaayi Siirah qabaan, waxay tahay inuu Cumar diray Sacad sanadkii 14aad ee hijriyada, sida aynu arki doonno Alle idinkii. Imminkuna aanu u weecanno dhankaa iyo dhul furashadii Shaam, dhacdooyinkii sanadkan 13aad ee Hijriga. Furashadii Dimashiq Markii ay ciidamadii Muslimiinta furteen Yarmuuk, kadib buu Khaalid ku dul akhriyey ciidankii warqaddii ka timid Madiina iyo dhankii Cumar, taasoo caddeyneysay geeridii ku timid khaliifadii Rasuulka SCW ee Abuu Bakar iyo in uu khilaafadii qabtay Cumar bin Al Khaddaab iyo in weliba imaaradda Shaam masuul looga dhigay Abuu Cubeydah bin Al-Jarraax, Khaalid-na uu ku xigeyn u noqdo. Haddaba markaas bay dhaqaaqeen Abuu Cubeydah iyo Khaalid iyo ciidamadoodii oo ay Maraj Sufur aadeen iyagoo qorashahoodu ahaa in ay go’doomin ku sameeyaan Dimishiq, Yarmuuk-na waxaa lagu dhaafay fardooley uu hoggaaminayo Busheyr bin Kacab, Goor ay ciidamadii Muslimiinta ku suganyahiin goobta Maraj Sufur ayaa waxaa u yimid khabar ah in uu cadawga gurmad uga yimid dhanka Ximsa iyo in koox tiro badan oo Ruumaan ahna ay iskugu tegeen Fixli oo ka mid ah dhulka Falastiin (goobta Ardul Ghowr). Waxuu markaasi Abuu Cubeydah kala garan waayey tii uu ka billaabi lahaa Dimishiq ama Fixli. Markaas ayuu warqad u diray amiirkii Mu’miniinta ee Cumar bin Khaddaab, taasoo uu kala tashanayo tii uu ku hor mari lahaa. Haddaba markaa ayaa waxaa timid jawaabtii Cumar oo uu soo amray in ay ka billaabaan Dimishiq, waayo waa xaruntii Ruumaanka iyo gurigii boqortooyadooda, waxuuna amray in uu Fixil u diro koox fardooley ah oo sii mashquuliso waxuuna yiri:” Haddii uu Alle idiin furo Fixli kahor intaan Dimishiq la furan, waa sidaanu jecleyn, haddiise Dimishiq aad hor furataan, uga teg Dimishiq masuul oo adiga iyo ciidankaada ku dhaqaaqa dhanka Fixil. Haddii aad Fixil furataanna adiga iyp Khaalid aada dhanka Ximsa, Camr iyo Shuraxbiilna ku dhaaf Urdun”. Seyf bin Cumar waxuu leeyahay:” Wuxuu Fixil u diray ciidan uu hoggaaminayo Camaarah bin Makhshiyi, waxuuna ka diray goobta Maraj Sufur, markaasay is heleen koox fardooley ah oo Ruumaan ah oo tiradoodu tahay 80000 ( siddeetan kun), dabeeto way furteen ka hor intaysan Dimishiq furan. Gadaal ayaanse ka xusi doonnaa dhacdadii Fixli iyo ciddii hoggaaminaysay sida ay Mu’arrakheenta qaarkood kayiraahdeen, hadduu Alle idmo. Kadib Abuu Cubeydah waxuu diray ciidan uu madax uga dhigay Dil-Kulaac, waxuuna u diray inta u dhaxayso Dimishiq iyo Ximsa, si aysan wax gurmad ah u soo gaarin reer Dimishiq, misna waxuu diray ciidan kale oo uu u diray Falastiin iyo Dimishiq dhexdooda si ay iyana wax gurmad ah usoo gaarin reer Dimishiq. Dabadeedna waxuu ka dhaqaaqay Maraj As- Sufur isagoo kusii jeedo dhanka Dimishiq si uu go’doomin adag ugu qabto, waxuuna dhisay ciidankiisii isagoo dhaxda madax uga dhigay Khaalid bin Waliid, Camar ibnul Caasna labada dhinac mid kamid ah ayuu u dhiibay. Ciidanka Farooleyda waxuu madax uga dhigay Cayaad bin Qanam Al Fihri, kuwa lugtana waxuu u dhiibay Shuraxbiil ibnu Xasana isaguna Abaa Cubeydah waxuu hoggaaminayey labada dhinac mid kamid ah. Kadib way dhaqaaqeen, oo dul degeen Dimishiq oo go’doomin daran ay kuqabteen, waxaana markaa Dimishiq madax ka ahaa boqor la oran jiray Nasdhaas bin Nasdhuus. Ciidankii Khaalid waxay degeen dhanka bariga albaabka Keysaan, Abuu Cubeydana waxuu degay dhanka albaabka Jaabiyatul-Kabiir, Yaziid bin Abii Sufyaan iyo ciidan uu hoggaaminayeyna waxay degeen dhanka albaabka Jaabiyatus-Saqiir, Camr ibnu Al Caas iyo Shuraxbiil-na waxay degeen albaabadii kalee magaallada. Waxay Maalintaa ciidamada Muslimiinta xireen manjaniiq oo ay rideen dabaabaat, waxayna go’doomiyeen go’doomin tii u darneyd, waxaana lasheegaa inay go’doomintaasi ku hayeen muddo 70 casho, waxaa kaloo la yiri muddo 4 bilood, mise 6 bilood ama waxaa kaloo la yiri 14 bilood, wallaahu aclam. Reer Dimishiq way diideen inay soo baxaan, waxayna u gurmad dirsadeen boqorkoodii Hiriqal, si uu ugu soo gar gaaro ciidamo gurmad ah, hase ahaatee ciidamadii gurmadka ahaa ee uu soo diray ma aysan soo gaarin, oo waxay soo dhaafi waayeen kuwii uu Abuu Cubeydah dhexda dhigay ee Dil Kulaac. Markii ay reer Dimishiq yaqiinsadeen inuusan gurmad soo gaari karin, bay xaaladdu aad ugu darraatay, oo ay daciifeen, Muslimiintiina go’doomintii bay sii adkeeyeen, waxana la galay waqtigii Jiilaalka oo qabow darani yimid, xaaladdiina ay Muslimiintii ku adkaatay, markaasuu Illaahay qadaray in wiil loo dhalo boqorkii magaalada, markaasuu xaflad heer sara ah sameeyay oo khamri la wada cabbay, markaasay wada daateen dadkii iyagoo wada sakraansan oo ay wada seexdeen. Amiirka ciidamadii fadhiyey albaabka Keysaan ee Khaalid bin Al Waliid wuxuu ahaa mid aanan seexan oo aan la seexinin, waxuu ahaa halyeey habeennada dagaalka soo jeedo. Waxuu dareemay daganaashaha caawo ka muuqda dhanka cadawga iyo shanqadh la aanta xaggooda, markaasuu damcay inuu war jeefo, hase ahaatee waxaa u dhaxeeyay gidaar aad u weyn iyo god meesha ka qodnaa oo biyo ah. Khaalid waxuu soo kaxaystay qaar kamid ah sanaadiidii iyo halyeeyadii ciidanka oo ay kamid ahaayeen Al qacqaac bin Camr iyo Al Macduur bin Cadiyi iyo qeyrkooda, waxayna soo dhex jibaaxeen toggii oo ay dabaal kusoo gudbeen, markiina ay soo gaareen gidaarkii, ayaa waxay tuurteen xargo oo ay ku qabsadeen biro meesha gidaarka ku yaallay, markaasay ku koreen jeer ay dhinaca kale uga degeen. Markaasay laayeen waardiyaashii goobtaa joogay iyo wixii meesha ka dhawaa oo dad ah, dabeetana albaabkii bay fureen, markaasay ku dhawaaqeen takbiir (Allaahu akbar) dabeetana waxaa yimid ciidankii Khaalid ee albaabka Keysaan fadhiyey markii ay soo galeen bay laayeen, wixii ay arkaanba oo magaaladi dhan dhex qaadeen. Dadkii magaallada markay maqleen takbiirtii Muslimiinta ayay iyagoon waxba garaneynin u kala ordeen albaabadii, koox kastoo albaabkii Keysaan xaggiisa u oradaana ma aysan sii noolaan, oo waxaa la dilay dil kii u darnaa, waxaana ka shaqeeyay ciidamadii Khaalid bin Waliid, kuwii kalena ee dadkaasi meeshaa deganaa waxay u carareen dhankii albaabadii kale, markaasay Abuu Cubeyda iyo amaraa’di kale ka fureen oo ay heshiis ka dalbadeen, markaasay magaalladii heshiis kusoo galeen. Waxayna bartama magaallada ku kulmeen Khaalid oo dhankiisa xoog kusoo furtay, markaasay ku yiraahdeen:” Raggu waanu la heshiinnay”. Markaasuu isagiina yiri:” Aniguna xoog ayaan kusoo furtay oo wax heshiis ahna ma ina dhex marin”. Halkii ayuuna kur goyntii cadawga kasii waday. Abuu Cubeydah ayaa la hadlay Khaalid oo u tilmaamay inuu dagaalka joojiyo maadama uu la heshiiyey dadka, Khaalidna waa uu maqlay oo adeecay. Madaxdii ciidamada Muslimiinta waxay ku kulmeen meel ay ku taallay kaniisad la oran jiray Al Maqsilaadh.
Posted on: Thu, 20 Jun 2013 21:57:02 +0000

Recently Viewed Topics




© 2015