Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe ayaa berito lagu wadaa inoo - TopicsExpress



          

Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe ayaa berito lagu wadaa inoo soo gaaro magaalada gaalkacayo si uu uga qayb galo aaska Boqor Cabdulahi Boqor Muuse oo Axadda soo socota lagu duugayo Magaalada Qardho. Madaxweynaha Jubbland Axmed Madoobe oo Nairobi ka soo kicitamaya ayaa sidoo kele booqan doona qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay dagaaladii Kismaayo oo Gaalkacayo lagu daawaynayo. Warkan oo ay Allpuntland u xaqiijiyeen masuuliyiin ka tirsan Jubaland iyo maamulka Mudug oo ayaa intaas ku daraya in madaxweynuhu uu u soo gudbi doona magaalada Garoowe oo kulamo kula qaadanyo madaxda Puntland. Weli faahfaahin kama hayno cida ku wehelisa Axmed Madoobe safarkiisa oo noqonyaa kii ugu horeeyey ee Puntland ku imanayo tan iyo markii loo doortay madaxtinimada Jubaland. Bulsho waynta Gaalkacyo maamulka gobolka Mudug iyo xubno ka tirsan golaha xukuumadda Puntland ayaa isku diyarinya soo dhawaynta madaxweyne Axmed Madoobe. Puntland waxay ugu horaysa meelaha sida weyn looga taageero maamulka Jubaland.
Posted on: Fri, 05 Jul 2013 20:53:34 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015