Ma rubnaa?! Wargeysk caanka ah ee the telegraph waxaa lagu - TopicsExpress



          

Ma rubnaa?! Wargeysk caanka ah ee the telegraph waxaa lagu daabacay 23/sep/2013 xog sheegeysa in amiirka ururka al shabaab uu reerkiisa oo daggan shaariqa(imaaraatka carabta) labo jeer u tagay sanadkii 2010 isaga oo isticmaalaya baasaboor kenyan ah, xogtan wargeysku wuxuu u tiiriyay warbaahinta soomaalida, hadalkii uu daabacayna sidan ayuu u qornaa: According to unconfirmed reports from Somali media, Godane has a home in Sharjah, in the United Arab Emirates, where his wife and their children have lived since 2008. The reports also claimed he visited them twice in 2010, using a Kenyan passport. Qoraalka oo dhammeystiran hakn ka akhri : telegraph.co.uk/news/worldnews/africaandindianocean/kenya/10329027/Nairobi-shopping-mall-attack-mastermind-who-was-too-hotheaded-even-for-Osama-bin-Laden.html Xogtani haddii ay sax noqoto waxay caddeyneysaa in al shabaab iyo dowlado badan ay wada shaqeyn leeyihiin sidoo kale waxay tilmaameysaa in mashruuca shabaab wadaan ee ah qixinta iyo gumaadka soomaalida inayna kaliood ku aheyn ee ay jiraan dad la wadaaga oo sidaas dani ugu jirto. Xogtan lama yaabin maxaa yeelay shaqooyika ugu muhiimsan ee shabaab ragga wada sida warbaahinta ururka codkiisa ku hadasha waxay dagganyihiin yurub iyo mareykan ismana qariyaan waliba qaarkood bogagga hore ee saxaafadda ayaa lagu soo daabacaa, bal midkan fiiri : articles.washingtonpost/2013-07-07/world/40427705_1_web-site-military-contractor-propaganda Waa ninka iska leh somalimidnimo bogga aan sumcadda badneyn ee shaqadiisu tahay inuu culmada caayo, si aan qarsoodi aheynna wuxuu ugu hadlaa codka shabaab nabad iyo caano ayuuna ku joogaa, ragga qora somalimemo lftoodu ma qarsoona inay london iyo lesceter daggayiniin gaal iyo islaambna way ogyihiin shiddana ma haystao. Wadaadka ururuka shabaab oo dhan u fatwooda ee xassaanna kenya ayuu dagganyahay nin is qariyana ma aha wakhti aan fogeynna waxaa loo xukumay inuu ceeb ka saliim yahay danbina aan loo haynin. Arrimahaas iyo kuwo kale oo badanba waxay inoo iftiiminayaan xaqiiqada ururka al shabaab iyo howlaha uu ku jiro .
Posted on: Sun, 29 Sep 2013 16:47:20 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015