MINNEAPOLIS:- Wadaaddadii Ictisaam ee Masaajidda Abuubakar - TopicsExpress



          

MINNEAPOLIS:- Wadaaddadii Ictisaam ee Masaajidda Abuubakar Assadiiq ee Safiirka Maraykanka intay keeneen hishiiska kula galay in ay Muslimiinta la dagaalamayaan ayaa Maantayna waxaa la keenay Saraakiishii Amisom!. Murtad Mahamat Annadif, Afhayeenka Amisom Cali Xaamud iyo Saraakiil kale ayey ku soo dhaweeyeen Masjidka Abuubakar!. Saddex Sano ka hor ayaan sheegnay, Kaniisad in uu ka xun yahay Masjidkaas oo Muslimiinta shirqoollo loogu dhigo, Wadaaddo ayaa difaacay oo yiri, Safiirka Maraykanku Wadanka Asagaa iska leh cidna Masjidka kama celin karto, tolow hadda maxay dhahayaan Amisom Maraykan ayagaa iska leh soo ma’ahan?. Waxay kusoo wareejiyeen Suuqyada Minneapolis, waxayna u sameeyeen Casho, Quraac iyo Qado Sharaf!. Balsida wax u dhaceen aan dhowr qodob hordhac ahaan Idin kugu soo gudbinno!. A- Yaa Soo Dhaweeyey?, B- Shirkoodii Bayaan noocee ah ayaa ka soo baxay?, C- Dhalinyarada Gob-Islam oo shirqool lagu dayey!, D- Argagaxa Ilaahay Ku Riday, Wadaaddada Jawaasiistaa iyo Saraakiishii Amisom Affartaas Qodob aan Idiin soo gudbinno Maantay si hordhac ah, Insha Allah. Yaa Soo Dhaweeyey, Waxaa soo dhaweeyey Saraakiisha Amisom, Wadaaddada Jawaasiistaa ee Al-Ictisaam, Dammul Jadiid iyo Cilmaaniyiin. Horta Ilaahay ayaa mahad iska leh, 50 Qof Dad aan dhamayn ayaa u tagay, Saraakiisha Amisom oo qaarkood taageersanaayeen oo Muqdisho ugu tagay, Muslimiintii kale ee Reer Minnesota Ilaahay ayey ka xishoodeen!. Dadka Saraakiisha Amisom la shiray badan koodu qaab qabiil iyo Sirdoon ayey u abaabulnaayeen, waxaana ka xusi karnaa Dadka soo dhaweeyey, Cabdirashiid Aabi oo kamida Guddiga Masjidka Abuubakar, Guddoomiyaha Guddiga Masjidka Abuubakar Cabdirashidi Barre Muuse, Xassan Jaamici Damul Jadiid, Imamka Masjidka Al-Dacwa, C/raxmaan Sharif, Damul Jadiid, iyo dhammaan Wadaaddada Al-Ictisaam ee Minnesota jooga oo qariyey Muuqaaladooda laakiin aan hubno in ay kulan kula qaateen Masjidkooda Abuubakar!. Waxayba u dabaal digayaan, C/raxmaan Aw Cumar ayaa laga dhigayaa Safiir ama Wasiir kamida Xukuumadda Riddada ah!. Shirkoodii Bayaan noocee ah ayaa ka soo baxay?, Bayaanka hoos ayaad ka Akhrin doontaan, waad ku qoslaysaan haddii aad Akhrisaan, Saddexda Qodob ee ugu foosha iyo Aragga xun waa kuwaan, 1- Qofkii ka horyimaada Nabadda Amisom waddo, waa in la xiraa oo Maraykanka, iyo Wadamada kale ay xiraan!. Tolow yaa lagu qasbi karaa Amisom oo xarig ka baqaya?. 2- Fatwooyin in lagu taageero Ciidamada shisheeye ee Amisom loogu yeero, Innaa lilaahi wa Innaa Ilayhi raajacuun, waxa Fatwada lagu taageerayo xattaa Xassan Gurguurte ma’ahan waa Amisom!. 3- Qurbajoogtu waa in ay Idaacadaha, TV’yada iyo Raadyaasha Adeegsadaan, Ayaga oo Heeso, Gabayo iyo guubaabo Adeegsanaya!. Waa jaban yihiin Muslimiinta waxba uma hayaan Ilaahay hasii Inxiraafiyo!, ma hees iyo Gabay ayaa Mab’da ama Aragti Diineed oo Caqiidaa wax ka qaada?. Dhalinyarada Gob-Islam oo shirqool lala damcay in loo dhigo!, Waxaa xiriir Email iyo Taleefoonno la soo sameeyey Golaha Baraarugga Islaamka ee Waqooyiga America, Shakhsiyaad Odayaal dhaqameed, iyo kuwo Jaalliyadda Minnesota in ay matalayaan iskadhigaya oo aanan garanaynin waxa Amisom iyo Dhalinyarada Baraarugga Islaamku gaaray ay isku haystaan!. Waxay u muuqataa Amisom iyo Sirdoonka Maraykanku in uu doonayo in uu Inxiraafiyo, Dhalinyarada Muslimiinta sida Wadaaddada Jawaasiista noqday oo kale, waxaan u sheegnay Amisom in aanan wax wadahadal ah la galaynin inta ay gudaha Soomaaliya ciidamadoodu joogaan, waana in ay kabaxaan Soomaaliya si deg deg ah ayaa jawaab loo siiyey!. Wadaaddada Jawaasiistaa iyo Sirdoonku tan iyo intii la yagleelay, Golaha Baraarugga Islaamka, waxay bilaabeen in ay sameeyaan Ururo, Dhalinyaraa oo xayisiin loo sameeyo oo Dhalinyarada Muslimiinta ku leh ka jooga Masaajidda, iyo Wadaaddo Jawaasiisa oo horkacaya gaalada!. Dhalinyarada Baraarugga Islaamka, xattaa waxay ka xishoodeen in ay qashinkaas ku Mudaharaadaan, Maadaama Muslimiintu tirsanayaan guul, Mudaharaadkuna uu yahay Nin laga xoog batay dhawaaqiis!. Insha Allah, Maalmaha soo socda ayaan Bayaanno ka soo saaraynaa, isla markaana hormarinaynaa Halganka aan ku difaacayno, Diinteena iyo Dalkeena!, Allahu Akbar. Argagaxa Ilaahay Ku Riday, Wadaaddada Jawaasiistaa iyo Saraakiishii Amisom!. Waxay u yeerteen Ciidamo gaara oo Sidii Madaxweynaha Maraykanka u waardiyeynaya, waxay Masawirkiisa geeyeen goobta shirka Walaal Saxafi Abdiwali Dalboon oo ay yiraahdeen yuusan soo galin Hoolka Shirka Ninka Muuqaalkaan leh!, waxay Booliis iyo Sirdoon dabadhigeen Dhalinyarada Baraarugga Islaamku gaaray oo meeshii ay istaagaanba laga soo daba istaagay, Allahu Mustacaan!. Waxaa Ilaahay ku riday, Argagax xooggan, waxay malaysan waayeen in Dhalinyarada Baraarugga Islaamku gaaray ay ku jees jeesaan oo ay yiraahdaan, Wadanka nooga baxa!. Saraakiisha Amisom ayaa codsatay in ay Arkaan Walaal Dalboon oo ay dheheen Ninka Warbaahinta ka hadla oo dhaha Amisom iyo Ciidamada shisheeye hannaga baxaan iyo Dhalinyarada Aragtidaas la qabta ee Masaajidda Idin ku feertay hannoo yimaadaan aan la hadalnee, khalad ayaa laga dhaadhiciyeye!. Waxaan sigaara ugu mahad celinaynaa, Walaal Dalboon oo sida geesinimada leh Idaacadaha ogala dooday Wadaaddada Jawaasiistaa ee Ictisaam kuna yiri, “Waligiin wax kasta oo aad Akhrisaan, waan ka soo horjeesanaynaa ciidamada shisheeye inta ay Soomaaliya joogaan!”. Idaacadda Walaalku ka hadlayey waxaa laga xayisiinayey Maxamed Idiris, Dhooye iyo Rag kale oo Ictisaama, Walaalkuna dhiiggiisa ayuu ku qoray Taariikhda, Qofkii doonaya doodda Walaalka iyo Ictisaamka haka dhagaysto Idaacadda MPR Halkaas Riix !. AKHRI Bayaanka Wadaadd
Posted on: Tue, 08 Oct 2013 13:31:00 +0000

Trending Topics



text" style="margin-left:0px; min-height:30px;"> Evening Dogri News Bulletin—October 29, 2013 Headlines:-
La foto fantasmagórica ¿Sienten a veces cómo qué los ojos de
Large (60 square meters), sunny 2-bedroom apartment for rent (good
Please help in the fight to find a cure for ALS. Whatever you can
onsuz geçen günler ve saatlerde aklınızdan bir saniye bile

Recently Viewed Topics




© 2015